Home » Warar »

Dowladda Somalia wey ka go’antahay in si hab furfuran oo isla xisaabtan ah uu ku dhaco Nidaamka Dastuurka dib u eegis loogu sameynayo

Warsaxaafadeed DFS:

Mogadishu, 12 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta ka hadlay horumarka laga sameeyey nidaamka Dastuurka dib u eegis loogu sameynayo oo Wasaaradda Garsoorka & Dastuurku ay hormuud ka tahay, isla makraana si hab furfuran, hufan oo isla xisaabtan leh u dhici doonto dib u eegista dastuurka, oo qeyb ka ah tiigsiga 2016ka.

29kii May ayey Golaha Wasiiradu ansixiyeen Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista Dastuurka, oo ka kooban 5 qofood oo sumcad weyn ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed. Barlamaanka ayaa dhowaan ka doodi doona guddigan si ay u ansixiyaan.

Wasiirka Garsoorka & Dastuurka, Mudane Farah Abdulkadir oo ka hadlayey arrinkan ayaa yiri “Bacdamaa sanadka 2014 uu ahay sanadkii waxqabadka, Dowladdu waxey wadaa qorshihii guddiga madaxabannaan ee Dastuurka ay ku howlgali lahaayeen si ay u guda galaan howlahooda muhiimka ah. Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah sidii guddiga loogu heli lahaa xafiis, inay helaan dhammaaan dokumentiyadii hore oo dhan ee ka saacidaya howshooda, shirar ay la yeeshaan golaha wasiirada iyo baarlamaanka oo la filayo usbuuca labaad ee July, ka dibna ay xiriir la sameeyaan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka oo ay macluumaad iyo talo ka helaan, ka dibna waxey la tashiyo la sameyn doonaan maamulada dalka ka jira oo tallooyinkooda muhiim yihiin, ka dibna qorshahaas golaha wasiirada ayaa ansixin doona, loona gudbin doono Baarlamaan ka hor inta aan la xirin 20ka July. Qorshahan ayaa ka dib waxaa lala wadaagi doonaa shacabka oo Guddiga Madaxabannaan si rasmi ah loo caleemo saari doono.”

Wasiirka Garsoorka oo ka hadlayey ujeedka qorshahan ayaa yiri “Ujeedada qorshahan ayaa ah in si haf furfuran, hufan oo isla xisaabtan ah loo fuliyo barnaamijka si shacabka loola wadaago qorshaha isla markaana loo abuuro marxalad kalsooni lagu qabi karo sharciyada Dib u eegista Dastuurka, aragtiyada kala duwan oo laga faa’iideysto, isla markaana xiriirka iyo wadashaqeyntu u noqoto mid heer sare ah. Dowladda Federaalka waxey kaloo qorsheyneysaa in barnaamijkan lagala tashan doono beesha caalamka si loo dhiso marxalad wadashaqyn buuxda ay ku dhalato.

Wasiirka Garsoorka ayaa hadalkiisa ku daray “Bisha August ayaa la qorsheynayaa sidii loo kordhin lahaa tayada iyo waxqabadka oo loo sameyn lahaa wadatashiga dadweynaha si dadka ay u noqdaan kuwa fahamsan oo heysta macluumaad ku filan. Dib u eegista Dastuurka waa mid u baahan in dhammaan dadka deegaanada laga wadda qeybgaliyo si ay uga hadlaan muhiimadda iyo caqabadaha jira. Si dadka oo dhan looga qeybgaliyo qorshahana waxaa muhiim ah in barnaamij baaxad leh loo diyaariyo si dhammaan dadka oo dhan loo dhageysto fikirkooda, taladooda iyo fariimahooda.” Wasiirka Garsoorka ayaa sidaa yiri.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey muhiimadda qorshahan ayaa yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in Qorshaha Dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso, si ay u lahaato qorshaha, oo muhiim u ah sharciyadda iyo guulaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Marka la dhameystiro Dib eegista Dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, waxbarasho, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Soomaalidu ay ka qeyb-qaataan qorshahan muhiimka ah, si qorshahu u noqdo mid shacabku iska leeyahay oo guuleysta. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Mogadishu, Somalia

…………

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay dalka

Mogadishu, June 12, 2014—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga qeyb galay shirweynaha 26-AAD ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan labada golle ee dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shirkii IGAD iyo go’aanadii kasoo baxay kulankii looga hadlayey xallinta iyo heshiisiinta mucaaradka iyo dawladda Suudaanta Koonfureed, isagoo xusay in arrintaasi meel wanaagsan la gaarsiiiyey isla markaana masuuliyiinta IGAD ugu hambalyeeyanayaan heshiiska ay gaareen.

“Waxaan magaalada Addis Ababa uga qeyb galnay shir aan caadi ahayn oo isugu yimaadeen madaxda Urur gobolleedka IGAD, waxaana looga hadlay saddex arrimood oo khuseeya koonfurta Suudaan kuwaas oo kala ah joojinta colaada, gaarsiinta gurmad deg deg ah dadkii colaaduhu saameeyeen iyo sidii loo sii wadi lahaa dib-u-heshiisiin dhinacyada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhinaca kale tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyada Koonfurta Sudan in uu yahay tusaalooyin xal looga gaarayo mushkiladaha inta badan kusoo noq-noqda qaarada Afrika.

Dhanka kale RW Cabdiwali ayaa sheegay in magaalada Addis Ababa uu wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka Ethiopia Hailemariam Dessalegn iyo madax kale ayna ka wada hadleen arrimo quseeya labada dal sida iskaashiga ammaanka, la dagaallanka argagixisada iyo arrimo kale oo muhiim ah. “Dalka Ethiopia waxaan kula kulanay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo qaar kamid ah Golahiisa wasiirada, waxaan ka wada hadalnay arrimaha dalka iyo tan gobolka, sida Koonfurta Suudaan waxa ka socda, horumarka xagga amniga ee Soomaaliya ku talaabsatay, maadaama uu yahay guddoonka IGAD, Dawladda Ethiopia waxaan leenahay iskaashi iyo xiriir qoto dheer. Waxaan uga mahad celinaynaa dalka Ethiopia sida wanaagsan oo uu mar walba noogu garab taagan yahay dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Masuuliyiinta dalalka gobolka ayaa si weyn u taageeray heshiis ay magaalada Addis Ababa ku gaareen madaxda Koonfurta Sudan oo bilihii u danbeeyay ay ka soconayeen dhibaatooyin ka dhashay khilaaf siyaasadeed.

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.