Home » Warar »

Jaamacadda Caalamiga ee Horseed oo Daahfurtey Mashuurca PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT EE MASTER DEGREE.

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Daah Furayey Barnaamjjka PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Xildhibaano,Dibolomaasiyiin, Masuuliyiinta Jaamacada Horseed , Macalimiinta , Ardeyda Wax ka Barada Jaamacadda Horseed iyo Marti Sharaf kale .

Barnaamijkaan oo ah Barnaamij ay Dowladda India ka hirgelisey Qaarada Afrka ee Master Degree-ga ayaa waxaa ugu horeyntii halkaa ka Hadley oo Faahfaahiyey Mashruucaas Isaaq Axmed Muuse waxaana uu sheegey Waxbarashadaan lagu Bixinayo Aalada casriga ee Teleconferencing ama (Plasma) isagoo sheegey in ardeyda ay si toos ah Daruusta uga qaadanaya Jaamacado ku yaal Wadanka Hindia kuwaa oo awood u leh in ay weydiiyaan Macalimiinta Hinda Su’aalaha ay doonayaan .

Dr Isaaq Axmed Muuse waxaa uu sheegey in ardeyda ay awood u leeyihiin in ay ku bartaan meel kasta oo ay joogaan Caalamka iyaga oo isticmaalaya (Account) sidoo kale waxaa uu sheegey in ardeyda marka ay dhameystaan waxbarashada ay helayaan Shahaado ay bixinayaan Wasaarada arrimaha Dibada ee Hindia, African Union iyo Jaamacadaha Wadanka Hindiya , isagoo sheegey Barnaamjkanaa ay haatan Martigelineyso Jaamacada Caalamiga ah ee Horseed .

Xubnhii kale ee ka Hadley Daafurka Banaamjkaan ee Master Degree-ga Hormuudka Jaamacadda Caalamiga ah ee Hoseed Cabdikariim Shiikh Maxamed oo sheegey in Hirgelinta Mashruucaan Waxbarasho ay dadaal dheer u gashey Jaamacadda Caalamaiga ee Hoseed si looga higeliyo Koonfurta Soomaalya isagoo u Mahadceliyey in ku Garabsiisey dhaqan galka Barnaamjkaan Waxbarasho oo uu sheegey in uu Faaiido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Ardeyda Dooneysa waxbarashada Master Degree-ga .

Munaasbadaan lagu bilaabayey Mashruuca PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga ayaa waxaa kaloo ka Hadley Safiirada Soomaaliya u fadhida wadanka India Abyan Saalax ladane waxayna Tiri” Barnaamjkaan aniga ayaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Sannadkii 2008 , inkastoo Dowlada Hindiya ay ku adkeyd in Barnaamjkaan laga Hirgeliyo Soomaaliya , hadanA waxaan Dowladda Hindiya u sheegey in Soomaaliya ay weli ka nooshahay Dhinaca Wabarashada sidaa ayaa ku saxiiixay Mashruucaasn oo ah Mashruuc ay Dowladda India ugu talagashey in ay Afrka uga faaiideyso Aqoonteeda “

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana ugu horeyntii u Mahadceliyey intii Suurtagelsey in Barnaamjka PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga laga Dhaqangeliya Soomaaliya , sIdoo kale waxaa uu kula dardaarmey Ardeyda Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan Mashruucaan oo uu sheegey in uu yahay Mashruuc kor u qaadaya Aqoonta ardayda Soomaaliyeed islamarkaana u fudueynaya In ay helaan Shahaadada Master Degree-ga iyaga oo ku sugan Dalkooda .
somali104

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Maxamed Axmed Kulan oo sheegey in Dowlada Federaalka ay soo dhweyneyso Mashruucaan PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga ee Koonfurta ee ay Hirgelineyso Jaammacada Caalamiga ah ee Hoseed isagoo sheegey in ay Wasaaradiisa ay balan qaadeyso sidii Mshruucaan ay u Gaarsiin lahayd Dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka si ardeyda Soomaaliyeed ay u helaan Waxbarashada sare

Mashuuraacnm ee PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga ayaa ah Mashruuc ka hana qaadey Daamaan Qaaradda Afrkka oo ay hirgelisey Dowladda India taasoo ay ugu talagashey in Aqoonta Hindiya ay u gudbiso Qaaradda Afrika, waxaan Soomaaliya Mashruucaan laga hirgeliyey Sannadkii 2009 waxaan laga bilaabey Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe iyadoo ka Qalin jabiyeen ilaa 120 ardey, waxaan Dadkii ka qayb galey Munaasabadaas ay Daawadeen sida ay ardeyda Qaaradda Afrika Su’aalaha u weydiinayaan Macalimiinta Hindia

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.