Home » Warar »

Golaha Wasiirada Oo Maanta Ansixiyey Gudiga Madaxa Banaan Ee Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho, May 29, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo maanta shir guddoomiyey kulankii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay ansixinta gudiga madaxa banaan ee dib-u- eegista Dastuurka iyo Arrimaha la xariira amniga.

Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ayaa golaha usoo gudbisay xubnaha gudiga madax banaan ee dib-u-eegista dastuurka. Dood iyo falaqayn dheer ka dib waxaa goluhu isku raacay magacaabidda gudigaan oo ka kooban shan xubnood oo kala ah.

1. Marwo Caasho Geele Diiriye
2. Prof. Xasan Cumar Mahad-Alle
3. Cusmaan Jaamac Cali (Kaluun)
4. Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
5. Avv. Xasan Xusein Xaaji

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka mudane Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in Wasaaradiisu in mudo ah ku howlanayd sidii loo soo diyaarin lahaa gudiga madax banaan ee Dastuurka, isagoona ku aamanay golaha wasiirada sida aqlabiyada ah oo ay isugu raaceen ansixinta gudigaan oo ay hortaalo shaqo adag.

Ra’iisu wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo ansixinta Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, isagoona ku tilmaamay in ay yihiin aqoon yahano Soomaaliyeed oo khibrad u leh shaqada loo magacaabay.

“Talaabo weyn ayaan u qaadnay dhanka dowladda dhisidda, waxaana maanta ku guulaysanay in goluhu ansixiyo gudigii dib u eegista Dastuurka, waxaan u mahadcelinayaa guddi hoosaadka siyaasadda iyo Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha guddigan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.
somali108
Sidoo kale golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda amniga ee dalka, waxaana loo xil saaray gudi hoosaadka amniga inay kusoo diyaariyaan muddo 24 saac gudahood ah hawlgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho.

“Guluhu wuxuu u xil saaray gudi hoosaadka amniga in ay muddo 24 saac gudahood kusoo diyaariyaan howgalo la xiriira dardargelinta ammaanka Muqdisho iyo dib-u-eegidda qaabka shaqo ee Hay’addaha amniga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayn golaha Wasiirada waxay marlabaad ay ka tacsiyeeyeen weerarkii Baarlamaanka iyo dilka Sarkaal Turkish ah oo ka shaqaynayey Muqdisho, waxaana la faray laamaha amniga in baaritaan ay ku sameeyaan dilka sarkaalkaas

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.