Home » Warar »

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo

Iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo ka tacisyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Baydhabo, diyaaradna u diraya dhaawaca

Muqdisho, May 12, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu dhaawaca halista ah u dirayaa diyaarad ka soo qaadda magaalaada, waxayna xukuumaddu ka taageeraysaa maamulka maxalliga ah sidii uu arrinkan naxdinta leh u wajahi lahaa.

Isagoo qaraxa ka hadlaya waxa uu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan Allah u weydiinayaa muwaadiniintaas ay gacanta ka xaqa daran dishay inuu naxariista Jannada ku soo dhoweeyo.

“Dadka dhaawaca ah waxaan Allah u weydiinayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Waxaan Baydhabo u diraynaa diyaarad soo qaadda dhaawaca halista ah si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah.

“Waxaan dhaleeceeynayaa kuwa arxanka daran ee dhiigga Muslimiinta ku daadinaya fikrado gurracan oo shareecada ka baxsan. Arxan uma hayaan dadkeenna iyo dalkeenna waxaanan sii wadeeynaa dagaalka aan kula jirno nabad-diidkan dadka ku dhex jira illaa aan ka dhammeeyno dalkeena.”

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xukuumadda ku garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Falalka fuleynimada ah ee argagixisada waxay noqonayaan kuwo nagu guubaabiya in aan midowno, oo aan labalaabno beegsiga kuwa dembiga galaya,” ayuu yiri.

–Dhammaad—

Communication Department
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM @OPMComms

…….

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Hadlay Falkii Argigixisanimo Ee Lala Bartilmaameedsaday Shacabka Magaalada Baydhabo…WARSAXAAFADEED

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari
ayaa uga tacsiyadeeyey shacabka reer Baydhabo falkii argigixisanimo ee ay
argigixisadu la birtilmaameedsadeen maanta shacab aan waxba galabsan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha
Jamhuuriyadda,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha
Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa shacabka reer Baydhabo aniga oo
uga tacsiyadeynaya falkii argigixisanimo ee lagu dhibaateeyey shacab aan
waxba galabsan, sidoo kalena waxaan Alle ka baryayaa in inta ku
dhaawacntay uu Alle caafimaad siiyo”

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha
Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay shacabka,ciidammada Qalabka Soomaaliyeed
iyo Ciidammada AMISOM iney iska kaashadaan sugidda amnigooda si loo hor
istaago falalka noocaan ah ee lagu daadinayo dhiiga shacabka muslimiinta
ah ee aan waxba galabsan.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

………..

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM)

Faafin Degdeg ah
WAR SAXAAFADEED 19/2014

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo

Muqdisho, 12 May 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyey weerarki maanta ka dhacay Baydhabo kaas oo ay ka dhalatay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawacyo in badan oo kale.

“Waxaan ka naxay oo aan ka murugooday weerarkii Baydhabo ee maanta. Waxaan ku boorrinayaa maamullada in ay dembiilayaasha si degdeg ah cadaaladda ku hor keenaan. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageeridda dadka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda dadaalka ay ugu jiraan helidda mustaqbal nabad iyo deganaansho ku dheehantahay.”

Mudane Kay wuxuu tacsi kal iyo lab ah u diray qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii lugu dilay weerarkii maanta wuxuuna u rajeeyey intii ku dhaawacantay soo kabasho degdeg ah.

Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
@UNSomalia
www.facebook.com/UNSomalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.