Home » Warar »

Xarunta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur lagu qabatey Munaasabad lagu soo Gabagabeynayey Waxbarashadda Sanad Dugsiyeedka 2013-2014.

Waxaa Xarunta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al –Nuur ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu soo Gabagabeynayey Sannad Dugsiyeedkii 2013-2014 ,waxaana Munaasbadaas ka qayb galey Masuuliyiin ka socotey Hayadda Hormuud Foundation , Maamulka Dugsiga Al-Nuur, Macalimiinta , Ardeyda Waxka barata iyo Waalidiinta iyo Marti Sharaf kale oo ka socotey Qaybaha kala duwan ee Bulshada ,

Ugu Horeyntii waxaa halkaa ka hadley Shiikh Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Wax ka dhigta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur waxaana uu sheegey in Dugsiga uu u Mahadcelinayo intii ku gacan siisey in uu si Hamsami leh u dhamaado Sannad Dugsiyeedkii Waxbarashada 2013-2014 sidoo kale waxaa uu sheegey in Waalidiinta looga baahan yahay in ay mar waliba la socdaan Waxbarashada caruurta si loo helo ardey u dhaxeeya Macalinka iyo Waalidka .
somali131
Xubnihii kale ee halkaa ka hadley waxaa ka mid ahaa Cabdiqaadir Ibraahim iyo Salaado Warsame oo Labadooda ku hadlayey Magaca Waalidiinta Caruurta Dhigata Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur waxayn u Mahadceliyeen Macalimiinta , Maamulka iyo Hayadda Hormuud Foundation oo ay Sheegeen in ay qabteen Howla Baniaadanimo tii ugu Wanaagsaneyd ee Bulsho loo qabto waxay sii raaciyeen “ Waxaan balan qaadeynaa in aan qaadano wixii talo ah ee ay noo soo jeediyeen Macalimiinta ee ku aadan Waxbrashada Ardeyda “

“ Bishii Hal aa Laba jeer waa in ay Waalidiinta soo booqdaan Dugsiga si ay ula socdaan Waxbarashada Caruurtooda” ayuu yiri Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Axmed Xasan Warsame oo sheegey in loo baahan yahay in ay isku Xirnaan yeeshaan Waalidiinta iyo Macalimiinta ,

Waxaa isna halkaas ka hadley Maamulaha Dugsiga Indhoolayaasha ee Al- Nuur Shiikh Ibraahim Cabdulaahi Maxamuud oo si weyn ugu dheeraadey Mar xaladihii uu soo marey Dugsiga waxaana uu sheegey in Dugsiga haatan ay gacanta ku hayso Hayada Hormuud F Foundation taasoo Bixisa Wixi dhaqaale ah ee uu u baahan yahay Dugsiga waxaana kale uuu sheegey in Waalidiinta looga baahan yahay in ay marwaliba la socdaan Waxbarashada Caruurtooda.

Ugu Dambeyntii waxaa Xafladaas soo Xirey Gudoomiye ku Xigeenka Hayadda Hormuud Foundation Cumar Salaad Faarax oo si weyn uga hadley sida looga baahan yahay in ay dadka ku Sabraan waxa uu Ilaah u Qadarey waxaa kale uu Ka hadley Taariikhda Dadkii Indhoolayaasha ee soo Marey caalamka kuwaa uu sheegey in ay ku hormareen Dhinaca Waxbarashada, Dhinaca kale Caruurta wax ka barata Dugsiga Indhoolayaasha ee Al-Nuur ay halkaas ku soo bandhigeen Riwaayada ka hadleysa Faaiidada Waxbarashda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.