Home » Warar »

Dawladda Federaalka oo daboolka ka qaadey in dhawaan la soo daabici dono Lacag Shilin Soomaali ah

Halkaan ka Akhriso Warar Goos Goos ah oo ku Saabsan Soomaaliya –

Somalitalk 14-6-2014

· Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Gaalkacyo waxay sheegayaan in uu halkaa ka dhacay Qarax Miino oo la sheegey in lala eegtey Ciidamo ka tirsan Maamulka Punland oo markaas marayey Xaafadda Garsoor ee Dhinaca Waqooyi, waxana la sheegey in Qaraxaasi uu ka dhashey Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ,waxaana Markiiba Goobta soo gaarey Ciidamo ka tirsan maamulka Pundland oo halkaa ka Bilaabey Baaritaano.

· Wafdi heer wasiir ah ayaa maanta gaarey Magaalada Marka ee Gobolka Shabeladda Hoose ka dib markii dhawaan ay halkaa ku diriree Laba Maleeeshiyo Beeleed, Iyadoo Tagista Wafdigaan ee Magaaalada waxaana Tododbaadkii hore Magaalada gaarey Wafdi Heer Wasiiro kuwaa oo la sheegey in dib ugu soo laabteeen Magaalada Muqdisho ka dib markii la siku afagarnwaayey qaabka loo heshiisiinyao beelaha halkaa ku dagaalamey waxaana Wafdiga maanta Hagaaminayey Wasiir Gaashaandhiga ah ku simaha Wasiirka Amniga Maxamed Shiiklh Xaamuud

.

· Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa looga doodey Xeer Hoosaadka Baarlaaanka iyadoo Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud uu Warbaahinta u sheegey in hadii Xildhiaanada Baarlamaanka ay ansaxiyaan Xeer hoosaadka ay wax waliba ay Hagaagayaan gaar ahaan waxaa uu sheegey in meesha ay ka baxayso Maqanaanshaha fara badan ee Xildhibaanadda

· Maxkamad ku taal Wadanka Scotland ayaa Xukun adag ku ridey Saddex Nin oo Sannadkii Hore dilay Wiil Soomaali ah ka dib markii ay ku fureen Rasaas , waxaana Maxkamadu Saddex nin ku Xukntey Xabsi daaim iyadoo Garsooraha uu sheegey in Dhamaan Dambiilayaasha lagu heley Dambigaas

· Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiwel Maxamed Caligaas ayaa u dhoofey dalka Imaaraadka Carabta iyadoo mar uu Garoonka kula hadlayey Warnaahinta uu sheegey In sababaha uu tagayo dalka Imaaraadka Carabta ay tahay sidii loo sii Xoojin lahaa Xiriirka u dhaxeeya Imaaradka Carabta iyo Maamulka Pundland , waxaana hore u si raacey wasiiro ka tirsan Maamulk sidoo kale mar uu ka hadlayey arrimha ka taagan Deegaanka taleex waxaa uu ku tilmaamey mid Daandaasi ah

.

· Wasiirka Maaliyada ee Dowladda Federaalka Xuseen cabdi Xalane ayaa daboolka ka qaadey in dhawaan la soo daabici dono Lacag Shilin Soomaali ah waxaa uu sii raacIyey “ Waxaan haatan ka fakereynaa in aan soo Daabacno Lacagihii hore u jirey iyo in aan soo Dabacno Lacago Shilin Soomaali ah “ waxaa uu sheegey wasiirka in Qorsha noogu jira in aan Xooga saaro soo Daabacida Lacagihii hore maadaama ay adag taha in lacag Cusub la soo Daabaco

· Waxaa Magaaladda London ee Cariga Ingiriiska lagu soo Gabagabeeyey Shir looga hadlayey tacadiyada loo geysto Haweenka iyadoo shirkaas ay ka qayb gashey Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Khadiijo Maxamed Diiriye iyadoo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka Hadley Kulnkaas uu sheegey in Gacan ka geysan doonaa sidii loo yareyn lahaa Tacadiyada loo geysto Haweenka Soomaaliyeed .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.