Home » Warar »

Dowro Diiniya oo loo qabanayo Ardeyda Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo

09/09/1435H kuna began 07/06/2014, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka furmey Dowro ay soo qaban qaabisiyey qabashadeeda & fulinteedaba Mu’asasada Dacwada & Tacliinta ee SAFA looguna talo galey ardeyda Dusgiyada Sare ee Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Dhanka Koonfureed.

somali114

Dowradu waxey soconeysaa inta u dhaxeysa 9 ilaa 14 Bisha Shacbaan ee Sanadka 1435H, Intey socotana ardeydu waxey ku qaadanayaan duruus kale duwan ee ku aadan horumarinta Tacliinta.

Ugu horeyn xaflada furitaanka ee Dowrada waxaa ka Hadley Agaasimaha Iskuulka A’Shacab ee Magaalada Gaalkacyo, Ustaad C/raxmaan Cumar Sh, Nuur, kuna soo dhaweeyay Culimada, Ardeyda & Marti Sharafka kaleba Furitaanka Dowrada.

Waxaa xigey oo hadalka qaatey Wakiilka Dacwada ee Gobolka Mudug Sh. Saciid Maxamed Cilmi oo sheegay Gobol ahaan iney Dowrada soo dhaweynayaan qeybna ka qaadayaan, ayna muhiim u tahey ardeyda & waalidiinta Gobolka iney helaan Dowrooyin noocan oo kale, qeybna ka qaadaneysa hormarka waxbarasho ee dhalaanka Gobolka Mudug.

Intaa ka dib waxaa isna hadalka qaatey Mas’uulka Xiriirka guud ee Mu’asasada Safa ee Dacwada & Tcliinta, Sh. C/casiis Cali Xasan oo ku booriyey ka qeyb galaasha Dowrada iney ka faa’iideystaan, halka ay joogaan sare uga qaadaan Waxbarashooda, sida hal ku dhiga Dowrada ka muuqatana Waxbarasho ay tahey  furaha guusha & hormarka.

Ugu danbeyn Xaflada furitaanka Dowrada waxaa ka Hadley Sh. Maxamuud Sh Axmed –  Abu Sheyba oo dhankiisa taageero & bogaadinba u muujiyey Dowrada, una rajeeyay ardeyda qeybta ka ah iney ka faa’iideystaan, waxna ay ka badesho tayadooda Waxbarasho xiliga soo aadan.

Ka dib furitaanka Xaflada waxaa si toosa u bilowday Dowrada oo la fuliyo Insha Allah, ardey badan iney faa’iideysataan intey socoto.

waxaa soo tebiyey maxamed maxamuud.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.