Home » Faallo »

Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha labaad, Salaada)

 

Ukhtii, Suubane nebigeena Maxamed ah (NNKH), waxa uu ku yiri xadiis uu Imaam Axmed(RA) ka werinayo Cabdiraxmaan Ibn-Cawf, Shiikh Albaanina(RA) uu ku  saxiixiyey Aljaamici Saqiir: “ Haweentu hadii ay shanteeda tukato,, bisheedana ay soonto, ferjigeedana ay xifdiso, ninkeeda ay adeecdo, waxa ay janada ka gelaysaa albaabkii ay doonto”.

Ukhtii,sida ku cad xadiiska aan kor ku xusnay, Rasuulku(NNKH) waxa uu sheegay in hadii  haweentu ay latimaado   shan arimood in ay sabab ugu noqonayaan in ay janada albaabkii ay doonto kagelayso.  Arinka uu Rasuulku(NNKH) ugu horeeysiiyeyna waa salaada, taasna waxaa laga qaadanayaa in ay salaadu tahay camalka ugu wanaagsan ee qofka muslimka ahi layimaado marka laga sootago Towxiidka, waana tiirka labaad ee kamida shanta tiir ee ay diinteenu ku taagantahay eeg (Ukhtii, iga guddoon furayaasha aakhiro iyo aduunba. Furaha koowaad towxiidka) . Sidaa darted, waxa aan si kooban uga hadli doonaa: macnaha salaada, taariikhda salaada lawaajib yeelay, sida diinteenu inafarayso in salaada loo guto, iwm.

Macnaha Slaada

Erayga salaada ,marka dhinaca luqad(caribga) ahaan laga eego waxa uu macnihiisu noqonyaa: in khayr lagu ducaysto, sidaas ayaana carabta agtooda caan ka ahayd inta aanan Nebigeena Muxamad(NNKH) waxyiga lagu soo dejin. Laakiinse, marka dhinaca shareecada islmaaka laga eego macnaha salaadu waa:  dhawaaqyo iyo ficilo si gaara loo sameeyo kuwaas oo lagu furfurto takbiir(Ilah oo lawayneeyo) laguna dhamaysto salaan.

Taariikhda salaada.

Salaada waxaa nebigeena Muxamad(NNKH)  lagu  waajib  yeelay isaga iyo umadiisaba, habeenkii loo dheelmiyey samada( oo looyaqaan habeenkii micraajka,), waxaana ay markaa taariikhdu ahayd in ku dow sadex sano kahor intii aan Nebigeena Muxamed iyo saxaabadiisuba aanay ka hijroon  magaalada Makka.

Sidaa darted, salaadu, waxa ay acmaasha kale kaga gedisan tahay  arimo badan  kuwaas oo ku tusaya ahmiyada gaarka ah ee ay salaadu leedahay,waxaana kamida arimahaas:  Salaada nebi Mxamed si toos ah ayaa Alllah ugu faradyeelay iyadoo aan markaa malag udhaxaynin, acmaasha kalese Allah waxa uu usoo dhiibi jirey malag kaas oo soo gaarsiin jirey nebi Maxamed(NNKH) isagoo markaa nebigu ku sugan yahay dhulka korkiisa. Habeenkaas taariikhiga ah ee Allah uu nebigiisa ku sharfay samada, salaadana lagu soo farad yeelay ayaa qofkii caqli leh ugu filan ahmiyada gaarka ah oo ay salaadu leedahay.  Cabsi aan ka cabasanayo in uu qoraalku ila dheeraado darteed, ayaan intaa kaga kaaftoomaynaa, habeenkaa taariikhiga ah ee salaadana nayluku farad yeelay.

Sidee loo gutaa Salaada?

Camal kasta oo Allah inuku farad yeelay laba shardi marka laga helo ayaa camalkaasi noqonayaa mid sidii Allah inoogu farad yeelay loo gutay, labadaa shardina waxa ay kala yihiin: in camal kasta Allah dartiis loo sameeyo oo aan cidkale lala wadaajin, sida: in aduun lagu doonayo, dadlaysku tusayo, in lagugu amaano iwm;  Shardiga kale ee Allah acmaasha ku aqabalaa waa: in sida nebi Maxamed(NNKH) loo amray aan camalkaas ugadano, hadii  loola imanwaayose, nasiibdaro camalkaasi manoqonayo camal xag Allah laga aqbalay.

Sidaa darted, salaadu waa camal qofkasta oo muslim ah, qaan gaar ah  oo caqligiisa qaba, ku waajib ah in uu layimaado shan jeer maalin iyo habeenba, inkastoo haweenka waqtiyo gaara aanay ku waajib ahayn, sida marka ay dhiig leeyihiin  amaba waqtiga ay umusha yihiin. Camalkasta in Allah dartiis loo sameeyo waxaan ku soo qaadanay furaheenii kowaad ee (Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad Towxiidak)). Salaada ama acmaasha kalena in sida nebi maxamed kasugan loosameeyo waxa aan ku kaaftoomaynaa xadiisakan:

Abaa-Hurayrah (RC) waxaa laga werinyaa in uu yiri:  nebiga(NNkH) ayaa waxa uu soo galay masjidka, kadibna nin ayaa soogalay oo waxa uu ninkii  guda galay salaad in uu tukudo, kadib markuu uu dhamaystay salaadii  ayuu nebiga uyimi oo salaamay markaas ayaa nebigu waxa uu ku yiri: noqo oo tuko ma aadan tukane, sadex joor ayuuna sidaas rusuulku ninkii kuyiri(ninkuna uu marwalba salaada kunoqonayey), markii danbe ayaa ninkii wuxuu yiri: Allihii xaqa kugu soo saaray baan ku dhaartaye sidaa aan u tukuday si aanan ahayn uma tukan karo, ee ibar, nebiguna wuxuu markaas yiri: Salaada markaad u istaagto takbiirso, dabadeedna waxaad akhridaa wixii quraan aad taqaano, dabadeed rukuuc ilaa aad ka ahaanayso mid sifiican rukuucda ugu negaaday, dabadeed rukuucda kor uga soo kac ilaa aad ka ahaanayso mid sifiican u istaagay, dabadeed sujuud  ilaa aad ka ahaanayso mid sifiiican sujuuda ugu negaaday, dabadeed sujuuda kasoo kac ilaa aad ka ahaanayso mid sifiican ugu negaaday fadhiga. Sidaasna salaada oo dhan kugudo.

Xadiiskaa aan kor ku xusnay waxa uu asal ama tiirba uyahay sida salaada loo sugayo, culimada islaamka ah xadiiskan  ayeey uga daliishadaan arkaanta salaada qaarna ay kumagcaabaan furuuda salaada. Xadiiskani waxa uu caan ku yahay KI SALAADIISA XUMEEYEY. Waana xadiis saxiix ah. Sida kamuuqata xadiisak hal rakcad ayuu rasuulku saxaabiga  utilmaamay in uu sifiican ula yimaado, kadibna waxa uu u sheegay in uu rakcadaha kalena sidaas oo kale ula yimaado.

Sida xadiiska kamuuqata nebigi(NNKH) dhowr jeer ayuu ku celceliyey in aanuu tukan sidaas darteedna uu salaadii kuceliyo oo uu tukudo. Waxaana halkaa laga qaadanayaa in salaada sida tuke biyo cabaya oo kale loo tukadaa( tukuhu markuu biyaha cabayo afkuu saaaraa oo markaba kasoo boodaa) aanuu sharcigeenu u aqoonin salaad, nasiibdarona aanay ansaxaynin salaadaasi. Sidii aan furihii kowaad ku soo sheegnayba (Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad Towxiidak)), labada dariiqo ee ugu fiican ee waxa waajibka inagu ahi lagu barankaraa waa: In culimada aqoonta u leh diinteena lawaydiiyo sida salaada loo guto; iyo in xalaqaatka cilmiga laxaadiro oo markaa arday cilmi raadis ah uu qofka muslimka ahi noqdo si uu markaa uga jaahil boxo wixii Allah ku waajib yeelay.

Sidee Loobaran karaa sida ay ku ansaxayso salaadu?

Ukhtii, waxaad ogaataa qofkasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu barto sida ay salaadiisu unoqonayso tii uu ALLAH ku farad yeelay in uu la yimaado, taasna waxaaa lamida camal kasta oo waajib ku ah qofka muslim ka ah. Nasiib daro qaar kamida muslimiintu waxa ay u tukudaan si ay ka arkeen dadkale oo tukunaya iyagoo aan markaa hubin sida ay dadka kale kaga dayanayaan in ay tahay sidii saxda ahayd iyo inkale. Rasuulku(NNKH) si camali (practical) ah ayuu utusi jirey saxaabada salaada, sidaad ayeey iyaguna(RC) inooku soo gudbiyeen inagana waxaa naylaka rabaa in aan sidaas oo kale aan u tukano, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan culimada waydiidsano in ay salaada sidii nebi Maxamed(NNKH) umadiisa ubaray ay nootusiyaan.

Ukhtii, kitaabka layiraahdo SIFATU SALAATU NEBI  ee uu qoray Caallimkii(RA) Shiikh Nasri- diin Al-alabaani, ayaa si fiican oo kooban usoo guurinayo sidii uu rasuulku utakan jirey, hadii aad awoodo kitaabkaas culimada ka akhriso amaba isagoo afsoomaali kuduuban oo ay culimada soomaalidu duubeen ayaad kahelaysaa meel walba. Wixii  aad ubaahato in aad camali u aragtona hala xishoonin ee culimada waydii. Kibirka iyo xishoodku waalabada shay ee qofka wax baranaya loobahan yahay in uu aad isaga ilaaliyo. Ukhtii, hadii rabi raali kanoqdo qaybaha soo socda ee qoraalkeenan taxana ah ayaan kaga hadli doonaa ahmiyada ay gabadha muslimada uleedahay in ay cilmiga barato iyo sidii ay ubaran lahaydba.

Waxaa kale oo waajib ku ah qofka muslimaka ah in uu barto dhamaan wixii salaada ka burinaya, kuwaas oo isugu jira laba nooc: nooca koowaad oo ah inta aan salaada qofka muslimka ahi gelin wixii waajib ku ah in uu layimaado sida: najaasada oo sifiican isaga daahiriyo sida: saxaro ama kaadi iska dhaqid amaba hadii uu qubuays ku waajib noqdoba; nooca kale oo ku waajibka ahi waa sidii uu ubaran lahaa wixii salaada inta uu ku dhex jiro kaburin lahaa salaadiisa sida: in neefi dabadiisa kasoo baxdo dabadiisa iwm. Qaybatan danbe ee lagu baranayo wixii salaada kaa gudaya amaba kaa burinayaa wax yar oo kooban ayaan katilmaanay, sidaadarteed, waxaa qofka muslimka ah waajib ku ah in uu barto kutubta fiqiga ah ee arinkan si tafatiran uga hadlaya, hadii aanuu awoodi Karina waa in uu culimada qaab su’aal ah uwaydiiyo si tiirka labaad gudashadiisa loola yimaado sidii diinteena toosani ina farayso.

Ukhtii, waxaa jira arimo badan oo adiga gaar kugu ah marka  salaada laga hadlayo, arimaahsana waxaa kamida: dhiiga caadada loo yaqaan, dhiiga dhabar-furanka(istixaada) iyo dhiiga waqtiga dhalmada kadib yimaada. Dhamaan arimahaan Allah sida gaarka ah kuugu keli yeelay, sharcigeenu waxa uu kuu sameeyey sidii aad kayeeli lahayd salaadaada waqtiga aad dhhiga leedahay, dhiigaasna isaga daahirin lahayd, calaamadaha lagu kala garto dhiiga caadada iyo kan dhabar-furanka iwm. Arimahaa sida gaarka ah rabi kuugu gaaryeelay ayagana waajib ayeey kugu tahay in aad sida sahrcigeena waa faqsan aad u barato, waxaadna ku baran kartaa oo keliya labadii dariiqo ee aan soo tilmaanay eek ala ahaa: xalaqaatka cilmiga oo aad xaadirto iyo su’aalo aad kawaydiiso culimada. Hana ka xishoonin su’aalaha dhiigaaga iyo wixii lamida ku saabsan in aad culimada waydiiso, waayo haweenkii saaxabada ahaa ayaa nebiga waydiin jiray arimaha dhiiga  ku saabsan, laakiin waxa aad hagaajisaa oo keliya qaabka aad culimada su’aalaha noocaas ah aad u waydiinayso.

 

Ukhtii aduun howli kama dhamaato, malag yaabaa in aad tahay:

Hooyo caruur badan leh, oo qurba ku nool ah oo aad  uga werweraysa caruuteeda?.

Hooyo qaxooti ah oo xero qaxooti ku jirta oo qadaa ma dhergaan aha?.

Hooyo ninku ku xumaaday oo marwalba murugaysan?.

Hooyo qax ah oo hoobiyayaal dhinacyada ka derdereen?

Hooyo cilmi diineed dalbaysa oo uu ku adkaaday?

Hooyo deriskii iyo xididkiiba ku xumaadeen?

Hooyo jecel in ay ku dhaqanto diinteeda laakiin mujtamac diinta ka fog ama aan ku dhaqminba lanool?

Hooyo ganacsata ah oo raadinayaso dad xalaal miirad ah oo ay laganacsato?

Hooyo jiran oo xanuuno aan daawo lahyn qabta sida kansarka iwm(Allah baan ka hoos galay aamiin)?

Hooyo baahan oo aan Ilah mooyee cid kale ogayn?

Hooyo dhowrsan oo shaydaan raafka ku hayo oo faqri iyo xumaan u sawirayo?

Hooyo, welwelaysa, murugaysan,buufis qabta oo aan nolol caadi ah ku noolayn?.

Hooyo il, jin amaba sixir qabta?

Hooyo nimcaysan laakiin laga yaabo in aanay dareensanayn nimcadaas oo aan ku shukri naqin?

Hooyo lala guursday oo masayrsan?

Hooyo ay dhibkale oo farabadani hayso oo kaalmo u baahan?

 

Ukhtii, hadii arimaha aan kor ku sheegnay ay jawoob toodu tahay haa, ma ogtahay?

In salaadu ay daawo u tahay waxyaabaha aan kor ku tilmaanay  oo aan sheegnay in ay gabadhaa muslimada ah lasoo dersi karaan. Arimaha aan tilmaanay waxaa lagu soo koobi karaa sadex nooc in ay uqaybsami karaan, kuwaas oo daawadooda laga dhex- helikaro saalada , kuwaas ookala ah: kuwo aduunka inta lajoogo qofka ku dhaca,  kuwa aakhiro la helo, kuwa mujtamaca dhexdiisa lahelo ,  kuwa caafimaadka qofka khuseeya iyo kuwa kale oo aad ufarbadan oo aan lasookoobi Karin, hadaba ukhtii, ma ogtahay?

In  marka ay Nebi Maxamed(NNKH) arin muruga leh ay lasoo deristo uu salaada xageeda u carari jirey kuna oran jirey Bilaal(RC) salaada noogu raaxee?

In Salaada lagu dhaafo denbiyada, denbiyaduna ay yihiin waxa dhibka aduun inoo keena?

In salaadu ay reebto  xumaanta iyo munkarka, ayna tahay waxa ugu wayn ee uu adoonku uu ku ilaashan karo masaalixdisa aduun iyo aakhiroba?

In salaadu ay qofka tukanaya u tahay nuur, nuurkaas oo kamuuqda: wejigiisa, qalbigiisa, qabrigiisa iyo maalinta laysa soo saari doono ee qiyaame?

In Salaadu ay qofka tukanaya jirkiisa oo dhan caafimaad u tahay sida: wareega dhiiga, xubnaha jimicsigooda iwm, sidaasna ay qirayaan culimada muslim iyo gaalabo lihi oo ku tukhasusay cilmiga caafimaadka?

In salaadu ay diinta uga dhigantahay meesha uu madaxu jirka uga dhigan yahay oo qofka aan madax lahayni aanuu noolaan Karin, sidoo kalena qofkii aan salaada la’imaanina aanuu diin lahayn?

In shanta salaadood oo waqtigooda la ilaaliyaa lagu helo  bashbash iyo barwaaqo(happiness ama sacaaada aduun )   aakhiroba iyo ad uunba?

In salaadu ay kordhinayso xasanaatkaaga adigana ay meelsare oo Illahay agtiisa ah kuu qaadayso?

In salaadu ay kordhinayso iimaankaaga qalbiga iyo nuurkiisaba?

In aad ugu yaraan shanta salaadood aad Illaahay kuwaydiisato 17 jeer in uu kuu kaalmeeyo (faatixada marka aad akhrinayso), hadii kaalamda Allah uu si dhab ah qalbigaagu u aaminsanyahayna, aad helayso kaalmadiisa  insha allah, cidkale kaalmadeeduna aanuu waxba kuu tarayn?

In marka qofka muslimka ahi uu Illahy ugu dhowyahay ay tahay marka uu tukunayo gaar ahaan marka uu sujuudsanyahay, wixii aad Illahy qalbi khaalis aah aadkuwaydiisato sujuudana uu insha Allah, Illahy kaa aqbalayo?

Hadaba, qofka salaada sida uu Illahy rabo  oo keli ah ulayimaada, qalbigiisana u faaruqiya Illahay inta uu salaada ku jiro, islamarkaana salaada Illaahay ku dhexwaydiista waxa uu rabo, aakhiro iyo aduunba, qofkaasi insha Allah waxa uu noqonyaa qof si dhab ah Illahay ugu xiran, waxaana Illahay ka ilaalinayaa xumaanta aduun iyo aakhiroba, waxaana uu Allah ku manysanayaa in uu qofkasi noqdo: qof wejiguusu nuurayo, marwalbana faraxsan, hadii dhib lasoo derso markaba salaada dhinaceeda ucarara, Illaahna salaada ferej ugaga dhigo. In salaadaada aad ka dhex hesho amaba ay sabab ugu noqota ariamaha aan sheegnay, waxaa lagama maarmaan ah in qofka muslimka ahi salaada marka uu ku jiro uu layimaado khushuuc. Sidaa darteed waxa aan wax yar ka tilmaamidoonaa khushuuca.

Khushuuca Salaadaa

Salaada sharfteedu waa khushuuca, dhinaca luqada(carabiga) marka laga fiiriyona khushuuca  waxaa layiraahdaa:  udhaganuglaan iyo xasilooni. Dhinaca sharcigeena waxaa layiraahdaa qalabiga oo loo hogaansiiyo Ilaahay hortiisa in uu isugu duleelyo.  Qalbigu markuu khushuuco xubnaha oio dhamani waxa ay  u gudanayaan cibaaddada gaar ahaana salaada sifiican oo qofka tukanayaa xubnihiisa oo dhami way khushuucayaan maadaama mashiinka(qalbiga)  xubnaha ka shaqaysiiyaa uu Illahay isu dhiibay oo isu dulaynayo.

Ukhtii, Allah markii uu tilmaamayey sifaadka kuwa liibaanaya waxa uu ugu horaysiiyey kuwa salaada ku khushuuca waxaana uu suurtaul muminiin kuyri: waxaa liibaanay kuwa salaadooda dhexdooda ku kushuuca. Hadaba, ukhtii, khushuuca salaada lagu khushuucaa waa towfiiq ( qofka wixii Alle ku manaysto) uu Illahay bixiyo qofka uu jecel yahay oo khayr lamaago ayuuna ku manaystaa, adiga iyo aniga iyo wixii muslimiin ahna Allah ha inaka dhigo kuwo salaada ku khushuucee.  Kuwa Alle waafujiyo ku khushuuca salaadana waxaa kamida: kuwa saadiqiinta ah, mukhlisiinta ah, marwalbana u taagan in ay fuliyaan amarka Illahay wixii uu ka reebayna kadigtoonaadaan.

Ukhtii, khushuuca iska raadi oo iska doondoon markasta oo aad salaada gelaysid, waxaana nafta usheegtaa in ay hortaagan tahay   Allihii abuuray, nimcada ay haysatana siiyey, waxaadna is hor dhigtaa dhimashdaada iyo adigoo qabriga laguu wado. Asbaabta kale oo kushuuca sabab kuugu noqonaya waxaa kamida ah: Iimaanka Alleh, sallada oo agtaada kuwaynaata, salaada oo aad si fiican ugu  diyaar garowdo, wixii salaada kaa gudayo oo aad sifiican ubarato, quraanka iyo ducooyinka aad akhrinayso   macnohooda aad  udhuuxdo, dharwanaagsan oo aad salaada u xidhato iwm.

Waxaan kuugu soo gabagabaynayaa laba qiso oo aan  aan rajaynayo in ay sifiican kuu dareen siin doonaan halka ay salaadu ka joogtay dadkii aynu diinta kasoo gaadhnay. Labada qiso mida hore waa:

Qisada Koowaad

Sayidinaa Cumar Ibnu-khitaab markii mindida lagu dhuftay waxa uu kijiray salaadii subax, waxaana dhaaftay hal rakcad, oo waxaa kasaramay dhiigii, dabadeedna rag ayaa xanbaaray oo meeshii lagu dilay kaqaaday oo gurigiisii geeyey. Markii uu soo miyirsaday ayuu wuxuu yiri: salaadii miyaan tukaday? Markaasay waxa ay ku yiraahdeen halrakcad ayaa kaa tagtay,  wuu istaagay si uu u tukado, markaasuu miyir belay, dabadeed mar labaad ayuu u istaagay in uu tukado markaas ayuu miyir belay, mar sedexaad ayuu u istaagy markaasuu miyir belay, markii danbe ayuu rakcadii tukuday oo wax auu yiri: Allah ayaa mahad iska leh iigu gargaaray salaada.

Qisada Labaad.

Waxaa jiray nin saalix ah oo kamida taabiciinta(kuwii arkay saxaabadaya ayaa layiraahdaa taabiciin) oo la oran jirey Thaabit, Bin-Caamir Bin-Cabdallah Bin-subayr,  waxa uu maqlay isaga oo jiran salaadii maqrib oo la’adamayo, markaas buu wuxuu caruurtiisii ku yiri: salaada xageeda ii qaada iyo masaajidka, markaas ayeey waxay ku yiraahdeen: waad jirantahay, Illahayna waa kuu cudurdaaray, markaas buu wuxuu kuyiri: LAA ILLAH ILAA ALLAH, ma anigoo maqlaya XAYA CALA SALAAT iyo XAYA CALAL FALAAX  ayaanan ajiibaynin, Illah baan ku dhaartee waad iqaadaysaan, dabadeedna xagii masaajidka ayeey uqaadeen.  Markii uu sujuudii ugu danbaysey ee salaada uu ku jiro ayaa Allah naftii ka qaaday oo isagoo sujuudsan ayuu rabigiis lakulmay. Qaarkamida culimadeena waxa ay sheegeen ninkaasi marka uu salaad fejer tukado waxa uu oran jirey: ILAAHOW dhimashada wanaagsan baan ku waydiistey markii lawaydiiyey oo layiri: waamaxay dhimashada wanaagsani waxa uu ku jawaabay: In ALLAH i oofsdao anigoo u sujuudsan. Geeri aad uquruxbdan, Illahow isagoo kale dhamaanteen naga yeel, aamiin.

Ugu danbayn,ukhtii, salaaudu waa tiirka labaad oo ay diinteenu ku taagan tahay, nebigeenu aad ayuu ujjeclaa salaada uguna khushuucu jirey, inagana inookala dardaarmay, waxa ayna saxaabadu kawrinayaan in uu markii uu salaada kujiro khushuuc dartiis sidii dheri dab lasooray oo kale dhawaaqiis ay kamaqli jireen. Nebi Maxamed(NNKH) jacaylkiisa lajeclaadana waxaa kamida in wadadiisii laraaco, sidaadarteed, qofka isku daya in uu sidiisii oo kale u takdaa waa qof jecel. Sidii aan soo tilmaamayna, uduun howli kama dhamaato, Illahayna waxa uu inoo keenay aduunka in uu inuku imtixaamo, imtixaankaas waxaa ka gudbi kara qofkii  cibaadada loo dirsaday siday tahay uguta, gaar ahaana salaada kagana gabada salaada: shaydaanka, werwerka, dhibaatada qoyska, murugada iwm.

Runtii, salaada sidii ay mudnayd ugama aanan hadlin, waxaanse rajaynayaa in uu qoraakani unoqon doona gabadha muslimada ah naseexo ay ku baraarugto ahmiyada ay salaadu uleedahay dadka muslimiinta ah, gaar ahaana ay gabadha muslimada ahi ay weheshato salaada marka arimaha qoysku ay murugu geliyaan, hadii ay dhinaca ninka noqon lahayd, dhinaca shaydaanka, dhinaca caruurta, amaba xaal aduun oo kale.

ukhtiiUkhtii,Inta aynu ku kulmi doona furaheena sadexaad ee ah ‘SAKADA’ waxa aan adiga , aniga iyo muslimiinta oo dhanba Ilaahay ka baryayaa in nagu dhigo kuwa salaada uguta sida uu isagu raaliga kayahay, nagana badbaadiyo wixii salaada khushuuceeda naga mashquulinaya . Aaammin.

Ukhtii, Lasoco Qaybaha kale.

Qaybihii hore ka akhri linkigan: https://somalitalk.com/tag/ukhtii/

W/Q: C/raxmaan maxamed Jaamac

Birmingham, UK

abdul_454@hotmail.com

https://somalitalk.com/tag/ukhtii/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.