Home » Warar »

TARTANKII QUR,AANKA EE KOOFUR AFRIKA OO MAANTA FURMAY

Waxaa maanta oo ah 07da ramadaan kuna aadan 05/07/14 masaajidka imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg ka furmay tartankii qur,aanka kariimka oo ay ku tartamaayeen dugisyada dalkan koofur afrika gaar ahaan jaaliyada soomaalida ee dalkan.

somali141

Tartankan oo sanadkan ay ka soo qaybgaleen 10 dugsi oo ku kala yaalo gobolada dalkan koofur afriko ayaa waxaa ku tartami doono inta uu socdo 36 arday, waxayna ardaydaas ku tartami doonaan 5 qaybood oo qur,aanka ah

1. qur,aanka oo dhan

2. 15 juz

3. 10 juz

4. shan juz

5. hal juz

Tartankan oo ah kii labaad oo loo qabto dugsiyada jaaliyada soomaalida waxaa soo qaban qaabiyay majliska albayaan ee dacwada ee dalkan koofur afrika, waxaana tartankan kii ka horeeyay uu qabsoomay ramadaankii 2012ka, ramadaankii 2013ka oo ahayd in la qabto tartan qur,aan ayaan suurtagelin sababo xaga farsamada awgeed.

Waxaa tartankan si rasmi ah u furay sheikh axmed dheere oo ah xoghayaha guud ee majliska albayaan asagoo sheekha sheegay in uu ku faraxsanyahay in caruurtanadii ay maanta kitaabkii allah ay ku tartamaayaan, waxaana uu u rajeeyay dhamaan ardaydii soo xaadirtay guul iyo liibaan, waxaa kalimad wacdi ah oo ku saabsan muhimada qur,aanka ku bilaabay barnaamijkii maanta ee furitaanka tartanka sheikh c/casiis cali axmed oo ka mid ah ducaada koofur afriko, asagoo sheekha aad ugu dheeraaday qur,aanka qiimihiisa iyo in allah uu nagu sharfay hadaan muslimiin nahay, ayna mudantahay in allah aan ku shukrino na siiyay nicmadaas wayn oo ah in kalaamkiisa uu na dhex yaalo maantana aan ku tartamayno.

Kalimada wacdiga ka dib waxaa hadal kooban oo la siiyay gudoomiyaha gudiga qabanqaabada tartanka macalim cali ibraahim cali (cali towxiid) uu tilmaamay ardayda sanadkan tartanka ka qaybgalayso iyo tirada dugsiyada, waxaana uu sheegay macalimka in mudo bilo ah ay socotay qabanqaabada tartankan qur,aanka oo noqon doono kii labaad ee ay qabsato jaaliyada soomaalida ee koofur afriko.

waxaana uu tilmaamay macalimka in gobolo fog fog tartankan ay dadka qaar uga yimaadeen in ay ka qaybgalaan arday iyo macalimiintooda iyo waalidiintii qaar, waxaana uu tilmaamay macalim cali in sanadkan ardayda ay ka kala yimadeen gobolada western cape, eastern cape, waqooyi galbeed, iyo dabcan gobolka Gauteng oo ay ka soo qayb galeen dugsiyada ku yaalo labada magaalo ee Johannesburg iyo Pretoria.

Waxaa tartankan xaga dhaqaalaha ka saaciday ganacsatada koofur afriko oo mar walba garab taagan dacwada koofur afrika ee albayaan ay hogaamiso.

Tartankan waxaa ka ahaa dhex dhexaadiyaal gudi uu madax u yahay qaariga caanka ah bashiir bateel oo ka mid ah culimada ku caan baxday qur,aanka iyo dhexdhexaadinta tartamada caalamiga ah ee aduunka lagu qabto, qaari bashiir waxaa uu ka mid yahay culimada hindida ah ee wadankan u dhalatay,

Tartankan maanta furmay insha allah waxaa uu socon doonaa labo maalin oo kala ah maanta oo sabti ah iyo beri oo ah axad, waxaana la qaban doonaa xaflada gabagabada iyo natiijada maalinta isniinta oo bisha ay tahay ramadaan 09 kuna aadan 07/07/20014, tartankan waxaa si wacan u xiriirinaayay sheikh maxamed c/raxmaan oo ah maamulaha dugsiga cumar faaruuq oo ka mid ah dugsiyada qur,aanka ee magaalda johannesnurg.

Waxaa manta dhamaaday qaybaha ku tartamaayay juzka 1aad ayadoo sidoo kale la guda galay oo ay in yar ka harsanyihiin ardayda ku tartamaayay juzka 5aad, waxaa la filaayaa in beri lagu tartami doono hadii allah yiraahdo 110ka, 15ka, iyo 30ka juz, waxaa masaajidaka soo buux dhaafiyay dadwayne aad u bada oo ishu jiray rag iyo dumar iyo waliba ardayda dugsiyada qu,aanka ee Johannesburg.

WAXAA DIYAARIYAY

MAXAMED AADAN CABDILLE

MADAXA DACWADA GAUTENG

EE MAJLISKA ALBAYAAN

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.