Home » Warar »

RW Cabdiwali oo saaka furay Shirkii Sadexaad ee Higsiga Cusub (New Deal)

Muqdisho, 12,June, 2014…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa saaka furay shirkii saddexaad ee Higsiga Cusub ( New Deal) waxaan shirka ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada, qaar ka mid ah safiirada beesha caalamka, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday Qorshaha sannadka 2014-ka ee Soomaaliya iyo dadaalka ay muujisay Xukuumaddu.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay samaynayso dadaal wax looga qabanayo tacadiyada haweenka iyo dadka laga tira badanyahay si loo gaaro Soomaaliya oo nabad ah.
somali118
“Shaki kuma jiro in aan u baahanahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha dalka ragaadiyay, aana u hiigsan lahayn horumar, bulshadeenana u daryeeli lahayn . Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan samayno qorshayaal cad-cad oo arrintaas lagu wajahayo si taageeradoodu u noqoto mid wax tar leh.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

“Maanta waxaan mareynaa marxalad shacabka iyo dowladdu ay diyaar yihiin in dalka dib loo dhiso, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan fursado shaqo, waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adeegyada bulshada. Aad iyo aad baana uga mahadcelineynaa Midowga Yurub dadaalkooda oo rajo weyn nagu abuuraya.
somali119
Ugu dambayntii, aad ayaay u soo dhaweeyeen qorshaha dawladda dhamaan deeq-bixiyeyaashii ka soo qeyb-galay munaasabada maanta. Waxaana si rasmi ah loo gudo galay qeybtii saddexaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada shaqaynayaa dawladda Soomaaliya, ururada bulshada rayidka ah iyo wadamada deeq-bixiyeyaasha ah.

—DHAMAAD—
Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.