Home » Warar »

RW. Cabdiwali oo maanta ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhexmaray Xukuumadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan

Muqdisho, 04, June, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta furay wajiga koowaad ee kulanka wadatashiga bulshada iyo dawladda oo ka dhacay xarunta Degmada Xamar Ja-Jab, waxaana kulanka kasoo qeyb galay , xubno kamid ah golaha Wasiirrada, Maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo 125 waxgarad ah oo laga soo xulay afar degmo oo dhaca bartamaha Muqdisho.

cweli

dadweynihii kasoo qayb galay kulanka ayaa soo jeediyey hadalo iskugu jira dhiirgelin iyo bogaadin ku wajahan hawlaha Xukuumaddu u hayso Shacabkeeda, waxayna su’aalo ka weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo laamaha amniga, taas oo sahalayso in si wada jir ah logo hortago falalka amni xumo ee geysanayaan kooxaha nabad-diidka Al-shabaab

Maxamed Aadan Guuleed “Caanogeel” Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna g ku-xigeenka arrimaha siyaasadda, ayaa soo dhaweeyay furitaanka wajiga koowaad ee kulanka wadatashiga bulshada iyo dawladda, wuxuuna sheegay in wax badan uu ka badeli doono kulankaan xiriirka u dhexeeya shacabka ,Dawladda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Khaalid Cumar Cali, ayaa tilmaamay fikirka wada-tashiga Bulshada iyo Xukuumadda in uu soo Hindisay Ra’iisul Wasaare Cabdiwali, kadibna uu hor keenay guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirrada, si tallada loo siiyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo gabagebadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay wada-tashiga dadka shacabka ah iyo dawladda inuu socon doono isla markaana la gaarsiin doono degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Mudane Cabdwali Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibeddaba inay hormuud u noqdaan isbaddel weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada ay marin habaabiyeen kooxaha Nabad-diidka Al-shabaab in ay ka soo laabtaan fikirka qaldan Xukuumadduna ay soo dhaweeneyso

“Kulankaani wuxuu bilow u yahay kulamo joogto ah oo wadatashi iyo isku tiirsanaan shacabka iyo dawladda , ujeedka aan ka leenahay kulamadaan waa in Xukuumadda iyo dadkeedu wadatashadaan, waxaa halkaan jooga Wasiirradii ka tirsanaa guddi-hoosaadka arrimaha bulshada oo todobo wasaaradood ka kooban. Tallooyinkii aad soo jeediseen runtii waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah oo aanaan ka helin dad badan oo horay isku aragnay balse waxaan idiin balan qaadaynaa in Xukuumaddu qaadan doonto tallooyinka aad soo jeediseen ficilna u badali doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Kulamada u dhexeeya Xukuumadda iyo Shacabka ayaa noqon doona kuwa si joogta ah uga dhaca degmooyinka gobolka banaadir iyo gobolada dalka si shacabka iyo Dawladdu u yeeshaan wada shaqayn dhab ah.

—DHAMMAAD—

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.