Home » Warar »

Warar Goos goos ah ee Soomaaliya – June 26, 2014

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 26-6-2014

· Wararka aan ka heleyno Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Saakey Oroortii uu halkaas uu ka dhacay dagaal, wuxuuna Dagaalkaas uu u dhaxeeyey Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Xarakadda Shabaab , waxaana la sheegey in dagaalkaas uu ka dhashey Khasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac iyadoo Sarkaal u Hadley Dowlada uu Saxaafadda u Sheegey in ay Khasaaro gaarsiiyeen Xarakadda Al-Shabaab.

· Siyaasiyiinta Beeelaha Hawiye ayaa Urur Goboleedka Igad ku eedeeyey in ay fargelin ku hayso arriha Soomaaliya , waxay sheegeen in Haddii uusan Urur Goboleedka Igad uusan joojin faraegelintaas joogin wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay Dusha u ridan doonto Urur Goboleedka IgaD , Dhawaan ayey ahayd markii Wakiilka ururkaas ee Igad ee Soomaaliya uu sheegey in Ciddii ka hortimaada Heshiiska Saddex Gobol talaabo laga qaadi doono

somali135

· Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlayey Munaasabada Sannad Guurada 54 aad ee ka soo wareegtey markii Gobolada waqooyi ay Xorriyada qaateen ayaa waxaa uu sheegey in halgankaas laga soo marey Dhibaatooyin fara badan loona baahan yahay in laga dhabeeyo sidii uu Halgankaas uu u Mira Dhal;I lahaa , waxaa kale uu sheegey in ay Muqadis ay tahay Midnimada Ummada Soomaaliyeed

· Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa Shaley Gaarey Wadanka Equatorial Gueni halkaasoo uu kaga qayb galaya Shirka wadamada Midowga Afrika ayaa waxaa Kulamo hordhac ah uu la yeeshey qaar Madaxdii ka soo qayb gashey Shirkaas iyadoo la sheegey in Shirkaas looga hadli doono arrimaha ka taagan Wadamada Nayjeeriya , Soomaaliya iyo qaar kale oo ka tirsan wadamada Afrika.

· Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo wareysi siinayey ayaa waxaa uu si weyn uga hor yimid Heshiiis ay Madaxda Sare ee Dowlada garwadeen ka ahayd ayaa waxaa uu sheegey in Gobolka Shabeladda Hoose uusan raaci Karin Gobolka Bay waayo waxaa uu sheegey in Gobolka Shabeelada uu weligi ka tirsanaa Ex- Banaadir,wuxuuna uu soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay dib uga laabato Go’aankaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.