Home » Warar »

Waraysi Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex ee SomaliTalk kula yeelatay Minneapolis – Video

Khudbadii Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex ka jeediyey Minneapolis – Video

Kulan lagu qabtay Minneapolis oo ay ka qayb galeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin iyo aqoonyahan kale.

Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex oo isaga si gaar ah loogu weyneynayey kulanka, isla markaana u muuqdey nin u sharaxan xilalka qaranka ayaa ugudambeyn meesha ka Hadley.

(Khudbadii oo dhameystiran halkaan ka daawo)

Md. Cabdiwaaxid waxaa uu si faah faahan uga Hadley sababihii burburka soomaaliya, dhibaatada soo gaartey Qaranka soomaaliyeed, tan shacab, diin iyo dal intuba waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Bur burka Soomaaliya muruqeeda annagaa lahayn, maskaxduna Ummad kalaa lahayd, sababtoo ah, bur bur Ummudu ma rabto, burburkii cayn kaas ahaa xagee buu gaarey, wax bur burey waxaa ka daran shacabku in uu Ummad ahaan u dumo, nuxur ahaan annagu seddax wax baa isku keen xirayey, dad ahaan waan u dhaawacanay, diin ahaana waan u dhaawacaney, dal mid ah oo innaga dhexeeya waan u dhaawacaney. Diintu maanta ayaa loo aqoon badan yahay, laakiin maanta ayaa ku dhaqanku xun yahay, hadda waxaa weeye masaajidadii baan dadka ka dhaxeyn kuligoodna kuli far baan isku fiiqeynaa, laakiin hadaad u fiirsato dadku wax badan uma dhexeeyaan laakiin cilmi yari baa ku jirta”.

“waxaanu mareynaa magaalo hebla dadka aan u dhalan ha iskaga badan, maxayse kaga duwan tahay Nayroobi ka bax kaan u dhalanoow haddii la dhaho, soo dhaawac aan qabno ma ahan, wadaniyadii baa la luntey, kalsoonidii baa luntey, isku duubnidii baa luntey, markaas baa waxaa soo baxay in nalootaliyo wax alle wixii shirar nalo qabtey oo hadba dhinac naloo wadayey, wadaniyadii, kalsoonidii, isku duubnidii, baa maskaxdeena ka baxdey, xitaa ceeb waan u qaadan weyney sidii Arrigii in laysku kaaya cel celiyo war caqli aynu isku hogaamino aanu helno waan weyney…”
goonjeex
“wax wax natara oo aan dowlad ku noqono marna nalama siineyn, dawacooy afku dufan leey baa hawladeedu ahayd, nin kasta oo madaxweyne soo qabta iyo dowlad kasta waa laga harayey, tusaale fiican waxaa ah sidii la sheegey raga qaarkii lacag bay qaataan oo askariga AMISOM $1080 buu qaataaye waa markii iigu dambeysey oo aan talada wax ka ogaaa, war kan maa bil walba laba boqol la ii siiyo, haddii la igu eedeeyey inaan xumahay, ciidankan goormuu kor u sookacayaa, soomaaliya dowlad nimo waxaan heleynaa, markeynu xukunkeena iyo amnigeena iyo jiritaankeena markeynu mas’uul ka nahay oo gacanta inoogu jirto…”

“maxaa dowlada haysta oo aan dadku ogeyn, ciidanka dowladu waa dagaalamaa, isagaa horeeya dagaal la galayo, waa dhintaa, kuwa mar walba horeeya oo baaba’aya iyaga weeye, subaxay dhaqaaqayaan oo dagaalamayaan ayaa laba khasnadood la siiyaa, waagii dambo oo dagaal la qaadayo ayaa laba khas nadood la siiyaa, hub ma leh…! Marka AMISOM ilaa iyo yowmul qiyaamaha ayey ila joogeysaa, mee ciidankeygu goormuu imaanayaa, waxa dalka ka jira iyo xaalada taalaa sidaa weeye”.

“wadankaanu cidaan annaga ahayn ma sugayo haba yaraatee, Ummada soomaaliyeed iney ayadu shucuur wadani ah la soo kacdo oo wadankaan u istaagto, lagama maarmaan weeye, dhibaatooyinka jira waxaa weeye shacabka iyo dowladu ma wada socdaan, shacabku waa ninkaas ciriiriga ku jira oo shaqo la’aantu ka badatey weeye, dowladuna shacabka aad ay u wacyi geliso weeye oo shacabka kiciso, iyadoo shacab adeegsaneysa iyo nolosha Ummada soomaalidu waxa ay tahay ay beesha caalamka la hortagto oo la yiraahdo annagu saanaan rabnaa, baahideyda iyo cudurkeyga annigaa aqaan…”

“Mushkiladda Soomaaliya hadda ka jirta waa hoggaan xumo” waraysi Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sh. Yuusuf

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Somalitalk Minnesota USA.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.