Home » Warar »

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay Masuul ka tahay Dilal iyo Qaraxada ku soo batey Muqdisho

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk July 5, 2014

· Qarax Ismiidamin ah ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Afaafka hore Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho ,waxaa Qaraxaasi la sheegey In ay Wayeelo ka soo gaartey Aaskar ka tirsan Cidamada Ilalinayey Xarunta Golaha Shacabka iyo Dad Barakacayaal ah oo ku dhawaa Xaruntaasi , waxaana Qaraxaani ka Hadley Laamaha Amaanka ee Dowladda Federalka oo sheegey in Ciidamada Dowladda ay Fashilyeen Weerar la doonayey in lagu qaado Xarunta Golaha Shacabka oo Xiligaa ay ku shirayeen Xubnaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka.

somali142

· Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Wadooyinka ayaa maanta lagu Diley Agagaarka Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho sida uu Saxaafadda u Xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada Wadooyinka Cali Gaab oo sheegey in Muddo Todobaad ah Ciidamadda nabadgelyada Wadooyinka laga diley ilaa Afar Askari ,Tododbaadki hore ayey ahayd markii agagaarka Isgoyska Dabka lagu dilley Laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka , waxayna Dilalkaan ku soo beegmeen Xili Magaalada Muqdisho ay sii Xoogeysteen Dilalka iyo Qaraxyada gaar ahaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

· Iyadoo ay sii Xumaaneyso Xaaladda nabadgelyo ee Magaaladda Muqdisho ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxay Dowladda ku eedeeyeen in ay Masuul ka tahay Dilalal iyo Qaraxada ku soo batey Magaalada Muqdisho “ Anagu ma haysano Hub iyo Ilaalo noo gaar ah kuwii diley Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd ma baxsadeen Hadii Xildibaanka ay la socon lahaayeen Ciidamo ku Filan “ sidaa waxaa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo sheegey in Dowladda looga baahn yahay in Xooga saarto sdii looga hortagi lahaa Qaraxyada iyo Dilalka

· Wasiirka Garsoorka iyo Dastuuka ee Dowladda Federaalka Faarax Shiikh Cabduqaadir ayaa waxaa uu digniin u direy raga ku howlan Dekumetiyada Been Abuurka ah ee lahaanshaha Guryaha iyo Dhulalka waxaa uu sheegey in Dwoladda Federaalka ay Talaabo ka qaadi doonto kuwa ku Howlan Dekumentiyada Been Abuurka ah , waxaa uu sheegey in Dekuntiyadaas Been Abuurka ah lagu Jahwareeriyey Guddiga Adeega Garsoorka kuwaa uu sheegey in ay Caqabad ku tahaykala saarista Dadka isku heysta Guryaha iyo Dhulalka .

· Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa Cambaareeyey Dilkii loo geystey Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo Kooxo Hubeysan ay ku dileen Magaalada Muqdisho ,waxaana uu ka Codsadey Dowladda Federaalka in ay Cadaalada horkeento kuwii ka dambeeyey Dilka Xlidhibaankaas sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isna ka hadleyey Dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd waxaa uu yiri” Waxaa nala ka diley ilaa Lix Xidhiban Taasi ma aha mid naga hor istaageysa Howlaha aan u qabano Bulshada Soomaaliyeed iyo Weliaba Qaranka Soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.