Home » Warar »

Dugsiga Darawalnimada ee Somali Driving and Traffic School oo Xusey Sannad Guuradii Koowaad ee Wax Qabadkooda.

Gen Cali Gaab “Bishaan waxaa Shilal ku Dhintey 7 qof Halka Bishii hore ay ku Dhinteen 47 Qof

Waxaa Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Sannad Guuradii Koowaad ee ka soo Wareegtey Dugsiga Darawalnimada iyo Sharuucda Wadooyinka ee Soomaaliya ( Somali Driving and Traffic School ) Waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaal, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka Wadooyinka, Maamulka Gobolka Banaadir , Ardeyda Wax ka barata Dugsiiga , Maalimiinta wax ka dhigta Dugsiga iyo marti Sharaf kale.

Ugu Horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyhaha Dugsiga (Somali Driving and Traffic School ) Cismaan Xasan Cilmi wuxuuna faahfaahin ka bixiyey Waxqabadkii Dugsiga isagoo sheegey in Mudadii Sannadka ahayd ee uu jirey Dugsigaa ay ka qalin jabiyeen ilaa 700 oo ardey kuwaasi uu sheegey in ay Barteen Darawlnimada iyo Sharuucda Wadooyinka sidoo kale waxaa uu sheegey in Mudadaas Dugsiga uu Diyaariyey Buugaag laga barto Darawalnimada iyo Sharuucda Wadooyinka
somali106
“Waa Dugisgii ugu horeeyey ee Dalka laga furo oo gaar loo leeyahay ,waxaana ( Somali Driving and Traffic School ) ay Bixisaa marka uu Qofka Dhameysto Shahaaado Caalami ah ka marqaati kacaysa in uu yahyay Darawal u dhameytiran Aqoontiisa “ ayuuu yiri Gudoomiye Cismaan oo sheegey in Shirkadiisa ay Gobolada ka furan doonto Xafiisyo islamarkaana ay geyn doonto Gawaaridii wax lagu bari lahaa.

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mdi ahaa Taliyaha Ciidamada Nabadgelyada Wadooyinka Gen Cali Xirsi Bare ( Cali Gaab) oo ugu horeyntoi u mahadceliyey Dugsiga ( Somali Driving and Traffic School ) oo uu sheegey in ay qabteen Howl loo bahaan islamrkaana ku soo hagaagtey Xiligii loo baahnaa, waxaa kale uu sheegey in Ciidanka Nabadgelyada ay Dhibaatooyin fara badan ku qabaan Darawalada Gaadiidka wada kuwaa uu sheegey in ay maalin waliba galaan Shilal kala duwan oo sababa Dhimasho iyo Dhaawac.

“Bishaan Shilalka aad bay u yaraayeen waxaana ku Geeriyoodey 7 qof halka Bishii hore ay ku Geeriyoodeen 47 qof taasina waxay ku tusineysaa in Darawalada iyo Bulshada ay si aad ah u soo fahmayaan Sharuucda Wadoooyinka “ ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Wadooyinka oo sheegey in Dugsiga ( Somali Driving and Traffic School ) uu qabtey Howl ay u baahnaayeen Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu ku boorijyeu in Bulshada u Daabacaan Buuga Sharciyada Wadooyinka si ay dadka u fahmaan Sharciyada Wadooyinka, sidoo kale waaa uu Dowlada Federaalka ka dalbadey in ay Dib u eegaan Sharuucda Wadoyinka

Waxaa kale Munaasabadaas ka Hadley Xildhibaan Cali Nuur oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii furtey Dugsiga ( Somali Driving and Traffic School ) oo uu sheegey in ay qabteen Waxbarasho Bulshada ay u baahneyd islamarkaan Dugsiga uu ka hor tagey Dhibaatooyin ay keeni lahaayeen Gaadiidka iyo Darawaladda,wuxuuna ku booriyey in ay Shirkadda balaaryaan oo ay Meel walba oo dalka gaarsiyaan si loo helo Darawalo Aqoontooda Dhamayetiran tahay .

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka Hadley Munaasbadaasi lagu Xusayey Sannad Guuradii Koowaad ee ka soo wareegtey Dugsiga ( Somali Driving and Traffic School ) waxaa uu sheegey in Dowladda ay Dhiirigelineysa Shirkadaha ku howlan Horumarka Wadanka, waxaa kale uu sheegey in Dusgiga uu yahay mid yareynaya Shilalka wadanka ka dhaca, waxaa iyana Munaasbadaasi ka hadley Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir waxaana uu sheegey in Gobolka Banaadir uu la shaqeyn doono Dugisga ( Somali Driving and Traffic School )

Intii Munaasabada Socotey ayaa waxaa Dugsiga ( Somali Driving and Traffic School ) uu soo bandhigey ilaa Dhowr iyo Toban Gadiidka lagu barto Darawalnimada, Gaadiidkaas oo leh laba Break si qofka Wadaya loogu Koontoroolo Gaariga si uusan u imaan wax Shil sidoo kale waxaa Dugsiga uu soo bandhigey Buugaagta lagu barto Darawalnimada iyo kuwa Sharuucda Wadooyinka.
Gabagabadi Xafladaasi waxaa ka Hadley ardeydii ka qalin jabisey Dugsiga waxayna Dhamaantood u Mahadceliyeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Waxaana Shahaadooyin iyo Abaalmarino kala duwan lagu Gudoonsiiye ardey dhameysatey Waxbarashada Darawalnimada iyo Macalimiintii wax ka dhigeysey Dugisga ( Somali Driving and Traffic School ) kuwaa oo muujiyey Howlkarnimo .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.