Home » Warar »

Hotel Casri ah oo Caalami ah oo laga Furey Muqdisho islamarkaana ku lamaansan Maqaayada Caalamiga ah ee Khana Khazana.

Waxaa Magaalada Muqdisho laga furey Hotel Casri ah oo lagu Magacaabo Hotel Sayid iyo Maqaayada Caalamiga ee Khana Khazana., waxana Hotelka aad ka heleysaa Hurdo raaxo leh iyo Jiif aad u Macaan , sidoo kale waxaa Hotelka uu leeyahay Hool weyn oo Markiiba qaadi kara ilaa Kun Qof oo weliba loo diyaariyey wixii Tashiilad ee ay u Baahan yihiin sidoo kale waxaa uu leeyahay Barxad weyn oo aad ku Nasan karto islamarkan aad wax ku dalban karto

somali140

Hotelka Sayid waxaa ka heleysaa Biyo Macaan oo Nadiif oo aad ku qubeysan karto iyagoo leh Kuleyl iyo Qabowba sidoo kale waxaa Hotelka uu kuu diyaariyey Qolal Jiif ah oo Keli keli ah iyo Lamaanaba leh , waxaana halkaa iyana kuu Diiyaar ah kuugu soo dhaweyaya Shaqaale si Wanaagsan loo Carbiyey oo Aqoon sare leh , waxaa kale oo aad Hotelka Sayidka ka heleysaa Hoolal yar yar oo aad ku qabsan karto Siminaarada, Tababarada ,iyo Shirarka gaar gaar ka ah

Hotelka Sayid Waxaa ku Lamaansan Restaurant sida weyn looga yaqano Dunida ee Khana Khazana., waana Maqaayad Caalami ah oo aad ka heleyso 176 Cunto oo kala duwan sidoo kale Cuntadaas waxay isugu jirtaa kuwa loogu talagaley Dadka Qaba Dhiig Karka iyo kuwa qaba Sonkorta, iyadoo Cuntada ay Diyaariyeen Cunto kariyayaal Ku takhasusey Habka loo Kariyo Cuntada

Hotelka Sayid oo ku yaala Ku Soo horjeedka Barxadda Taalada Caanka ahayd ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa uu haystaa Wadada Maka Al- Mukarama iyo Wadada ka Daadegta Taalada Sayidka ee Aada Howl wadaag mar aan Wareysaney Maamulaha Hotelka waxaa uu sheegey in Hotelka uu yahay Hotel Qiimo jaban sidoo kale waxaa uu sheegey in Cuntada laga helo Maqaayada Khana Khazana. ay tahay mid Qiimaheeda uu jaban yahay hadaba ha Moogaan Hotelka Sayid iyo Maqaayada Khana Khazana.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiikhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.