Home » Warar »

CULIMO SUCUUDIYAAN AH OO SAFAR DACWO KU YIMID KOOFUR AFRIKA

Waxaa SabtidiiJune 15, 2014, ku yimid dalkan koofur afriko safar dacwo culimo sucuudiyaan ah oo ka soo degay johannesburg, culimadan oo ka soo duulay magaalada jeddah ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas,uuliyiinta albayaan oo uu ka mid yahay amiirka guud albayaan sheekh xasan guure, sheekh axmed dheere xoghayaha guud ee albayaan, sheekh yuusuf xubin ka mid ah aasaasayaasha albayaan, sheekh maxamed aadan abdile mas,uulka albayaan ee dacwada gobolka gauteng, macalim cali ibraahim imaamka masjidka shaafici ee johannesburg iyo ducaad kale.
somali125
waxaa ay wafdiga culimada ka koobnaayeen labo sheekh oo kala ah diktoor cali bin saalix bin muxamed almaxmaadi oo ka mid ah culimada waawayn ee sacuudiga kana mid ah macalimiinta iyo mas,uuliyiinta jaamacada makah almukarama ee umul quraa, kuna takhasusay usuulu fiqi, iyo sheekh axmed bin muxamed bin cabdallah al-khayri oo ka mid ah ducaada sacuudiga.

culimada oo marti u ahaa jaaliyada muslimka ee koofur afriko, waxaa si gaar ah marti ay ugu yihiin majliska dacwada ee albayaan, culimada oo dalkan ku sugnaan doonto hadii allah yiraahdo ayaa caawaba ka bilaabay muxaadaro iyo kulan furan masaajidka shaafici ee ku yaalo johannesburg bacadal maqribkii, ayadaoo la filaayo mudada kooban ee ay ku sugan yihiin dalkan in ay soo jeediyaan muxaadaraad, dowraad, kutub risaalooyin ah oo cilmi ah, waxayna ka soo jeedin doonaan duruustaas sedexda magaalo ee waawayn ee dalkan oo kala ah johannesburg, capetown,iyo pretoria.

waxaa ay ku sugaan doonaan dalkan koofur afriko mudo 10 casho ah, waxaana soo xaadiray muxadaradii koobaad ee caawa iyo kulankii furnaa ee ka danbeeyay dadwayne aad u badan oo muslimiin ah oo u badnaa soomaali ayadoo culimda ay ku soo jeedinayeen duruustooda luuqada carabiga.

culimada oo ka hadlay caawa bacdal cishaa kulan ay la yeesheen ducaada magaalada johannesburg ayaa aad ugu mahadceliyay ducaada iyo sida ay u jecel yihiin culimadooda iyo sida ay u soo dhaweeyeen, waxayna u balanqaadeeen inta ay joogaan in ay intay awoodaan oo muxaadaraad iyo dowraad ay soo jeedin doonaan insha allah.

WAXAA DIYAARIYAY
MAXAMED AADAN
ABDILE, MADAXA DACWADA ALBAYAAN
EE GOBOLKA GAUTENG

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.