Home » Warar »

Bayaan ka soo baxay Nadwadii lagu soo gabagabeeyey Johannesburg

NADWO KA SOCOTAY JOHANNESBURG OO LA SOO GABAGABEEYAY

Waxaa lagu soo gabagabeeyay caawa 11/05/2014 bacdal maqrib masjidka imaamu shaafici ee ku yaalo Johannesburg nadwo diineed wayn oo ay soo qabanqaabiyeen majliska albayaan qaybtiisa dacwada ee gobolka Gauteng nadwo diimeed ciwaankeedu uu ahaa shareecada iyo nolosha.

somali98

Nadwadaas oo ahayd tii koowaad ee sanadakan ayaa waxaa ay furantay maalintii  jimcada bacdal maqrib 09/05/2014, waxaana furitaankeeda ka soo qaybgalay odayaasha  hoogaanka soomaalida ee koofur afrika iyo aqoonyahan kale oo la siiyay kalimaadkii furitaanka, waxaa kaloo ka hadlay madashii furitaanka sheikh maxamed aadan abdile oo ah madaxa gudiga dacwada ee gobolka Gauteng oo faahfaahiyay ujeedada laga leeyahay nadwada iyo mudada ay socon doonto, waxaa kaloo uu ka waramay sida loogu baahanyahay nadwaadka noocan oo kala ah.

waxaana ka baxay afar muxaadaro intii ay socotay nadwadaas, afartaas muxaadaro oo kala ahaa, shareecada iyo dhaqaalaha oo uu soojeedinayay sheikh qaasim cabdi hayaan, shareecada iyo amniga oo uu soo jeedinaayay sheikh xuseen c/naasir, shareecada iyo akhlaaqda oo uu soojeedinayay sheikh shariif, iyo ugu danbaystii  waxaa caawa la galay shareecada iyo midnimada oo uu soo jeedinayay sheikh axmed xoosh, waxaa intaa ka dib ay culimada soo saareen bayaan ay kula dardaarmaayeen jaaliyada soomaalida ee koofur afriko iyo si guud ummada soomaaliyeed .

 

Bayaankaas oo ka koobnaa 7 qodob oo kala ah

1:  culimada waxay dardaarmaayaan allah ka cabsi iyo in diinta allah lagu walaaloobo

2: culimada waxay u soo jeedinayaan ummada soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee koofur afriko qaybaheeda kala duwan, culimada, odayaasha, dumarka, aqoonyahanka, dhalinyarada, ganacsatada, in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan dantooda aakhiro iyo aduunyaba

3: culimada waxay ugu baaqaayaan bulshada waxbarashada sharciga ah iyo mida casriga ah ayadaa lagu garaa horumar aakhiro iyo mid aduunyaba

4: culimada waxay dardaarmaayaan in jaaliyada soomaaliyeed gaar ahaan gobolkan Gauteng ay is caawiyaan ayaga dhexdooda ayagoon hilmaamaynin walaalahoodii ku noolaa dalkii ay ka yimaadeen

5: culimadu waxay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan cid kaste oo ka shaqaynayso danta bulshadanada ku dhaqan koofur afriko

6: culimada waxay ka codsanayaan jaaliyada soomaalida in ay ku caawiyaan gudashadooda camalka wayn ee ay dusha u riteen ee ah dacwada ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan koofur afriko

7: culimada waxay u dardaarmeen bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan koofur afriko in ay kula noolaadaan dadka ay u yimaadeen si wanaagsan oo ilbaxnimo ku dheehantahay ayna gaarsiiyaan diinta wanaagsan ee ay xambaarsanyihiin ee islaamka

 

Wabillaahi towfiiq

 

Waxaa diyaariyay

Maxamed aadan cabdile

Madaxa dacwada gobolka Gauteng

Ee  golaha albayaan islamic

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.