Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 21-6-2014

somali133
· Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyey Qaraxii lagu Diley Wariyey Yuusuf Axmed Abuukar (Yuusuf Keynaan) oo ka mid ahaa Wariyayaasha ugu caansan Magaalada Muqdishoo una soo shaqeeyey Idaacado badan isagoo haatan u shaqeynayey Idaacada Mustaqbal iyo Idaacadda Ergo oo ka shaqeysa arrimha baniaadnimada, wuxuuna Raiisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed tacsi u direy Qoyski, Qaraabadii iyo Asxabatii uu ka geeriyoodey Wariye Yuusuf Keynaan isagoo sheegey in Dowladda ay sii wadi doonto kuwa Gumaadka ku haya Bulshada

· Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdweli Shiikh Axmed ayaa waxaa uu Magaalada Nairobi kulan kula qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaaladda Nairobi waxaana Jaaliyada ay halkaas ka jeedisey Cabasho ku aadan sida Dowladda Kenya ula dhaqanto Ummadda Soomaaliyeed iyadoo Raiisul wasaaraha uu sheegey in wixi Cabasho ah ay dowladda wax ka qaban doonto

· Ka dib markii uu Baarlamaanka Federaalka uu Ansaiyey Guddiga Dastuurka oo ka kooban shan Xubnood ayaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka , mudane Faarax Cabdulqadir, oo ka hadlayey muhiimadda Qabyotirka Dastuurku ummadda Somaliyeed u leedahay ayaa wuxuu yiri”Dastuurku ma aha buug la qorayo, ee waa Dokumeenti, ay dadka Somaliyeed ku heshiinayaan, oo ay go’aan uga wada gaarayaan sida uu noqonayo Mustaqbilkoodu, gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda, maamulka, sidii ay bulshadu u lahaan lahayd heshiis ay isku ogyihiin.

· Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saakay xaalad degganaansha ahi ay ka jirto Jaziiradda Midhawa ka gadaal markii shalay gelinkii dambe uu halkaa ka dhacay Dagaal iyo dukheymo halkaa ka dhacay Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Jubba oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Shabaab taasoo la sheegay in ay ka qayb qaateen diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee helikobtariska loo yaqaano Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayay iyadoo inta la xaqiijiyayna ay ku dhinteen illaa laba ruux oo Rayid ah. Halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

· Iyadoo ay isa soo tarayeen maalmihii u dambeeyay Digniinada ka soo baxayay xafiiska arrimaha dibadda ee Dalka Maraykanka isla markaana Muwaadiniinta Maraykanka looga digayay in ay tagaan meelaha lagu daawado Ciyaaraha Adduunka, Dhulka ku yaala Xeebta iyo meelaha kale ee dadku isugu yimaadaan ayuu haatan bilaabay in shaqaalihiisii badankooda Maraykanka ayaa shaqaalihiisaan geynaya wadamo kale oo aan la shaacinin isagoona ku celiyay khatarta ama suurta galnimada weeraro ka ymaada Kooxo uu ku sheegay in ay yihiin argagixiso kuwaasoo laga yaabo in ay bar tilmaameedsadaan Muwaadiniinta Maraykanka iyo Reer Galbeedkaba.

· Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu mar kale sameeyay Fatahaad kuna soo fatahay tuulooyinka Xawaadleey iyo Jameeco oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad. Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad Mudane Saneey oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in webigu uu ku fatahay deegaano aad u ballaaran oo gaaraya illaa Soddon Kiilo Mitir oo isku wareeg ah kaasoo la tagay dalagyadii kala duwanaa ee halkaa ku beernaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.