Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 18-6-2014

· Qarax Gaari lagu soo rakibey ayaa waxaa uu ku qarax Gudaha Isbitaalka Keesaney oo ku yaala Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegey in Gaari uu lahaa Dhaqtar lagu Magaacabo Dr Cabdiqaadir Xoog oo marki uu ka degey uu oo Caabar uu ka Maqan yahay ayaa lashegey in Qaraxaasi uu dhacay waxaana ku Dhintey Wiil Kaaliya u ahaa Dhaqtar sidoo kale waxaa ku dhaawacmey ilaa 7 Qof oo qaar ka mid ah ay ahaayeen Bukaanadii ku jirtey Isbitaalka Kesaneey.

· Madaxweynaha Dowladda Fedraalka ayaa maanta gaarey Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeelada Dhexe ,waxaana Madaxweynaha uu Dhagax Dhigey Jaamacad oo la sehegey in laga higelinayo Deegaanka Buurane oo wax yar u jira Magaalada Jowhar , wararka waxay intaa ku darayaan in Marka uu Madaxeynaha uu dhameysto Booqashada Shabeelada Dhexe uu isla maanta uu gaari doono Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool halkaasoo la sheegey in Amaanka si aad ah loo adkeeyey.

· Shiikh Cabadi Umal oo Maalmahaan Booqanayey Deegaano ka tirsan Gobolada Soomaaliya waxaana Xaley uu Muxaadaro ku qabtey Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ee Maamulka Pundland ,waxaana Muxaadaradaan oo Socon doonto Todobaad ah ayaa lagu qabtey Masjidka Rowda waxaana Muxaadaradaas oo Cinwaankeeda uu ahaa Mowqifka Qofka Muslimka ah laga doonayo in uu ka istaago (Fitnada) ama Khilaafaadka ka dhex dhaca Muslimiinta , waxaana Shiikhu uu sheegey in Fitnada looga hortagi karo Dhowr Qodob oo kala ah

1- In la Barto Diinta Islaamka

2- In aan la deg degin Maadaama Xili adag lagu jiro

3- In aan lagu Kedsoomin Falsafadaha Qaldan

4- Iyo in la Ixtiraamo Culimada iyo Waxgaradka Ummadda

· Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku tacsi u dirayso dadkii ay eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Meel ku dhow JasiiraddaLaamuu Waxa sidoo kale dawladda Maraykanku ay sheegtay inay caafimaad u rajaynayaan dadka ku dhaawacmay weerarka .Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan oo kale ah aanay ahayn wax la aqbali karo

· Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo Wareysi siinayey Idaacada Goob Joog ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dhibaatada haysta Ummada Soomaaliyeed looga bixi karo iyadoo Dib u heshiisiin Dhab la dhex dhigo Shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu sheegey in Madaxda Sare ee Dowladda looga baahan yahay in Xoogooda isgu geeyaan Dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed iyadoo hadalka ka soo yeerey Madaxweynhii hore ayaa ku soo beegmey Xili ay dagaal Beleedyo ka soo Cusboonaadeen qaar ka mid ah Gobolada dalka,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.