Home » Warar »

Warsaxaafaadeed: Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyey horumarka Dowladda

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka soomaaliya ayaa u qornaa sidan

Mogadishu, June 1, 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Duhulow oo maanta warbaahinta Muqdisho kula hadlayey ayaa ka warbixiyey horumarka iyo wax-qabadka dowladda ee usbuucii hore. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Weerarkii iyo Qaraxii Baarlamaanka, arrimaha beeraha, sharciga Isgaarsiinta, horumarka dhanka xaquuqul Insaanka, magacaabistii guddiga madaxabannaan ee Dib u eegista Dastuurka, iyo horumarka barnaamijka Xasilinta Somalia.

Wasiirka oo ka hadlayay Qaraxii Baarlamaanka ee 24kii May ayaa yiri “Ciidanka geesiyaasha oo kaashanaya AMISOM ayaa ka hortagay kooxihii argagaxisada oo badbaadiyey xildhibaanada Qaranka. Waxaan Madaxda Qaranka kala hadlay sida loogu baaanyahay in Dowladdu ay abaalmariso ciidankii sida geesinimada leh u dagaalamay, gaar ahaan Kabtan Dahir Gurhan oo ay tahay inaan xasuusano geesinimadiisa oo uu naftiisa u huray dalkiisa. Baaritaan dhab ah baa la wadaa oo dhowaan loo soo bandhigi doono warbixinta oo dhameystiran shacabka. Hase ahaatee, waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga oo ay waxii macluumaad ah oo ay hayaan u soo gudbiyaan guddiga baaritaanka wada, si aan u oggaano xaqiiqada dhabta ah ee dhacdadii 24kii May.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka dhank beeraha ayaa yiri “Wasiirka Beeraha ayaa booqanayey gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose si uu u qiimeeyo xaalada beeraleyda Soomaaliyeed, isla markaana gaarsiiyey kaalmo la xiriirta dhanka agabyada ay u baahanyihiin sidii ay beerahooda u horumarin lahaayeen. Ujeedada Dowladda ayaa ah in kheyraadka dalka la horumariyo, oo kobcineysa dhaqaalaha dalka, isla markaasna u abuureyso shaqo dhalinyarada Soomaaliyeed. Somalia waa dal qani ah oo leh kheyraad fara badan sida beeraha, xoolaha, kalluunka, kheyraadka badda iyo kheyraad kale oo u baahan inaan dhulka ka soo saarano. Mudnaanteenna ayaa ah in shacabka la taageero si ay u soo saartaan kheyraadka dalka.

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka Xasilinta Dalka ayaa yiri “Iyadoo laga duulayo qorshaha Xasilinta Dalka ayaa dhowaan la gaarsiiyey gar-gaar bani’aadanimo goobaha laga xorreeyey Al-Shabaab sida Bule Burde iyo goobo kale. Waxaan rabnaa in shacabka ay arkaan faa’iidada nabadda, waana sii wadeynaa gar-gaarka iyo inaan dhisno hay’adaha Dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka laga sameeyey Sharciga Isgaarsiinta ayaa yiri “Golaha Wasiirada ayaa ansaxiyey Sharicga Isgaarsiinta oo dhowaan Baarlamaanka ka doodi doono si ay u ansixiyaan. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiita ayaa usbuucan waday la tashiyo ay la sameynayaan ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada. Ujeedooyinka wada tashiyadan ayaa ah in shacabka laga qeybgaliyo go’aan gaarista dalka. Sharcigan Isgaarsiinta ayaa caawini doono shacabka iyo shirkadaha Isgaarsiinta, oo shacabku ay heli doonaan adeeg Isgaarsiin oo tayo leh oo jaban.”

Wasiirka oo ka hadlayey horumarka Xaquuqul Insaanka ayaa yiri “Wasaarada Haweeka & Xaquuqul Insaanka ayaa waday la tashiyo iyo shirar looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa Xaquuqual Insaanka oo dumarka loo awood-siin lahaa. Wada tashiyadan iyo shirarkan ayaa diirada lagu saarayey tacadiyada loo geysto dumarka. Waxaan uga mahadcelineynaa Dalka UK doorkooda hoggaamineed ee arrinkan, waxaana kala shaqeyn doonaa UK sidii loo diyaarin lahaa qorshe howleed la xiriira horumarinta Xaquuqul Insaanka, gaar ahaan tacadiyada dumarka loo geysto. Somalia waxey ka qeyb gali doontaa Shirka ka dhacaya London 10ka Juun oo looga hadlayao xaalada dumarka Soomaaliyeed iyo horumarka ay Dowladdu ka sameyneyso dhowrista Xaquuqda Dumarka. Waddamo fara badan ayaa shirkan ka soo qeybgalaya oo kor u dhaafaya 80 dal oo Somalia kaalin muhiim ah laga siin doono shirkan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in la joojiyo dhamaan xadgudubyada loo geysto dumarka Soomaaliyeed.”

Wasiirka oo ka hadlayey dib u yagleelidda Heesaha Hirgalay ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan 28kii May ku guuleysannay inaan dib u yagleelno barnaamikii Heesaha Hirgalay oo markii ugu danbeysey ee la qabto baranaamijkan ay aheyd 1979kii. Barnaamijkan Heesaha Hirgalay ayaa dhalinyarada fursad siineysa ay ku soo bandhigaan awoodahooda, isla markaana soo saaraya Heesaa cusub, anigoo hubo inay qaarkood noqon doonaan kuwa ku soo caan baxa. Ujeedada tartankan ayaa ah in dhalinyarada fursad loo siiyo ay ku soo bandhigaan codadkooda iyo awoodahooda oo bulshada u keeni doona horumar. Waxey kaloo dhalintu heleysaa fursad ay uga baxaan shaqo la’aanta iyo inay ka mid noqdaan maleeshiyaadka. Tartankan ayaa shaqo u abuuraya dhalinyarada Soomaaliyeed.”
Wasiirka oo ka hadlayey cudurada ka dilaacay qeybo ka mid ah Dalka ayaa yiri “Hay’ada Masiibooyinka Qaranka iyo UNICEF ayaa ka digey inay cuduro halis ah ka dilaaci karaan qeybo ka mid ah dalka, gaarkaan xerooyinka barakacayaasha, oo carruurta ay helis ugu jiraan cuduro halis ah haddii aan si deg-deg ah looga hortagin oo nadaafada iyo musqulaha xerooyinkaas aan la hagaajinin. Sidoo kale xerooyinkaas waxey si deg-deg ah ugu baahanyihiin bacyo ay roobabka ka galaan. Dowlada ayaa la shaqeyneysa hay’adaja maxaliga iyo kuwa caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa cuduradan halista ah. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada iyo Qurbojoogta inay si deg-deg ah u soo gaaraan dadkaas dhibaatada ba’ani heyso. Sidoo kale waxaan baaq kaas la mid ah u dirayaa beesha caalamka inay si deg-deg ah u soo gaaraan dadkaas dhibaatadu heysato.”

Wasiirka oo ka hadlayey Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eesita Dastuurka ayaa yiri “Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka. Guddigan ayaa ka kooban 5 qof oo sumcad weyn ku dhex leh bulshada dhexdiisa, isla markaana ka kala yimid dhammaan gobolada dalka. Guddigan ayaa kala ah Marwo Asha Gelle Dirie, Prof Omar Hassan Mohad-Allah, Osman Jama Ali (Kalluun), Mohammed Abdallah Salah iyo Hassan Hussein Haji. Wasiirka Garsoorka & Dastuurka ayaa in muddo ah waday tashiyo ay la sameynayeen dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ugu danbeyntii laga dhex xulay shaqsiyaadkii loo arkayey inay ka bixi karaan howshan baaxada leh. Magacaabista Guddigan ayaa ah horumar weyn oo ay dowladdu u qaaday dhanka hiigsiga 2016 oo ah in dalka laga hirgaliyo doorashooyin xor ah.”

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.