Home » Warar »

Isbitaalka Keesaney ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la dhigey Lix oof oo isku reer ah ka dib markii ay Cuneen Raashin Sumeysan

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 1-7-2014

· Waxaa Magaalada Muqdisho intii lagu guda jirey Bisha Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Dagaalo , Qaraxyo iyo Dilal oo inta badan loo geystey Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Dad u Shaqeey Dowladda Federaalka , waxayna Dagaaladaan iyo Qaraxyadanla sheegey in ay Timid markii Xarakada Shabaab ay sheegeen in ay sii Laba jibaarayaan inta lagu guda jira Bisha Barakesyan ee Ramadaan halka Dowladda Federaalka ay Bulshada u sheegtey in Bisha Ramadaan ku Afuraan Nabad.

· Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Dowlada Federaalka Faarax Shiikh Cabduqaadir oo Shir jaraaid u qabtey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ayaa soo dhawaayey Ansaxintii uu Baarlamaanka Ansaxiyey Sharciga Golaha Aadega Garsoorka ,waxaa uu sheegey in Ansaxinta ay tahay talaabo horoe loo qaadey oo wax ka tareyso Dib u habeynta Cadaalada dalka

· Isbitaalka Keesaney ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la dhigey Lix oof oo isku reer ah ka dib markii ay Cuneen Raashin Sumeysan ,,waxaana Dadkaas laga keeney Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Tuulo u Dhow Magaalada Jowhar , inta aan la soo gaarsiin Isbitaalka ayaa waxaa Dhexda ku soo geeriyoodey Hooyadii Qoyska , hase yeeshee ma aha markii ugu horeysey in dad ku Sumoobaan Raashin ay Cunaan waxaa Bilooyinkii ugu Dambeeyey Isbitaalkaas la keenayo Dad fara badan oo ku Sumoobey Cunto ay u Cuneen iyadoo Dadka u Dhuun Daloola arrimahaan ay sheegeen in Dadka ay Cunto ka dhigteen Abuurka Miraha Beeraha

· Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ku Dhawaaqey in Dhawaan la qaban doon Shirweyne Qaran oo uu sheegey in Ummada Soomaaliyeed la isugu keenayo, Raiisul Wasaaraha oo ka hadlayey Munaasbadda 1-da Luulyo , waxaa uu sheegey in Xukuumadiisa ay qabaneyso Shiiweyne la isugu keenaya Bulshada Soomaaliyeed

· Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey Munaasabada Maalinta Xoriyada ee 1-da Luulyo ayaa sheegey in Geed Dheer iyo Geed gaaban u Fuulayaan Midnimada Ummada Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu sheegey in Ummadda Soomaaliyeed ay ka Mira Dhaliyaan halgankii Xoriyada oo uu sheeg in laga soo marey Naf iyo maalin

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta lug ka bilaabey Taaladda Siydka wuxuuna Lugtaas uu ku gaarey ilaa Taalada Dal Jirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho , waxaa ku wehliyey Lugtaas ku wehliyey GudoomIyaha Gobolka Banaadr Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) waxaana Raiisul Wasaaraha markii uu gaarey Taalada Daljirka Daahsoon waxaa uu dhigey Ubax lagu Xasuusanayey Dadkii u soo halgamey Xarriyadda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.