Home » Warar »

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo laga codsaday in uu Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA u gudbiyo Xeerka Law no 37 si looga dhigo dastuuri

Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, calaacal iyo qeylo iyo mudaharaad waxba inooma tari doonaan ee hadda inta goori goor tahay aan gacmaha isqabsanno oo aan ka hortagno.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in taariikhdu markey ahayd 15-06-2014 , aan HILTON Hotel ee Den Haag ku booqday Wasiirka Batroolka Soomaaliya Mudane Daa-uud Moxamed iyo Agaasimaha Guud Mudane Farax Cabdi , xilli aay la shireen Shirkadda SHELL.

Fursad fiican ayeey ii ahayd in aan la kulmo Mudane ka tirsan Golaha Wasiirada si aan uga dhaadhiciyo in DHUL-BADEEDKII SOOMAALIYEED uu wali halis ku jiro.

bashiir

15-06-2014 –Hotel Hilton Den Haag. Laga billaabo bidix :- 1) Farax Cabdi -Agaasimaha Guud W.Batroolka 2) Bashir Shekh Moxamed -aniga- 3) Daa-uud Moxamed -Wasiirka Batroolka 4) Xaydar – expert geologist

Waxaan u sheegay in damaca waalan oo la rabo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED lagu boobo oo jaraaidyada Kenya aay soo qoreen in Dowladda Soomaaliya lagala xaajoonayo aay run tahay..

Waxaan u sheegay in Shirkadahaan hoos ku qoran aay qeeb ka yihiin kuwa ku jira damaca boobka batroolka Soomaaliyeed. Ugu dambeentii waxaan ka codsaday in uu arrintan soo noqnoqoneysa ee boobka batroolka Soomaaliyeed loo gidbiyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA.bashiir3

Sida kaliya oo aan uga badbaadi karno iskudaygaan boobka oo soo noqnoqonaya waa iyadoo sharciga baddanada (LAW no. 37) laga dhigo DASTUURI sida Dastuurka Dowladda Peru oo kale.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in gacmaha la isqabsado oo loo wada gurmado difaaca batroolka Soomaaliyeed, lalana wada xiriiro Xildhibaanada Baarlamaanka si loogu adkeedo arrintan.

Bashir Shekh Moxamed- bashirmohamud@yahoo.com

———————

Kenya waxaay barta Internetka soo dhex dhigtay qariiraddii iyo qoralkii ugu dambeeyay oo aay ku cadyihiin Shirkadaha kusoo xadgudbay Dhulbadeedka Soomaaliyeed…

Source:Ministry of Energy and Petroleum
Operator/Contractor
Block No. Basin Name
Afren/Lion 1 Mandera
Afren/EAX L17/L18 Lamu Offshore
Simba Petroleum 2A Mandera
Lion Petroleum 2B Mandera
Vanoil Resources 3A/3B Anza
Africa Oil 9 Anza
Tullow Oil/Africa Oil 10A Anza
Tullow Oil/Africa Oil 10BA/10BB/12A/13T Tertiary Rift
Tullow Oil/Swala Energy 12B Tertiary Rift
ERHC 11A Tertiary Rift
Adamantine 11B Tertiary Rift
NOCK 14T Tertiary Rift
A – Z Petroleum L1A/L3 Lamu Onshore
CAMAC Energy L1B Lamu Onshore
CAMAC Energy L16 Lamu Offshore
CAMAC Energy L27/L28 Lamu Deep Offshore
Imara Energy L2 Lamu Onshore
Zarara/SOHI Gas L4 Lamu Onshore
Zarara/SOHI Gas L13 Lamu Offshore
Anadarko/Total/Cove L5/L7/L11A/L11B/L12 Lamu Offshore
Flow Energy/Origin Energy L6 Lamu Offshore
Apache L8 Lamu Offshore
Ophir/Dominion Petroleum L9/L15 Lamu Offshore
BG Group L10A/L10B Lamu Offshore
Lamu Exploration L14 Lamu Onshore
Rift Energy L19 Lamu Onshore
Pacific Seaboard Investments L20 Lamu Onshore
ENI L21/L23/L24 Lamu Deep Offshore
Total L22 Lamu Deep Offshore
OPEN BLOCKS L25/L26 Lamu Deep Offshore

somken1

Stealing Somalia’s Oil:-
Anadarko: Block L5,Kenya, Anadarko sign oil exploration deal: paper | Reuters
Total: Block L22 ,Total Close to Seal Kenyan Oil Block Deal – Exploration
ENI: Block L21, L23, L24,Kenya issues exploration licences for seven more exploration blocks
Block L26 oo beec loo raadinayo ,oilinkenya.co.ke |
Zarara Oil: Block L13, Update – Swiss Oil Takes Kenyan Blocks L4 and L13 | Petroleum Africa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.