Home » Warar »

Warsaxaafadeed ku aadan websiteyo qoraalo been abuur ah qoray

War-Saxaafadeed

Mogadishu, 31 May 2014 – Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka
Soomaaliya waxey aad uga xuntahay in shaqsiyaad ay sameystaan
website-yo ay ku sheeganayaan inay yihiin kuwii Dowladda ama
wasaaradaha dowaldda. Sidoo kale shaqsiyaadkan waxey caadeysteen inay
sameystaan facebook ama twitter ay isaga dhigayaan inay yihiin kuwo ay
dowladda ama wasaaradaha leeyihiin.

Sidaas daraadeed, waxaan sida ugu adag uga digeynaa in falal
danbiyeedka noocan oo kale ah la sameeyo. Dowladduna waxey ku
dadaaleysaa inay tallaabo adag ka qaadi doonto shaqsiyadaaskaas ama
kooxahaas. Sharuuc caalami ah baa ka jira ku xadgudubka shaqsiga ama
hay’adaha siiba isticmaalka websiteyada ama facebook-yada ama
twitter-yada.

Waxaan si gaar ah uga digeynaa websiteyadan hoose oo aan aheyn kuwo ay
dowladdu leedahay, wararka la soo geliyana ma noqon karaan kuwo lagu
kalsoonaado ee ha la iska jiro.
www.somligov.net, www.moi.somaligov.net, www.somaligovernment.org, iyo
kuwo la mid ah.

Sidoo kale facebook-kan isticmaala magaca Somali Ministry of
Information, Posts, Telecommunications & Transportation,
https://www.facebook.com/SomaliMinistryofInformation?fref=ts ma aha
mid ay Wasaarada Warfaafintu leedahay oo sax ma aha oo waxuu soo qoray
war-saxaafadeed English ku qoran oo aan run aheyn oo uu madaxda
qaranka ka been abuuray. Falkan waa fal danbi oo dowladdu ay la
xiriiri doonto facebook iyo hay’adaha amniga ee caalamka.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Warfaafintu waxey ka digeysaa isticmaalka
websiteyo ama facebook ama twitter aan sax aheyn. Warbaahintu waa
muhiim oo waxey ku habboon tahay in loo isticmaalo sida saxda ah oo
bulshada wax u tari kara.
DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho, Somalia
ministeryofinformation@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.