Home » Warar »

Warar Goos Goos ah ee Soomaaliya – June 17, 2014

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

· Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya waxay sheegayaan in mar kale Dalka Kenya Weerar lagu qaadey meel aan sidaa uga fogeyn Weerarkii dhawaan lagu qaadey Meel ku dhowr Jasiirada Laamuu , waxaana weerarkaas uu ka dhashey Khasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhawwac iyadoo la sheegey in Weerakaas ay ku dhinteen ilaa 10 Ruux, wararka waxay intaa ku darayaan in Weeararkan ay sheegteen Xarakada Alshbaab waxaana uu weerarkaasi uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Porormoko
somali127

· Wararkii ugu Dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose waxay sheegayaan in Xaalada ay haatan degen tahay ka dib markii Shaley iyo Saakey ay ka dhaceen Dagaalo la sheegey in ay u dhaxeeyeen Ciidamo kawada tirasan Maamulka Jubba waxana Dagaalkaas la sheegey in ay ku dhinteen ilaa 11 Ruux oo Dhinacyadii dagaalamey.

· Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyee Gen Cabdixakiin Daahir Saacid oo Maalmahaan ku sugnaa Dalka talyaaniga ayaa waxaa uu la kulmey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Talyaaniga gaar haan taliyaha Ciidamada Booliiska ee dalkaas ,waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sidii labada Dhinac ay isaga kaashan lahaayeen Xogaha ku saabsan Dhinaca Booliiska iyadoo taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed uu ka Codsadey in Dowlada TYalyaaniga ay taageerto Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed taasoo Dowladda Dalyaaniga ay Balan qaadey in ay gacan siin doonto Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.

· Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku tacsi u dirayso dadkii ay eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Meel ku dhow Jasiiradda Laamuu Waxa sidoo kale dawladda Maraykanku ay sheegtay inay caafimaad u rajaynayaan dadka ku dhaawacmay weerarka .Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan oo kale ah aanay ahayn wax la aqbali karo

· Sida aan ku helney warar hoose waxay sheegayaan Odoyaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Habar-gidir ayaa warqad cabasha ah u diray Mas’uuliyiinta sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.Odoyaashan ayaa ka cabanaya sababta illaa iyo iminka Dawladdu u soo magacaabi la’dahay Wasiirkii Amniga qaranka ka gadaal markii uu xilkaas iska Casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan ku dhawaad muddo Bil ah uu xilkaasi banaan yahay magacaabo.

· Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Avv CaydiId Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay ka gaabisey Amaanka Xubnha Garsoorka Somaaliyeed ka dib markii Magaalada Muqdisho lagu diley Gudoomiyaha Maxakamada Wardhiigleeey Ibraahim Xasan Maxamed , waxaana uu Gudoomiyha uu ka Codsadey in la sugu Amaanka Garsoorayaasha Maxkamadaha

Somalitalk 17-6-2014

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.