Home » Warar »

RW. Cabdiwali oo ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey waxqabadka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu komeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee Telefeshinka iyo Raadiyaha Qaranka, isagoo dhinaca kale kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxuloow” iyo Agaasiyemaasha Wasaaradda, waxayna soo indha indheeyeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey, waxaana xilligaas ka soconeysay halkaas howlo ku aadan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan ee ka baxa Warbaahinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Mudane Dhuxuloow isbedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu sameeyey mudada uu xafiiska joogay, wuxuuna dhinaca kale bogaadiyay hawlaha qaran ee ay hayaan shaqaalaha Wasaaradaas.

“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaarada Warfaafinta oo tiir muhim u ah dawladnimada, waxaan halkaan uga hambalyeeynayaa Wasiirka iyo shaqaalaha” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa booqday Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna halkaas uga qeyb galay barnaamij muuqaal ah oo isku xirayey labada Ra’iisul Wasaare. Wuxuuna Ra’iisul Wasaare Cabdiwali warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan howlaha baaxada leh ee ay dowaldda Turkigu ka wado dalka Soomaaliya.
somali103
“Waxaan ugu horrayn salaamayaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo Shacabkiisa oo si deeqsinmo leh ugu soo guramaday Soomaaliya xiligii ay ugu baahida badnayd, shacabka Soomaaliyeedna maahan kuwo waligood ilaawaya gacantii ay Dowlada iyo Shacabka Turkiga u fidiyeen. Gar gaarkiinu kuma ekayn dhinaca ban’adanimada kaliya, ee waxaad dib u dhis ku sameeyseen kaabayaashii dhaqaalaha oo Shacabka Soomaaliyeed xasuusanayo sidii ay Muqdisho ahaan jirtay iyo hada bilicda ka muuqata. Waxaana marlaabad idinka tacsiyadaynayaa masiibadii ka dhacaday dalka Turkiga todobaad ka hor,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Turkiaga dayactirka iyo qalabaynta balaaran oo ay ku sameeyeen Isbitaalka Digfeero, Iskoolada, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda.

—DHAMAAD–

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.