Waxaa ka socda caasimadda waddanka Jabuuti ee jabuuti , shir looga arrisanayo dhalashada ( jinsiyadda) Soomaalinnimada. Sida uu caddeeyay wasiirka arrimaha Gudaha iyo Faderaalka ee Soomaliya C/laahi Goodax, waxaa shirkaas ka qaybgalaya ergo ka socota xafiiska madaxweynaha, mid ka socota xafiiska wasiirka koobaad, xubno ka socda baarlamaanka.
Waxaa kale oo kulanka ka qaybgalaya khubaro la sheegay in ay dowladda Soomaaliya kala talinayaan arrimaha jinsiyadda Soomaalinnimada iyo waliba arrimo kale oo la tilmaamay in ay ka mid yihiin heshiisyo caalami ah oo ay dowladdu qaarkood horay u gashay, qaarka ay hadda qorsheyneyso in gasho.
Mar ay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaligu wasiir Goodax weydiisay sababaha shirkan loogu qabanwaayay waddanka gudihiisa, muhimadda arrimaha la soo bandhigayay ay leeyihiin awgeed, wasiirku wuxuu tilmaamay in khubarrada talobixiyeyaasha ah ay ku adkaatay in ay tagaan gudaha waddanka Soomaliya, ayna taasi keentay in ay iyagu jabuuti ugu yimaadaan..
Dhanka kale waxaa jira walaac soo kordhaya oo qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo indheegaradka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan heshiisyada iyo sharciyada aan laga baaraandegin ee muddooyinka dambe ay mas’uuliyiinta dowladdu aadka ugu mashquulsanyihiin. Heshiisyadaas oo la sheegay in inta badan ay garwadeen ka yihiin dowlado iyo hay’ado shisheeye. Waxayna nasiibdarro ku tilmaameen in maanta umadda Soomaaliyeed ay masiirkeedii marti ka noqoto, iyagoo dowladda fadaraalka ah mas’uuliyiinteeda ugu baaqay in ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah.
Muhimadda gaarka ee ay leedahay go’aan ka gaaridda qaadashada dhalashada ( jinsiyadda) Soomaalinnimada awgeed, waxay Somalitalk isha ku hayn doonta wixii arrimahaan ku soo kordha , waxaanan akhritayaashayada u ballanqaadadeynaa inaan la wadaagi doonno wixii warar ah ee arrinkaan ku soo kordha.
Halkaan ka dhageyso wareysigii bbc ee Goodax
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.