Home » Warar »

Warar Goosgoos ah oo ku saabsan Soomaaliya

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 22-6-2014

· Waxaa Dalka Holand ku soo dhamaadey Shirweyne ay laahaayeen Madaxda iyo Taageerayaasha Xisbiga tayo, waxaana kulnakaas looga hadlayey Xaalada Dalka haatan uu marayo iyadoo Kulankaas mar uu ka Hadley Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegey in Xisbiga tayo uu qayb libaax ka qaadan doono sidii Soomaaliya loogu soo Dabaali lahaa Xasilooni.

· Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho ka dib markii uu in muddo ah ku maqanaa Dalka Dibadiisa,, waxaana Garoonka ku soo dhaweeyey Dad fara badan kuwaa oo ku faraxsanaa soo laabashadiisa, iasgoo mar uu la hadlayey Saxaafada uu sheegey in ujeedka uu u yimid Mudisho ay tahay sidii uu ugu Soomi lahaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana uu Bulshada u soo jeediyey in ay Garab istaagaan Dowladda

· Guddiga Dib u eegista Dastuur oo dhawaan uu Ansaxiyey Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Durba Bilaabey Howshiisii iyadoo la sheegey in Kulamo la tashi ah ay la leeyihiin Qaybaha kala duwan ee Bulshada ,waxaana uu Guddiga uu ka Kooban yahay ilaa Shan Xubnood haddii aan idiin soo Gudbiyo Taariikhdooda oo kooban

· Ururka Difaacayaasha Xaquuqda Saxafiyiinta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan CPJ ayaa warbixin ay soo saartey ku sheegtey in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto Dhibaateynta Suxufiyiinta , Hayada ayaa waxay sheegtey in Shantii Sanno ee la soo dhaafey ay Gacan siiyeen ilaa 400 Boqol oo Saxafiyiin ah ,waxayna Warbixintaan ku soo beegantey Xili Maalinti Shaley Muqdisho lagu diley Wariye Yuusuf Axmed Abuukar Kenaan ka dib markii Gaarigiisa Miino loogu Xirey

1. Mrs. Caasho Geelle Diiriye Caasho waxay ka qalin jebisay Kuliyadii Waxbarshada Lafoole 1984, waxay sidoo kale shahaadada darajada labaad ee la xiriira arimaha dumarka iyo horumarinta reer miyiga kasoo qaadatey India, mudo 30 sano ka badan waxay ku howlaneed ka shaqeynta arimaha dowlad wanaaga, waxbarashada, nabada, xalinta khilaafaadka, jinsiga, hurumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Inta aan xubinimada gudigaan loo magaacaabin waxay ahaan jirtay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

2. Mr. Cusmaan Jaamac Cali Wuxuu ka baxay kuliyada Engineeriyada ee Jaamacada Leningrad ee wadanka Russia 1968, wuxuu soo noqday wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka bada iyo sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay (1973-1989), wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiir xiligii Dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Abdiqasim Salaad Xasan. Wuxuu ahaa murashax Madaxweyne xiligii Doorashada 2004. Mudane Cusmaan Jaamac Ali wuxuu hada Gudoomiye ka yahay golaha wadahadalka iyo dimoqraadiyada ee qurba -joogta Soomaalida UK.

3. Maxamed Cabdalla Saalax Mudane Maxamed wuxuu Kuliyadii Qaanuunka ee Jaamacadi Soomaaliya ka baxay 1972, waa qareen iyo la taliye xaga sharciga, wuxuu lasoo shaqeeyay hey’ado maxali ah iyo kuwo caalami ah intaba, wuxuu soo noqday qareen maxkamada Soomaaliya ka tirsan intii u dhaxaysey 1972-1975, wuxuuna ilaa hada jiraa howlaha garsoorka iyo sharciga laga soo bilaabo 1972,

4. Prof. Xasan Cumar Mahadallah waa Bare sare iyo cilmi baare ka tirsan jaamacada Baton Rouge ee Louisiana USA, waa qoraa khibrad weyn u leh Arimaha Soomaaliya. Wuxuu sameeyay cimri baaris la xiriirta arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Aas-aaskii wadaniyada Soomaliya, Hogaanka Geeska Africa, Taariikhda ciidanka xooga dalka ee Soomaaliya, Sii socoshada iyo isbedelka siyaasada Mareykan ee Geeska Africa, Maxkamadihii Islaam, iyo maqaalo kale oo badan.

5. Mudane Xasan Xuseen Xaaji Mudane Xasan waa qareen khibrad weyn u leh arimaha sharciga, wuxuuna si gaar ah ugu takhasusey Shurrucda khusaysa arimaha socdaalka, magangelyo doonka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Sanadihii ugu danbeeyey waxaa uu si weyn ugu lug lahaa doodaha sharciyada iyo kuwa waxbarashda ee ku saabsan arimaha dastuurka ee laga soo daayo Warbaahinta

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.