Home » Faallo »

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991)

Sanaddii 1985, Julay 13 keedii magacayga oo uu ka horeeyo Arday F. Xiirane waxaa la taagnaa ilinka ay dadku kasoo baxaan ee Garoonka Baqdaad, Ciraaq, wiil dhalin yaro ah , waan salaamay kadibna wuxuu markiiba asagoon istaagin gudaha Baqdaad naga saaray magaaladii waxaana cagta saarnay jidka loo maro Tikriit , waa 140 KM safar ah , daal badan ayaan dareemayay waxaase iiga darnaa inaan indhaha is galiyo oo ay dhacdo wax aan la mahdin , wuxuu ila sii duulaba waxaan si nabad galyo ah ku gaarnay Tikiriit Qasri wayn oo wabiga Dajla saaran ayaa jeex la iga dajiyay.

Waxaan ka qubaystay daalkii safarkii dheeraa ee aan kaga imid Xamar iyo xawaarihii u dhexeeyay Baqdaad iyo Tikriit , xoogaa yar kadib waxaa albaabka igu soo garaacay sarkaal ciraaqi ah oo aanan markaas aqoonin , wuxuu igu yiri Hogaamiyaha ayaa doonaya inuu ku arko , waxaan ku iri aan diyaaroobo , Marxabba iyo Gudoon ayuu albaabkii ii laabay , Macawis iyo Go’ Shaal ah , kabo Saandal ah, Bakoorad ayaan gacantana ku qabsaday , anigoo u muuqda gaashaan qaad Soomaaliyeed ayaan albaabkii furay waxaa isoo hor kacay Sarkaalkii markaan 3 daqiiqo ku dhex soconay Qasrigii jeexa la iga dajiyay ayuu albaab furay kadibna mid kale ayuu si edeb leh dhag dhag farta ku siiyay .

Soo dhaaf ayaa Af Carabi lagu yiri , Markiiba intuu fadhigii ka istaagay ayuu yiri ‘’ Soo dhawoow Walaalka Carbeedoow waxaad timid Dalkaagii Waxaa mahad leh Ilaahay oo nabad kugu Keenay Ciraaqda Wayn‘’ durba waan gartay wallee waa Madaxwayne Saddaam, maan filanayn inaan asaga arkayo , waxaa dhiniciisa Fadhiyay Cizat Ibraahiim Al Duuri markaas ahaa ku xigeenkii Golihii Sare ee Kacaankii Ciraaq, wuxuu ahaa wadayga Saddaam tan iyo maantuu Xunka Ciraaq Qabtay , waxaan durba dareen siiyay Madaxwayne Saddaam inaan diyaar u ahay inaan ammaanadii Madaxwayne Jaalle Siyaad iisoo dhiibay aan ku wareejiyo .

Wuxuu malahayga u gartay ma kaligaa ayaan kuu sheegaa mise Al Duuri wuu maqli karaa , wuxuu yiri asagoo dhoolla cadaynaya , ‘’Ninkan waa ku xigeenka Golaha sare waxaana ugu yeeray inuu farriinta ila meeleeyo qalinka iyo warqadda ayuu noo hayaa caawa ‘’ durba waxaan bilaabay inaan soo qufo waan soo qarinayay ilaa Xamar , waxaan u dhiibay dhawr sawir oo uu markiiba midkood gartay , oo ay Saraakiil NSS ah kasoo qarsoodi qaadeen Saraakiil Reer Ciraaq ahaa oo Qubrus kula fuudaya shaah iyo sharaab sarkaal ka tirsanaa Safaaradda ay Yuhuuddu ku leeyihiin Qubrus , sidoo kale waxaan waday war sir ahaa oo uu Jaalle Siyaad ka helay Dimishiq ( Daqdad iyo Dimishaq waxaa u dhexeeyay Colaad qaboow) qeexayayna Nin shaqaale ka ahaa Bankigii Batraa ee ku yiilay Camaan Urdun, Axmed Jalabi inuu yahay wariye Cadawga Ciraaq ay ku kalsoon yihiin kana qaattaan warka Ciraaq

Wajigiisa ayaa badalmay hadalkiina wuxuu yeeshay dhawaq ka duwan kii faraxadda asagoo sigaar qiiqinaya ayuu yiri ‘’ Salaan iga Gaarsii Walaalkay Maxamed , una sheeg khaa’imiintan Khaliijka waxay kaliya ee heshiis ku yihiin sidii loo cirib tiri lahaa 4 ta Ciidan ee ay ummadda Carabeed ku faani karto, waa Xooggaga Dalalka Ciraaq , Aljeeriya , Soomaaliya iyo Suuriya , waa daba dhilif ka Cadawga Umadda’’ ku dhawaad 3 sacaadood fadhi qaatay ayuu Cizat isoo dhaweeyay halkaan daganaana igu soo hagay . haba, hurddo aan dhawr jeer ka salalay ayaan seexday habaynkaas waxaana ii bilaamay 5 casho oo Ciraaq aan joogayo intaanan xamar u dhoofin.

F.Xiirane ( NSS 1976-1991)
fahiira@gmail.com

Qaybaha kale ka akhri: https://somalitalk.com/tag/nss/
_______________
nssFG: NSS waxaa laga soo gaabiyey “National Security Service” oo ahaa nabad sugidii iyo sir doonkii Soomaaliya (intelligence agency of Somalia) xilligii dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Xarunta NSS waxay ahayd Muqdisho intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1990. Wixii ka dambeeyey dagaalkii ahliga ee Soomaaliya 1991 ayey hawl gab noqotay NSS. Waxaana sannadkii 2013 dib u soo cusboonaysiiyey dawladda Federaalka ee Soomaaliya, magaciina u bedeshey NISA oo laga soo gaabiyey “National Intelligence and Security Agency”.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) "

  1. Abdi says:

    Wuxuu ahaan lahaa war xiiso badan haddii la garan lahaa qofka hadlaya.
    Marba haddii aad shalay is qarinaysay, maantana laguma rumaysan karo haddii aad is qarintii ku jirtid.