Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta oo Marti-geliyey xafladda Sanadguurada 1aad ee UNSOM

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya xafiiskeeda warfaafinta kuna saabsan sannadguurada UNSOM ayaa u qornaa sidan:


Mogadishu, 03 June 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Duhulow
ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta ku martigeliyey xafladda
sanadguurada 1aad ee UNSOM, una mahadceliyey Mr. Nicholas Kay, Ergeyga
Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Somalia oo si hagar-la’aan ah u
taageera Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, si dalka loo
gaarsiiyo amni iyo kala danbeyn buuxda. Ka soo qeybgalayaasha waxaa ka
mid ahaa Mudane Xasan Sheekh Maxamud, Madaxweynaha Somalia, Mudane
Ridwan Hirsi Maxamed, Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Mr Nicholas
Kay, Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM u qaabilsan Somalia ahna Madaxa
UNSOM.
DSC02517
Wasiirka ayaa soo dhoweeyey ka soo qeybgalayaasha xafladda
Sanadguurada 1aad ee UNSOM. Waxaa goobta lagu soo bandhigay sawirro ka
tarjumaya horumarka dalka iyo filin la magac baxay “Wadajir baa nabad
lagu helaa Somalia” oo muujinayey horumarka baaxadda leh ee laga
gaaray sidii nabad iyo degennaansho ay dalka uga dhici laheyd.

Wasiirka Warfaafinta oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Wasaaradda
Warfaafinta aad iyo aad bey ugu faraxsantahay inay martigeliso
xafladan muhiimka u ah Somalia. UNSOM waxey nala joogtay 12kii bilood
ee la soo dhaafay, waxaana na farxad gelineyso isbedelka horumarka leh
ee taageerada QM ee Somalia. Waxaan hadda heysanaa hoggaan si hagar
la’aan ah u shaqeeya oo ay ka go’antahay inuu nagala shaqeeyo sidii
loo mideyn lahaa taageerada caalamka ee Somalia. Mudane Kay waxuu ka
howlgalay sidii aan u heli laheyn hal albaab ee laga soo galo
hay’adaha QM, oo ah arrinkii uu Madaxweynaha Somalia codsaday markii
la doortay September 2012. Nicholas Kay, horumar weyn buu ka sameeyey
arrinkan oo uu xitaa dadaal dheer ah sameeyey oo uu beesha caalamka ku
mideeyo sidii ay u taageeri lahaayeen Somalia.
“Sida aad ka aragtaan sawirada la soo bandhigay iyo filimka aad
daawateen oo nawada tusaya sida aan horumarka ballaaran uga sameeynay
dalka, waana inaan u dabaaldegno horumarkaas baaxadda leh ee aan sida
wada jirka ah u wada sameyneyno si dalku u noqdo mid nabad ah oo
horumar ku tallaabsado.

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka dowladda ayaa yiri
“Waxaan maanta jira wada-shaqeyn xoogan oo nagala dhaxeysa UNSOM, oo
4tii bilood ee la soo dhaafay waxaan horumar ka sameyney arrimo badan
oo ay ka mid yihiin inaan sameynay la tashiyo ballaaran eek u wajaran
Sharicga Saxaafadda iyo Sharciga Isgaarsiinta oo aan la tashanay
qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaan in ka badan 10 degmo ka
xorreynay kooxaha Argagaxisada, waxaan wadnaa xasilnta dalka oo aan
shacabka la kaashano, waxaan sameyney Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u
Eegista Dastuurka oo 5 qof oo sumcad ku dhex leh dalka aan u xulnay oo
matala shacabka Soomaaliyeed si ay u hoggamiyaan dib u eegista
Dastuurka, Waxaan sameynay guddi-hoosaadyo heer wasiiro si aan u
sameyno maamul wanaag, Waxaan diyaarinay Istraatejiyada Warbaahinta oo
naga saacideysa inaan haggaajino xiriirkeena iyo fariimaheenna, Waxaan
sameynay Xarunta Wadajirka ee Amniga oo aan xiriir wanaagsan leenahay
AMISOM, Madaxda Qaranku waxey tageen gobolada dalka oo ay dadka
deegaanka ugu baaqeen dib u heshiisiin iyo maamul wanaag, Maamulka iyo
Maareynta Maaliyadda oo horumar weyn laga gaaray, waxaan maanta
heysanaa Guddi maamula, Guddoomiye iyo Ku xigeen oo uu leeyahay
Bankiga Dhexe oo ku yimid si tartan furan oo loo siman yahay oo ay
nagala shaqeysay Bankiga Adduunka, Sidoo kale waxaan heysannaa Hanti
Dhowr Guud iyo Xisaabiye Guud oo iyagana ku ymid nidaamka tartanka
furan ee loo wada siman yahay. Arrimahan oo dhan waxaan ku guleysannay
iyadoo ay jiraan caqabado fara badan.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Shaki iigama
jiro in UNSOM ay sii wadeyso la shaqeynta Dowladda Federaalka sidii ay
arrimaha muhiimka u ah uga shaqeyn laheyd sida Dib u eegista
Dastuurka, dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta nidaamka
Dimoqraadiyadda ah si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ka
dhaca 2016ka. UNSOM maanta waxey joogtaa xaalad ay ku fahamtay
mudnaanta dalka iyo caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin bulsho kala
firirsan, soo celinta amniga iyo nabadeynta iyadoo dhanna aan kula
dagaaleyno argagaxisada, dhaqaale la’aan, iyo caqabadaha kale ee jira.
Sanad ka hor Nicholas Kay macluumaad fara badan kama uusan heysan
Somalia, laakin hadda waxuu fahamsanyahay caqabadaha faraha badan ee
jira ee dowladdu maalin walba la kulanto. Habka ugu fiican oo looga
bixi karo mushkiladaha ayaa ah in si buuxda loo taageero Dowladda
Federaalka oo ah hay’adda kaliya oo Soomaalidu ay ku dhan tahay oo
matasha dhammaan shacabka oo dhan. Waxaana muhiim ah in dhammaan
taageerada Somalia loo soo marsiiyo Dowladda Federaalka oo ah hay’adda
sharciyadda u heysata Somalia oo matali karta midnimada iyo Xaduudaha
Somalia. Waxaan rajeynayaa in sanadka danbe sanadguurada 2aad aan ku
dabaaldegno horumarro waaweyn oo aan sameynay, waxaana idiin rajenayaa
guul. Mahadsanidiin.”
DHAMAAD
Ministry of Information, Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.