Home » Warar »

Wasiirkii Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya oo iscasilay

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka —

Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumada Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay oo Axad soo gelaysey (May 24, 2014) si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirka amniga.

C/kariin waxa uu arrintaas ku dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.

Iscasilaadda ayaa ku soo beegantahay xilli Sabtidii qarax/weerar lala beegsaday xarunta baarlamaanka DFS ee Muqdisho.

Wasiirka is casilay ayaa xilkaas hayey labaatan bilood.

Daawo video shirka jaraa’id ee iscasilaadda.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka

Muqdisho, 25, May, 2014….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay Wasiirkii Amniga Qaranka iscasilaadiisa, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo geesinimo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Wasiirka Amniga Qaran mudane Cabdikarin Xusein Guled inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayey shacabka Soomaaliyeed

“Waa ka aqbalay iscasilaadiisa wasiirka amniga qaranka, Waxaana uu ahaa muwaadin u shaqaynayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa in uu la sii shaqayn doono dowladda, si looga fa’iidaysto khibradiisa shaqo, ayuu yiri RW Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in ay xukuumaddu wado baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo masuuliyadaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.
Ugu danabyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhakhso u soo magacaabi doono shakhsigii badali lahaa Wasiirka amniga qaranka.

—-DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku aadan qaraxii lala beegsaday xarunta baarlamaanka

Mogadishu, 24 May 2014 – Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayey qaraxii ay kooxaha argagaxisada ee Baarlamaanka ayaa yiri “Kooxahan nabad-diidka ah marnaba nagama leexinayaan hadafkeena ah inaan dalka gaarsiino horumar oo ah waxa ay diidan yihiin.”

Saakay abaarihii 1130 ayaa baabuur walxaha qarxa ka buuxa isku qarxiyey afaafka Xarunta Baarlamaanka. Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay kooxahan ka hor-istaagaan kuna laayey goobta una u diiday inay geystaan khasaare weyn.

Ku-Simaha Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falkan argagaxisada. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo. Sidoo kale inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad waara siiyo.
“Hay’adaha amniga ayaa ku howlan qiimeynta khasaaraha dhabta ah, oo warbaahinta loo soo gudbin doono marka la soo dhameystiro qiimeyntan iyadoo faahfaahsan.

“Waxaan aad uga mahad-celinyaa sida geesinimada iyo deg-deg ah oo ay uga jawaabeen weerarka Ciidamadd Dowladda Soomaaliyeed iyo Ciidanka AMISOM. Waxaan qirayaa in Ciidanku waajibiisa si wanaasgan uga soo baxay.

“Kooxahan Argagaxisada ah ayaa caadeystay inay falal argagax ah ka sameeyaan goobaha dadka rayidku ku badan yahay. Iyagoo og in ammaanka xarunta Baarlamaanka uu aad u adag-yahay ayey si minitidnimo ah isagu qarxiyeen afaafka si ay adduunka ugu sheegaan inay weerareen baarlamaanka. Waddada Maka Al-Mukarama oo ah waddada ugu mashquulsan ayaa waxaa halkaas qasaare ka soo gaaray dad badan oo meesha marayey.”

Dowladda waxaa ka go’an inay la dagaalanto kooxahan oo waqtigooda sii dhammaanayo. Waxaana socda howlgaladii kooxahan argagaxisada looga sifeynayey dalka oo dhan. Ciidankii maanta hor-istaagay kooxahan argagaxisadana waxey naga mudan yihiin ammaan iyo dhiirigelin.

—DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.