W/Q. Bashiir Mohamed Saadaal
Musiibooyinka aan laga soo waaqsan ee la Degay dadka soomaaliyeed waxaa ugu weyn qaadka ,isagoo burburiyay aa aasyada ugu muhiimsan ee bulshada ka dibna u talaabay musiibo qaran oo wada gaartay dalka oo dhan,iyadoo ay uga baxdo bulshada soomaaliyeed Lacagta ugu badan ee banaanka ka aada gaar ahaan Kenya oo aan jaar nahay,balse nagu ah cadow aan anagu cayilinay, iyadoo xiliyadii ugu danbeeyay ay Kenya Soomaalida tustay nuuc kasta oo cadaawo ah, sida iyagoo xoog kusoo galay dalkeena iyagoo marmarsiyo uga dhiganaya in ay Xarakada alshabaab qalqal ka geysteen gudaha Dalkeeda, iyagoo markii ay soo galeen Dalkeena Soomaaliya ee dagaalada sokeeyee naafeeyen gaar ahaan gobolada Koofureed ee Jubbooyinka ka geystay xasuuqyo iyo gumaadyo dabar goyn ah oo laga dheehan karo Cadaawad gaamurtay oo ay kenyanku u hayaan isirka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen,
Waxay aheyd dhowr bilood bartamihii bishii tagtay markii ay Ciidamada Kenya si arxan darro iyo duleyn ah dadka soomaaliyeed ee qaxootiga iyo deegaanka ku ah Dalkooda Kenya,gaar ahaan Xaafada islii ku raafeen kuna gureen garoomada kubadda cagta lagu ciyaaro iyagoon marnaba kala soocin waayeel,caruur hooyo uur leh, waxaana tacayadiyada ugu xanuunka badan ee kenyanku kula kaceen dadka soomaaliyeed ka mid ah iyagoo tabaq dhowr biyaano ah kasoo riday hooyo Soomaaliyeed oo Xaamili ah oo uur 9 bilood ah leh!!.
Iyadoo ay waxaas oo ihaano iyo duleysi ah ku dhacayaan dadka Soomaaliyeed ayaan haddana laga dareemeyn wax xisaabtan iyo dadnimo ah,iyagoo maalin kasta Kenya u xareynaya malaayiin Doolar oo Kaash ah (Cash Money) oo ay ku Cunayaan Caleen Cagaaran oo lagu Magabaao Jaad!! ,taas oo ah lacag meel cidlo uga baxeysa kuna cayilinayaan cadowgooda Kenya oo aan u ogoleyn nolol iyo karaamo, xitaa iyagoo sharciyo ku leh dalkooda isla markaana ay dhibeyso muuqooda Soomaalinimo!!.
Waxaa is weydiin mudan maxaa Soomaalida u diiday in dalkooda maal gashtaan oo dhistaan iyadoo la ogsoon yahay in ay yihiin dadka Saamiyada Dhaqaale ee ugu badan ku leh Dalka Kenya magaalo Madaxiisa Nairobi gaar ahaan Xaafadda isli, balse Soomaalida gaarkood ayaa ku doodaya in dalkooda aysan lacag ku aamini Karin oo aysan ka jirin nabad gelyo leysku haleyn karo, waxaan weydiinaya kuwa sidaas ku doodaya, Dalka maxaa nabad ka Dhiga, mase isku diidanahay in Dal kasta uu dhaqaalihiisa nabad ku helo, ma ogtihiin dhalinyarada qoryaha heysata aysan sii wada doonin haddi aad ganacsigiina keentaan dalka oo aad shaqo u abuurtaan??
Waxaa hubaal ah in Soomaalida uu alle siiyo Hibad Ganacsi oo u gaar ah ,iyagoo dal kasta oo ay tagaan wax weyn ka bedela ganacsigiisa, waa yaabe maxaa u diiday in ay dalkooda ganacsigiisa kor u qaadaan.
Waxaan kaloo siinaya tusaale ,waxaan ognahay in ay dalka ka jiraan Shirkado waaweyn oo Ganacsi iyo isgaarsiineed,kuwaas oo la dhihi karo waxay kaalimaha ugu horeeya kaga jiraan ganacsiyada ugu balaaran Geeska Afrika,waxayna ka macaasheen dalkooda Hooyo,iyagoo lacagtooda galiyay una Bareeyay,iyagoo sidoo kale dadka soomaaliyeed aan ku fiirsan duruufaha ay ku jiraan ee u gurmaday una sameeyay Kaalmooyin dhinac walba ah ilaa waa dadkii ay ka macaasheene,sidaas hadii ay sameeyaan ganacsatada Kenya cayilineysa bal maxaa ka halaabaya allow soo jeedi wax kale ma sameyn karnee.
Qaadka iyo Burburinta Reeraha iyo guryaha
Waxaan isla wada ogsoonahay in qaadku uu burburo badan gaarsiiyay aasaasyada bulshadeena,isla markaana uu maalin kasta kala dirayo reero dhaqnaa,sidoo kale waxaa xaqiiq ah waxa aan isku dileyno %70 Qaad ayaa u sabab ah ,ileen qofku hadduu waayo meel uu ka keeno lacagta qaad ee maalintaas waxuu tiigsanayaa hab kasta uu ku keeni karo ha ahaato dhac,Dil,afduub ,Laaluush IWM.
Haddaba dadkeygii Soomaaliyeedow aan garano Cadowgeena dhabta ah waa qaad iyo wixii soo raaca,aanna si wada jir ah uga hortagno in uu naga sii burburiyo inta yar ee inoo hartay, dadkeenana aan ka wacyi gelino dhibaatada qaadka oo Culimadeena iyo aqoonyahaneeduna mar kasta noo sheegayaan aan war maqalno Soomaaliyeey haddii kale waan ka shaleyn doonaa mar aan shalaay wax tareyn.
W/Q.
Bashiir Mohamed Saadaal
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.