Home » Warar »

SHIR JARAA’ID – BURCAD BADEEDNIMADII OO AAN CAGO  KU TAAGNEYN:

DARAASAD CUSUB

26ka June 2014, Muqdisho. Xarunta Soomaaliyeed ee Macluumaadka ka Hortagga Burcad badeeddu waxay hotel Jazeera ku qabatay madasha kulankeeda 8aad, bishan June 26 keeda, 2014 ka.

Ajandaha kulanka oo ahaa “aragtida iyo fahanka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan Burcad-badeednimada” wuxuu abuuray jawi saamaxay in si rasmi ah loogu soo bandhigo sababaha keenay hoos u dhaca falalkii burcad-badeeddnimada ee ka dhici jiray Soomaaliya.

Sida ku cad daraasadda IPSOS ay samaysay Bishii Abriil 2014, dadka Soomaaliyeed 90% way ka soo horjeesteen Burcad badeednimada. Dadkii ka qayb qaatay daraasaddan waxay sheegeen in Burcad badeednimadu aysan sharci darro oo kaliya ahayn, balse sidoo kale ay sumcaddarro ku tahay dalka.

somali136

Kulankan waxaa looga gollahaa in uu noqdo fagaare lagu soo bandhigo warbixintii daraasadda isla mar ahaantaana lagu ogaado aragtida ay ka soo qaybgaleyaashu ka qabaan burcad badeedda iyo waxyaabaha ay u arkaan in ay dhiirrogaliso burcad badeednimada. Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ahaa dadkii kulanka kasoo qaybgalay ayaa hoosta ka xarriiqay in dowlad xoogleh haddii ay jirilahayd aanay dadku ku dhiiradeen burcad badeednimo. Wuxuu dowladda federaalka ah ku booriyay in ay qorshayshe u samayso dadkii burcad badeedda isaga baxay.

Sheekh Bashiir oo ah Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed isla mar ahaantaana ka mid ahaa dadkii kasoo qaybgalay kulanka ayaa carrabka ku dhuftay in aan bulshadu u ogolaan dhallinta in faldambiyeedyo nolol ay ku tiirsanaadaan ka dhigtaan. “waa in aan qofna laga yeelin in uu dadka ka hor istaago marin biyoodyada caalamigaa, ciddii dadka ka horjoogsata in ay biyaha caalamigaa maraanna sharciga lala tiigsado”.

Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya (SOCENSA) ayaa yiri “daraasadaha waxaa laga sameeyaa un burcad badeedda Soomaalida, balse waxaan jeclaan lahaa in daraasad laga sameeyo kalluumaysiga sharci darrada ah iyo suntan lagu daadiyi xeebaha Soomaaliya”. Intaa waxaa dheer, in la taliyaha sare ee Madaxweynuhu uu sheegay in ay ay doladda ka go’antahay ladagaallanka burcad badeedda, haseyeeshee ay muhiim tahay taageerada beesha caalamka ee lagula dagaallamayo burcad badeedda. “ ka dowlad ahaan, way naga go’antahay in aan burcad badeedda la dagaallano, ha yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamku hay’adaheena taageerto”.

Warbixinta daraasaddan oo laga sameeyay Gaalkacyo, Dhadhaab iyo Muqdisho ayaa muujisay in uu jiro is-badal wanaagsan oo dhanka aragtida iyo fakarka ah, kaasoo ku saabsan burcad-badeedda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaatay in la cabbiro jiritaanka is-badal-afkaareed ku saabsan saamaynta dhaqaale ee burcad-badeednimada, ayadoo aysan jirin wax kale oo lagu tiirsanaado oo dadka ka weecin kara arintan. Inkastoo warbixinta daraasaddani ay muujisay is badal aad u sarreeya oo dhanka fakarka ah, kaasoo ah 82%, dadkii ka qaybgalay daraasaddan waxay hoosta ka xarriiqeen in aan burcad badeednimada la dabar goyn Karin inta shaqo la’aantu jirto.

Dadka ka soo qaybgalay kulankan waxay ahaayeen wakiilo ka kala socday Xafiiska Madaxweynaha, Dalladda Culimada, Ururka Haweenka Qaranka iyo Ururka Dhallinyarada Qaranka.

XARUNTA MACLUUMAADKA KA HORTAGGA BURCAD BADEEDDA SOOMAALIYA (XMBS)/SAPIC

Xarunta Macluumaadka Ka Hortagga Burcad badeedda Soomaalia (XMBS) Waa xarun ku taal gudaha dalka Soomaaliya taasoo ah mid maxalli ah, isla maar ahaantaana hal-beeggeedu yahay u ol olaynta soo afjaridda burcad-badeednimada ka dhacda biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga dushooda, ayadoo la kaashanayo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka. Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan hawlaha XMLB/SAPIC, waxaa laga heli karaa hilinkan www.sapic.org amaba ka eeg bogga facebook ga, twitter ka iyo baraha kale ee bulshada. SAPIC waxaa maalgaliya Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Shirkan jaraa’id waxaad ka daalacan kartaa:

http://somapic.org/index.php?page=Publications&lang/pressrelease=Somali

PRESS RELEASE

FOR IMMEDIATE RELEASE

 

PIRACY LOOSES GROUND IN SOMALIA; NEW STUDY REVEALS

26th June 2014, Mogadishu. Somali Anti-Piracy Information Centre hosted its eighth edition of its town hall meetings in Jazeera Palace Hotel, Mogadishu on 26th June 2014.

The event’s agenda  “Somali People’s View and Perceptions on Piracy’’   created a platform to  officially share the people’s views and reasons behind the decline of Piracy activity in Somalia.

Somali people’s negative attitude towards piracy has stood out at 90% as revealed by research survey conducted by IPSOS’s in April 2014. Respondents condemned piracy not only as illegal but also a stain on the country’s image.

The town hall meeting was to provide an avenue for sharing the survey report as well as understand the participants’ views on piracy and factors that motivate piracy. The presence of a functional government would have deterred people from engaging in piracy as stated by Muhamed Abdulkadir who pointed out that the Somalia federal government has to come up with rehabilitation programmes for former pirates.

Sheikh Bashir, Chairman of the Somali National Islamic Scholars during the town hall meeting maintained that the society should not condone the youth to pursue piracy as a source of livelihood as it is both a crime and unacceptable in the Somali tradition and Islam. “No one should be allowed to prevent others from using the international waters to navigate on the high seas and anyone interfering with the safe passage of the international waters should be persecuted accordingly”.

In response to the international community’s engagement in fighting piracy, Chairman of  South Central None State Actors Civil Society Organization South CENSA), Mr. Abdullahi Mohamed Shirwa asserted in a statement that “research has been conducted on Somali Piracy alone but we would also like research to be conducted on illegal fishing, dumping of toxic waste and other criminal activities taking place in the Somali waters by foreign vessels”.  In addition, the senior advisor to the president emphasized the need for the international community’s support on the fight against piracy. “As a government, we are committed to fight piracy by all means, but it is vital that international community lends our institutions a supportive hand”.

The survey report which was conducted in Galkayo, Dadaab and Mogadishu established the positive shift in attitudes and opinions; however, opinions related to the economic effects of piracy were hard to create a mind shift with the respondents in the absence of alternative livelihood options.  Even though a significant positive attitudinal shift was recorded at 82% in the end-line survey, respondents underlined that as long as unemployment exists, piracy activities may not be eradicated.

Key participants in the event included, representatives from the Office of the President, Civil Society, Board of religious leaders, National Women Group and National Youth Council.

About SAPIC

Somali Anti-Piracy Information Centre (SAPIC) is a Somalia based community organization that advocates for the ending of piracy on Somali and international waters through community and international engagemen.SAPIC is supported by United Nations Assistance Mission in Somalia.

More information on SAPIC initiative can be viewed at www.somapic.org or on the SAPIC social media pages on Twitter and Facebook.An abridged copy of this Press Release can be viewed online at: http://somapic.org/index.php?page=Publications&lang/pressrelease=Somali

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.