Home » Maqaallo »

Codsi iyo talooyin ku socda qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalida

Waxaan marka hore salaan iyo amaanba u dirayaa qeybaha kala duwan ee Warbaahin Soomaalida sida Tv-yada,Idaacadaha iyo Website-yada, oo runti aan dhihi karno waa horumarka ugu weyn ee ay Soomaalidu ku talaabsatay Labaatankii Sano ee la soo dhaafay, Iyadoo la og yahay daruufaha ay ku nooshahay Soomaalida.

Inkasta oo ay horumar weyn ku talaabsatay guud ahaan Warbaahinta Soomaalida siduu Caalamkaba qiray hadana waxaa jira dhaliilo badan oo u baahan in la saxo,Kuwaas oo ay sababeen burburkii ku dhacay Dowladdi Dhexe iyo waxyaabihii ka dhashay burburkaasi tusaale ahaan markii ay dhacday Dowladdu waxaa meesha ka baxay wax alaale iyo wixii hagaayey Saxaafadda.

Dhaliilaha hasta guud ahaan Saxaafadda Soomaalidu wey tiro badan yihiin,Waxaana ka mid ah aqoonyari haysata dadka ka shaqeeya Saxaafadda iyo ku dhaqmid la’aanta waxa loo yaqaano Anshaxa Saxaafadda, tusaale ahaan waxaad arkaysaa wariye daadihinayo barnaamij uusanba ka haysan wax fikrad ah ama waxaa laga yaabaa inaad aragto wariye aan lahayn challenges oo su’aalihiisa oo dhan ay yihiin; Sow kulama ahan iyo wax la mid ah.

Dhaliilaha ugu weyn ee ay leedahay Saxaafadda Soomaalida waxaa ka mid ah, in aysan faafreeb ku sameynin waxyaabaha ay soo dayso ama ay qorto,tusaale ahaan waxa ay Shalay soo deysey Saxaafadda Soomaalida gaar ahaan TV-yada iyo Website-yada sawiro aragagax leh,Kuwaas oo laga soo qaaday Xaruntii Baarlamaanka ee la weeraray.Sawiradaasi ayaa runtii ahaa kuwa laga naxo oo aysan habooneyn in laga soo daayo warbaahin Public ah.

Maadaama ay Warbaahintu daawato cid kasta oo ay ku jiraan caruur,dumar iyo dad waaweyn, Waxa ay ahayd inaanan marna laga soo deynin ama lagu soo daabicin sawiro iyo vedio-yo sidaas oo kale ah,Waayo uma fiicna dadweynaha gaar ahaan dumarka iyo caruurta in ay daawadaan sawiro noocaaas oo kale ah.Waa inaan ka ilaalinaa dumarkeena iyo caruurteena in ay daawadaan waxyaabo noocaas oo kale ah.

Midda kale, Waxaa laga yaabaa in ay sawiradaasi daawadaan hooyooyinkii iyo xaasaskii xigtada u ahaa dadkii Shalay ku baaba’ay dhacdadaasi xanuunka badan ama ha ahaadeena kuwii weerarka qaaday ama ha ahaadaan kuwii la weeraray, tusaale ahaan haddii ay daawato sawiradaasi hooyadii dhashay wiilashaasi ma kula tahay in ay hurdayso ? Jawaabtu waa maya

Midda kale,Sow ceeb naguma ahan inaan Caalamku u soo bandhigo Maalin kasta waxuushnimadeena iyo naxariis la’aanteena, tusaale ahaan waxaad arkaysaa mararka qaar dad soo bandhigayo meydad la jiidjiidayo.War intey kaga qoron tahay diinteena iyo dhaqankeena in meyd la jiidjiido ama la soo bandhiyo sawiro laga argagaxo !!

Dhinaca kale, Waxa ay Warbaahintu xaq u leedahay in ay tabiso islamarkaana ay soo bandhigto dhacdooyinka iyo waxyaabaha ka dhacayo dalka, laakiin hadana waxa loo baahan yahay in ay faafreeb ku sameyso waxyaabaha qaar si loo ilaaliyo dareenka guud ee dadweynaha gaar ahaan dumarka,caruurta iyo dadka waaweyn sida ay dalalka kaleba sameeyaan.Waa inaanan bulshadeena ku faafinin argagaxa iyo naxdinta.

Dhinaca kale, Wax ay Saxaafaddu haysaa waxyaabo badan oo wanaagsan oo ay ugu horeyso ilaalinta luuqadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed, Waayo Saxaafad la’aan suutagal ma’ahan in ay korto luuqadda Soomaaliga ah Islamarkaana ay faafto.Waxaa la mid dhaqanka oo uusan Isna faafi Karin Saxaafad la’aan.

Waxa ay sidoo kale Saxaafaddu kaalin weyn ka qaadatay barashada diinta, taasoo ah arin aad iyo aad loogu baahnaa islamarkaana ay ka faa’iideen dad badan oo aan Aniguba ka mid ahay,Waxaana tusaale u soo qaadan karaa Barnaamijka lagu magacaabo Kulanka Shibile ee ka baxa TV-ga Somalichanel iyo Barnaamijka Hidaha iyo Dhaqanka ee ka baxa Idaacadda VOA-da.

Ugu daneyn waxaan leeyahay, waa in ay noqotaa Saxaafaddeena mid ka shaqeysa nabadda,wanaagga iyo midnimada dadka Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatada aan ku jiro dhowrka iyo labaatanka Sana.Waxaana Ilaahay weydiisanayaa in uu naga dulqaado musiibadan nagu habsatay Islamarkaana na tuso cadowgeena.

Hadaba si loo ilaaliyo dareenka guud ee dadweynaha Soomaaliyeed islamarkaana aan u asturno ceebteena,Waxaan soo jeedinayaa talooyinkan soo socda:-

1-In aan marna la soo deynin muuqaal kasta oo xanbaarsan waxyaabo wax u dhimayo dareenka dadka sida dil,meyd meel yaallo iyo wixii la mid ah.

2-In ay Saxaafaddu faafreeb ku sameyso waxyaabaha ay u soo gudbineyso dadweynaha ka hor inta aan la daabicin.

3-In ay Saxaafaddu dhexdhexaad ka ahaato guud ahaan dhinacyada isku hayo dalka Islamarkaana ay soo gudbiso warar saxan.

4-Si looga hortago dhaqamo badan oo fool-xun oo ay Soomaalidu caada ka dhigatay waayadan, waa in ay Saxaafadu abuurto barnaamijo lagula dagaalamayo dhaqamadan foosha-xun.

5-Si loo joojiyo dhiiggan daadanayo Islamarkaana loo badbaadiyo dadkan inta hartay,Waa in ay Saxaafaddu kaalin weyn siiso Culimada iyo dadka waxgarad ah.

6-Si loo hormariyo luuqadda Soomaaliga ah,Waa in ay Saxaafaddu abuurto barnaamijo lagu hormarinayo luuqadda,Islamarkaana lagu baranayo sida loo qoro Far-Soomali sax ah.

W/Q:Abdullaahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.