Home » Warar »

Guddiga Ganacsatada Gaadiidka oo Qayla Dhaan ka keeney Canshuur Kodhin lagu sameeyey Gaadiidkooda oo hadda ku Xayiran Dekedda Muqdisho.

cashuurMar aan booqaney Dekeda weyn ee Magaalada Mudosho anagoo Koox Wariyayaal ah ayaa waxaan ku soo aragney Gawaari fara badan oo loo keeney Ganacsi ahaan oo yaala Afaafka hore ee Marsada magaaladda Muqdisho ,waxaana naloo sheegey in Gawaaridaasi ay u Xayiran yihiin Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada Cabdulaahi Maxamed Nuur ka dib markii ay sheegeen in uu ku soo rogey Canshuur fara badan .

Arrimaha la xirira Xayiraada Gaadiidkaas ayaa waxaan wax ka weydiiney Guddiga Ganacstada ee Gaadiidleyda waxayna noo sheegeen in 5-tii Bishaan uu Wasiiru Dowlaha Maaliyada ee Dowladda Federaalka uu soo saarey Qoraal ay Guddiga Ganacstadu ku sheegeen in uu ahaa mid Wasiiru Dowlahu uu iskiis u soo saarey Lacag Kordhin taas oo ay Guddigu sheegeen in aysan ka war qabin Dowladda Federaalka iyo weliba Baarlamaankeeda

“ Waxaa Dekadda ku Xayiran ilaa 400 Boqol oo Gaadiid oo kala duwan oo loo keeney Ganacsi ahaan waxaana Gaadiidkaas Dekadda ku Xayirey Wasiiru Dowlaha Maaliyada oo ku soo Lacag Kordhiin Xaddhaaf ah oo uu ku sheegey in ay tahay Canshuur waxaana hore u bixiney Canshuurtii nagu Waajibtey sidaa darteed Lacagtaas haatan lagu Kordhiyey Gawaarideenna waa mid keeni karta in Dekedda gabi ahaan ay Xiranto “ ayey Guddiga Ganacstada Gaadiidley yiraahdeen .

Muxyadiin Faarax Guudlaawe oo Guddiga Madax u ah ,Xasan Garaad oo ah Gudoomiye ku Xigeenka iyo Maxamuud Cabdulaahi Ducaale ( Baso) oo nala hadley ayaa waxay sheegeen in Ganacsigoodii uu xayiraad uu ku sameeyey Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Cabdilaahi Maxmed Nuur ka dib markii uu nagu soo rogey Canshuur aynaan Qaadi Karin

“Soomaalidu waxay tiraahdaa “Il Ribix arkeysa Rixin ma Daydo” sidaa Darteed maanta ganacsigeena ma gaarsiisna Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye waayo Gawaariida ka soo degta Kismaayo iyo Boosaaso aad bay nooga Raqiisan yihiin weliba waxaan dheer nahay Ilaa Sideed Boqol oo Doolar marka nin Faaiidadaas arkaya lagama yaabo in uu keeno Fiiriyo marka waxaa muuqatada Ifafaale ay Dekeda Muqdisho ku Xirmeyso oo aaney waxba kala soo degeyn hadii sidaan sii socoto ” ayey yiraahdeen Guddiga Ganacsatada Gaadiidka oo wada jira, waxayna hadalkooda sii raaciyeen

cashuur1
cashuur3


“Wasiiru Dowlaha Maaliyada Waxaa uu Warbaahinta siiyey hadal Been abuur ah oo uu ku sheegey in uu Gaadiidka ka soo dega Dekadda Muqdisho u sameeyey Cashuur Dhimis, anagoo taas ka duuleyna waxaan halkaan idiin ku soo Gudbinayaa warqadii uu soo saarey ee uu ku kordhiyey Canshuurta “ Guddiga Gaadidleyda waa ay sii hadleen oo mwaxay ugu Dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka ka Codsadeen in ay ka hortagaan Canshuurta Kordhinta lagu sameeyey Gaadiidkooda taasoo ay ku tilmaameen hadii aan wax laga qaban in aysan waxba kala soo degi doonin Dekedda Magaaladda Muqdisho.
somali121
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.