Home » Warar »

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo u yeertey Madaxa TV-ga Universal

Waxaa nasoo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraal ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qaybiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta islamarkaana uu ku Saxiixnaa Gudoomiyha Maxkamadaas Dr.Xasan Maxamed Cali (Wariiri) waxaana Qoraalkaas Baafin ah oo Tirsigiisa ahaa Ref-MRGB/151/2014BG soona baxay 4-5-2014 uu u Qornaa sidatan :-

Maxkamada Gobolka Banaadir waxay Baafineysaa Madaxa TV-ga Universal Axmed Abuukar Mubaarak in uu Maxkamadda Racfaanka Banaadir, waxaana lagu faryaa aad ku timaado Muddo 30 Cisho Gudahooda meel kasta oo aad ka joogto dalka Dibadiisa ama Gudahiisa.

Hadaba waxaa lagu farayaa in aad Dhowrto u yeerista ay kuu yeertey Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir, kuna Timaadid Soddonkaas Cisho Gudahooda oo ka bilaabaneysa 5-5-2014 ilaa 6-6-2014.

Dhinaca kale waxaa Saxaafadda la hadashey markii uu soo baxay Qoraalkaan Qareenka u doodaya Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal Qareenad .Xaawo Xaaji Sabriye oo soo dhaweysey Go’aanka Baafinta ee ay soo saartey Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir,sheegteyna in Dacwadaan ay Muddo Dheer soo socotey islamarkaana ay soo martey Heerar kala duwan.

Cabduqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) oo sheegey in uu yahay Milkiilaha TV-ga Universal islamarkaana ahaa Qofkii Dacwada u Gudbiyey Maxkamadda ayaa sheegey in uu Geed Dheer iyo Geed Gaabanba u Kori doono sidii uu ku soo Ceshan lahaa Hantidaas oo uu sheegey in uu isagu uu leeyahay waxaa uu intaa ku darey

“TV-ga Universal Aniga ayaa iska leh islamarkaana aniga ayaa Dhidibada u taagey,Ummadda Soomaaliyeedna waa ogtahay,waxaana mar kale ku Celinayaa oo aan Doonayaa in aan Hantidaas aan ku soo ceshado si Sharci oo aan ku kala baxno Maxkamadda .

Amiin Yuusuf Khasaaro
Somalitalk muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.