Home » Warar »

Kulan Balaaran oo lagu Dardar Gelinayey Waxbarashada Jaamacada Green Hope University oo ka Dhacdey Xarunta Jaamacadda

Waxaa Xarunta Jaamacad Green Hope ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan Balaaran kaasoo lagu dardargelinayay Howlaha Waxbarasho ee Jaamacada Green Hope ka dib markii ay ka soo Guurtey Xarunteedii Degmada Hodan soona degtey Meel aan sidaa uga dheereyn Halkii ay hore u Degeneyd ,waxaana Kulankaas ka qayb galey Masuulyiinta Jaamacada,Culimadudiin, Macalimiinta Jaamacada , Ardeyda wax ka barata iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Maamulaha Jamacadda Dr Mustaf Macaln Cabdule waxaana uu warbixin ka bixiyey Heerarkii ay Jaamacadda soo martey isagoo sheegey in Jaamcadda ay haatan soo degtey meel aan ka dheereyn halkii hore u degeneyd, isla markaana waxaa uu hoosta ka Xariiqey in isbedel lagu sameyn doono qaabka waxbarsho ee jaamacada, sidoo kale waxaa uu sheegey in jaamacadda lagu soo kordhin doono Kulliyado Cusub oo ku shaqeyn doono qaabka Wabarasho ee Dunida Horumartey.
somali120
Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabdicasiis Cali Axmed waxaana u ugu hareyntii u Mahadceliyey intii gacan ka geystey in Jaamacada ay u soo gurto Goobta cusub isagoo sheegey in Jaamacadda Waxbarashadeeda la dardar geli doono islamarkaana Jaamaada ay shaqeyn doonto Maalin iyo Habeen si ardeyda u heleen Waxbarasho ku filan waxax uu sii raaciyey” Dad wax jira Maalinkii aan firaaqo lahayn waxayna Jaamacadu dooneysaa in dadkaas ay fursad wax ku bartaan ay siiso habeenkii.”

Waxa sidoo kale Manaasabadaas lagu dardrgelinayey Waxbarashada Jaamacada ka Hadley Suldaan Nayruus oo Shaqsi wax Waxbarsho jaamacadeed ku soo qaatey dalka Bakistaan ayaa sheegey in uu Doonayo in Aqoontiisa uu uga faaiideeyo Ardeyda dooneysa in ay Kororsadeen Aqoontooda iyadoo halkaasi uu ku soo bandhigey Laba Buug oo ka hadleya Arimaha Ganacsiga kuwaas uu sheegey in ay la jaan qaadayaan habka Cusub ee Ganacsiga adduunka , Waxaana Markiiba Buugagtaas kala boobey oo iibsadey adeydii Munasaabadaas ka soo qayb galey.

Shiikh Aadan Cismaan Maxamed oo ka hadley Munaasbadaas ayaa u Mahadceliyey Maamulka Jaamacadda Green Hope isagoo sheegey in ay yihiin dad doonayo in ay Hormariyaan Waxbrashada Jaamacadda isagoo Maamulka ka Codsadey in Jaamacadda lagu soo kordhiyo Kuliyadda Daraasadka Islaamka taasoo ay si Wanaagsan u soo dhaweeyeen Maamulka Jaamacadda iyo Dadkii ka qayb galey Munaasbadaas.

Axmed Maxamuud Dhicisow oo ah Saxafi Muddo ku soo dhex jirey Bahda Saxaafada oo isna ka Hadley Muanaasbadaas lagu dardargelinayey Waxbarashada Jaamacadda Green Hope ayaa waxaaku Wargeliyey dadki ka soo qayb galey Munaasbadaas in ay jaamacadda lagu soo Kordhin doono Kuliyadda Saxaafadda isagoo sheegey in Saxaafadu ay tahay hooyada Aqoonta kala duwan ee lagu barto Jaamacadaha

Sidoo kale waxaa ka Hadley fahmo Saciid Cabdi oo ka mid ah ardeyda ka qalin jabineysa Jamacadda Green Hope ayaa ugu horeyntii u mahadcelisey Maamulka Jaamacada Green Hope sida ay uga Go’an tahay sidii ardeyda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Waxbarsho ku filan oo heer Jaamacadeed ah waxayna kula dardaarantey Gabdhaha Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan waxbrashad si loo helo Gabdho dhinac waliba ka dhisan gaar ahaan marka ay timaado Dhinaca Waxbrashada .

Faysal Cabdulaahi Salaad oo Macalin ka ah Jaamacadaha Green Hope iyo Hope University oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraadey Aqoonta Caafimaadka uu sheeey in ay tahay Aqoon ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin maadaama Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay aad ugu yar yihiin isagoo uu soo jeediyey in ay ku dadaalaan sidii ay u baran lahayeen Aqoonta kala duwan ee Caafimaadka

Maxame Axmed Cabdalla ( Maxamed Carab ) Madaxa Logistica-da ee Jaamcadda Green Hope oo isna ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu sheegey in Maamulka Jaamacadda Green uu isbedel ku sameyn doono gaar ahaan habka Waxbarashada ee Jaamacada maadaama ay u soo gureen Goob Cusub isagoo sheegey in Jaamacada ay Xiligaan qaadaneyso ardey Cusub

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka hadley Maxamed Xuseen Maxamed oo ah Gudoomiyaha ardeyda Jaamacadda Green Hope iyo Maxamed Yuusuf Guure waxayna Labadooda kula dardaarmeen Ardeyda in aysan ka daalin Aqoonta Noocyadeeda kal duwan taasoo ay sheegeen in lagu gaari ka horumar iyo Baraare. Jaamcada Green Hope oo ka mid ah Jaamacadihii ugu horeeyey ee dalka laga hirgeliyey , waxaana Dhdibada u taagey Aabaha aan ka daalin Macalimada ee Prof Xuseen Toooxo Faarax ayaa haatan u soo guurtey Goob Cusub waxayna u dhowdahay Dhabarka dambe Hotel Ambasadoor.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.