Home » Warar »

War Saxaafadeed: Warbixinta Xaaladda Dalka ee Wasiirka Warfaafinta

Muqdisho, 17 May 2014, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow, oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, isagoo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay waxqabad iyo horumar si shacabka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016ka.

Wasiirka ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Mudadii 4-ta bilood aheyd ee xukuumadani jirtay waxaan ku guuleysanay inaan goobo fara badan ka saarno kooxaha argagaxisada oo shacabkii deegaanadaas ay heleen fursad ay aayahooda uga tashadaan. Ciidanka Soomaaliyeed ee geesiyiinta ah waxey naga mudan yihiin inaan garab istaagno. Sidoo kale dowladdu iyadoo kaashaneysa Midowga Yurub waxaa 95% la yareeyey falalkii burcad-badeedka.”

“Dowladdu waxay ku guuleysatay in barnaamijka Xasilinta la dhaqangeliyo oo uu Muqdisho iyo goboladaba si fiican uga socdo. Sidoo kale goobaha laga saaray kooxaha nabad-diidka ah waxaan gaarsiinay gar-gaar bani’aadanimo waxaana noo qorsheysay in dib-u-heshiisiin waarta la dhexdhigo dadka deegaanka, dhammaan hay’adaha dowladana ay ka hirgalaan deegaanadaas si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah. Waxaan rabnaa in shacabku ay helaan fursad ay isagu diyaariyaan doorashooyinka 2016ka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Maamulka Maareynta Maaliyadda lagu guulestay oo Bankiga dhexe uu maanta leeyahay Guddoomiye, ku-xigeen iyo Guddi maamulo oo dhammaan ku yimid tartan furan oo Bankiga Adduunka uu kala shaqeynayey Dowladda.

Wasiirka oo ka hadlayey falkii Qaraxa ee ka dhacay Baydhabo ayaa yiri “waxaan tacsi u dirayaa dhammaan eheladii, qoysaskii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed intii ku geeriyootay falkii fuleynimada ahaa ee Baydhabo ay kooxaha argagaxisadu ku dileen dad aan waxba galabsan. Sidoo kale inta dhaawaca waxaan u rajeynayaa inuu Eebbe siiyo caafimaad waara. Dowladdu waxey u dirtey Baydhabo diyaarad dhaawacii culus gaysa cisbitaalada Muqdisho si ay u helaan daawo iyo dhabiib.”

saxaafadWasiirka oo ka hadlayey biyo la’aanta ka jirta deegaanada qaarkood ayaa yiri “Waxaan mar kale ku celinayaa baaqii Xukuumadda ee ku wajahnaa in gar-gaar deg-deg ah lala gaaro deegaanada ay biyo la’aan iyo raashin la’aanta ba’ani ka jirto. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulada deegaanka, ganacsatada iyo qurbojoogta waxaan ugu baaqayaa inay gar-gaar deg-deg ah la gaaraan wallaalahood dhibaateysan.

Ugu danbeyntii, labadii cisho ee la soo dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u dabaaldagayeen munaasabada 15ka Maajo oo ay aheyd markii SYL la aasaasay 71sano ka hor. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxey hormuud ka ahaayeen xornimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, waxeyna leeyahiin taariikh weyn oo lama illoowaan ah oo nooga wada baahan inaan xusno, oo aan weyneyno.

Wasiirka oo ugu danbeyntii ka hadlayey munaasabada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka Maajo ayaa yiri “Dowladda waxaa ka go’an in dhalinyarada shaqo loo abuuro oo ay helaan fursado ay bulshada wax ugu taraan. Waxaana dhiiri galinaynaa fursadaha ganacsi iyo shaqo abuur ee dalka ka hirgali kara si dhalinta fursado shaqo loogu abuuro. Waxayna xukuumaddu ku dadaalaysaa inay ku jahayso dhalinta tacliin iyo shaqo ayadoo laga weecinayo falalka dambiyada ee ay kamid yihiin burcad badeeda, tuugada iyo falalka argagixiso. Beesha Caalamka siiba midowga Yurub waxaan ka codsanaynaa inay dhalinyarada deegaanada xeebaha loo abuuro shaqooyin iyo waxbarasho kor loogu qaadayo xirfadahooda si ay uga maarmaan inay haweystaan inay noqdaan burcad-badeed.”

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
Muqgidhu, Soomaaliya

Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.