Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo lagu dilay Muqdisho

Qaad aad Raqiis u ah oo lagu soo Fatahay Magaalada Muqdisho.

Marduufkii oo hore u ahaa 20 Doolar maanta waa Hal Doolar.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 3-7-2014

· Kooxo labisan Dareyska Ciidamada ayaa Rasaas la dhacay laba Xidhbaan oo ku sugnaa Degmadda Xamar weyne ka dib markii iyagoo oo ka soo baxay Gurigooda oo ku yaal Degmadaas ay ragas rasaas ku fureen ka dibna halkaa ka baxsadey , Labada Xildhibaan ayaa mid Geeriyoodey oo lagu Magcaabo Maxamed Maxamuud Xayd iyo kan Dhaawacmey ayaa lagu sheegey Magacisa Cabdulaahi Axmed Xuseen ( Coonka ) tan iyo markii ay dhalatey Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ku siiyaadayey Weerarada iyo Dilalka loo geysanayo dadka ka tirsan Dowladda

· Qiimaha la kala siiso Qaad Magaalada Muqdisho ayaa maalmahii u dambeeyey waxaa ku yimid Hoos u dhac kii ugu weynaa waxaana Marduufkii oo hore loo kala siisan jirey 25 Doolar maanta la kala siisanayaa hal Doolar taasina waay keentey in Dad badan ay Cunaan kuna dhiradaan in ay iibsadaan Qaadkaas raqiiska laga dhigey , mar aan wareysety Qof ka mid ah dadka ka Ganacsada qaadka ayaa sheegey in Sababta uu hoos ugu dhacay Sicirka qaadka ay tahay mid Qaadkii la geyn jirey Wadanka Ingiiriska la joojiyey ayaa loo soo weeciyey Dalka Soomaaliya, Masuul ka tirsan DowladdaFederaalka ayaa ugu baaqey Dowladda Federalka in ay wax ka qabato Qaadkaas lagu soo Qulqulinayo Soomaaliya oo haatan uu sheegey in ay Cunistiiis u weecdeen dad fara badan oo markii hore Gadan waayey “ Hadii aysan celin Qaadka Xitaa ha yeereyso keenistiisa waayo waxaan Ogahay in Dowladu arrintaas ay sameyn karto oo ay Xakameyn karto
somali139

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qoryooley ee Gobolka Shabeeladda hoose waxay sheegeyaan in Habeenkii Xaley ahaa Xarakada Alshabaab Magaaladaas ku garaaceen Madaafiic taasoo la sheegey in ay Waxyeelo ka soo gaartey dad rayid ah ka dib markii Madaafiicdaas ay Guryahooda uga tagtey sidoo kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Qoryooley in Dad barakacayaal ah oo halkaa ku sugan ay heysato Xaalad Baniaadanimo tiii ugu Xumeyd, waxayna Dakaas ay ka Codsadeen Dowladda iyo Hayadaha Samafalka in ay gargaar la soo gaaraan.

· Cali Maxamuud Faarax ( Cali Zekp) oo hore u soo noqdey Xildhibaan ayaa Masuuliyiinta Dowladda ku eedeeyey in ay hurinayaan dagaal Beeleedyada ka soo Cusboonaadey Gobolka Shabeeladda Hoose ,waxaa uu sheegey in Markii Masuuliyiinta Sare ee Dowladda Federaalka Gobolka Shabelada Hoose lagu Darey Gobolada Bay iyo Bakool ay beelaha Gobolkaas dega ay Hubka qaateen islamrkaana laba laba isku qabsadaan , Mudane Cali Zeko waxaa uu sheegey in Shacabka Soomaaliiyeed ay Kalsoonidaro ku abuurtey Dowlada Fedraalka ,wuxuuna u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay ka shaqeyso sidii ay Bulashada Kalsooni uga heli lahayd .

· Dowladda Mareykankayaa Shaaca ka qaadey in Soomaaliya ay kaga sugan yihin Ciidamo Mareykan ah kuwaa oo ay sheegtey in Tiradooda gaareyso 120 Askari , hase yeeshee waa markii Labaad oo Dowladda Mareykanku sheegato in Ciidamo Mareykan ah ka joogaan Soomaaliya iyadoo ku tilmaantey Ciidamadaas kuwa tababarayaal ah , Shaac ka qaadistaas ay Dowlada Mareykanka ku Qiratey in ay Ciidamo ka joogaan waxay ka dhigeysaa Markii labaad oo Ciidamo Mareykan ah yimaadaan Soomaaliya tan iyo Sannadkii 1993 dii

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.