Home » Warar »

Golaha Wasiirradda Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii ay gaareen Dhinacyadii Isku Hayey Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mogadishu, June 24, 2014—–Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa isugu yimid shir aan caadi ahayn, kaasoo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana golaha wasiirradu si wadajir ah u soo dhaweeyeen qodobadii ka soo baxay heshiiskii ay shalay gaareen dhinacyadii khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadu inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur Galbeed, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah , dadka wada daga deeganadaasina si caddaalad ah ay u dhistaan Maamul KMG ah oo ay ku midaysan yihiin ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga mudane Khaalid Cumar Cali oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in si qotadheer uga doodeen golaha wasiirradu heshiiska isla markaana ay si wadajir ah u ansixiyeen qodobadii kasoo baxay heshiiska ay gaareen dhinacyadii muddooyinkaan isku khilaafsanaa maamullada Koonfur Galbeed Soomaaliya

“Kulankii goluhu isugu yimid caawa waxaa looga hadlay heshiiskii ay shalay gaareen dhinacyadii isku khilaafsanaa Maamulka Koonfur Galbeed, heshiiskaan wuxuu qeyb ka yahay aragtida Xukuumadda ee dhinaca dib u heshiisiinta. Xukuumaddu waxay door muuqda ka qaadanaysaa hirgelinta heshiiskan iyo in la dhamaystiro wixii ka dhiman. Waxaana sidoo kale goluhu soo jeediyey in dowladdu diyaar u tahay in laga qanciyo heshiiskii shalay dadka dhaliisan, xukuumaduna isku howlayso sidii is faham loo dhex dhigi lahaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka oo dhinaca kale tilmaamay in uu heshiiskaan waddada u furi doono amaanka oo hagaaga iyo in la qaado olole dagaal oo ka dhan ah kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka cayaartay heshiiskii ay shalay wada gaareen dhinacyadii khilaafaadku u dhexeeyay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qodobadii lagu hishiiyay waxaa kamid ahaa in la dhiso maamul KMG, iyadoo la sameeynayo guddi arrimahaas ka shaqeynaya oo kala matalaya dhinacyada hishiiska saxiixay iyo dowladda Soomaaliya.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.