Home » Warar »

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn ku Diley Qoys ka Kooban 10 Qof

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 7-7-2014

· Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose waxay sheegayaan In Diyaaradaha Dagaala Kenya ay Duqeymo ka geysteen Tuulyinka Kudhaa, Buurgaabo, Stanbuul iyo Madhawo oo dhamaantood ku teedsan dhulka Xeebta ah , waxaana la Xaqiijiyey in Dad fara badan ay ku dhiteen Duqeyntaas oo 10 ka mid ah ay ka soo jeedaa Hal Qoys ,iyadoo Odoyaasha Deegaaskaas ay sheegeen in Muddo Saddex Maalmood ah ay Duqeyntaas uga socotey oo ayna waxyeelo ka soo gaartey Dad Rayid , sidoo kale Dowladda soomaaliya ayey ku eedeeyeen in aysan marnaba ka hadlin Dhibaatada ay geysanayaan Diyaaradaha Dagaalka ee Wadanka Kenya.

diyaarad5
· Wararka naga soo gaarya Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe waxay sheegayaan in Galbeedka Magaalada Jowhar lagu diley Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, Waxaa a sheegey in Afartaas Askari lagu diley Si Gaadmo ka dibna waxaa la sheegey in laga qaatey Qoryihii ay lahaayeen , Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe ay ku baxeen Goobtii lagu diley Ciidamadaas iyadoo Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe uu sheegey in dadaal u geli doonaan Kooxihii ka dameebyey Dilka Askarataas.

· Xeera ilaayaha Guud Qaran Cabduqaadir Maxamed Muuse oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Ansaxintii Baarlamaanka ee uu Ansaxiyey Guddiga Adeega Garsoorka ay tahay mid ka hor imaanaysa Dastuurka Dalka waxaa uu intaa ku darey “ waxaa Diyaar u nahay in aan ku kala baxno Dasuurka hadii taa la diidana Cid ka yeeleyso ma jirto in lagu Xadgudbo Xeerka iyo Dastuurka Dalka aniga waxaa u Xilsaaranahay Ilaalinta Sharuucda Dalka u degsan waxaana mar kale ku Celinayaan in aan marnaba aan ogolaan doonin in lagu Xadgudbo Dastuurka “

· Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in Maamulka la magac baxay Soomaaliland ay tijaabisey Qalab Casri ah oo ay sheegtey in ay ku Maamuleyso hawada Deegaanadeeda, Qalabkaan waxaa Tijaabiyey Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Maamulka Somaaliland , waxaa la sheegey in taabada Qalabkaas ay ku dhamaatey si guul iyadoo Maamulka Soomaaliland uu doonayo in uu ka Xoroobo Qaramada Midoobey oo h0re u Maamuli jirtey Hawada Soomaaland iyo guud ahaan Mida Soomaaliya , waxayna Qaramada Midoobey Maamulida Hawada Soomaaliya ka heli jirtey Sannadkii Malaayiin Doolar.

· Laba Askari oo ka tirsan kuwa Canshuuraha ayaa maanta kooxo ku hubeysan Bistoolado ku dileen Magaalada Muqdisho , Askariga Koowaad ayaa lagu diley Degmada Wadajir mar uu doonayey in uu Cashuur ka qaado Suuq Hilibka iyo Khudaarta ee Degmadaas , Askarigii Labaad ayaa waxaa isna lagu diley Xafadda Suuqa Xoolaha mar isna doonayey in Canshuur ka qaada Degmada , Dilalkaan ka dhacaya Magaalada ayaa sii kodhey Markii ay Dhalatey Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.