Home » Warar »

Saameeynta Kooxaha Burcad Badeeda ku yeesheen Ganacsigii Soomaaliya.

Cabdi Abshir Dhoore “Saameynta waxay ka timid Maraakiibtii wax soo Daabuli jirtey oo Caymiskoodii Kor u kacay”

Xiligii Qaybo ka md Dalka ay ka Dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka Qowleystada Xeebaha Soomaaliya kuwaa Maraakiibta Maraya Xeebaha Soomaaliya ay halkaa ka soo qafaashaan, kuwaa oo Aakhirkii Mraakiibtaas ka qaata Lacago Madaxfurasho ah ka dib marka ay Muddo haystaan Maraakiibtaas, kuma ega Dhibaatada loo geysanayey Maraakiibta ee waxay Saameeyn ku yeesheen Xaaladii adkeyd ee ay ku jirtey Soomaaliya ee Colaadaha , Abaaraha iyo Cudurada

Afduubkaas iyo Qafaalashadaas Kooxaha Burcad Badeedaas ay ku hayeen Maraakiibta Ganacasiga ee maraya Xeebaha Soomaaliya waxay Saameynta ugu Balaaran ku dhacdey Ganacsigii Gaar ahaan Bedeecooyinka kala duwanaa ee Imaan jirey Soomaaliya ama kuwa ka dhoofi jirey, waxaana Dalka ka Dilaacay Sicir Barar baahsan oo Ciriir geliyey Noloshii Danyarta Soomaaliyeed ka dib markii Maraakiibta Ganacsiga ee Imaan jirey ay aad u yaraadeen , kuwa ku soo dhiiradana in ay yimaadaan Soomaaliya waxay Malkiilasha Maraakiibta ay Dul saari jireen Ganacstada Lacag aad u fara badan.

Hadaba Su’aalo la Xiririta Saameynta Maraakiibta Ganacsiga ay ku yeesheen Ganacsiga Soomaaliya waxaan wax ka weydiiney Agaasimaha Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore waxaan Su’aashii ugu horeysey ee aan weydiino ahayd Rugta Ganacsiga Maxay Qabataa Goormaase la Aas-Aasey waxaana uu ku jawaabey Agaasimaha

“Rugta Ganacsiga waxaa la Aas-Aasey Muddo dheer gaar ahaa Sanadihii Todobaatameeyadii,hadda Markii ay Dhaceen Dagaalada oo Dib loo Yegleeley Ganacsigii ayaa waxaa Dib Boorka looga jafey Sannad iyo Bar ka hor Rugtii Ganacsiga,Runtii Muhiimad weyn bay ugu fadhisaa Bulshada Soomaaliyeed Rugta, waxayn qabtaa Howlo Baaxad weyn, Runtiina waa Stander oo Howlaha Caalamka Rugahooda ay qabtaan bay Rugtaan Qabataa ,inkastoo Wadanka uu yahay Wadan iska Guur Guuranaya, waxayna Rugtu qabtey Howlo aan la fileyn oo la xiriirta Ganasiga waxaana Xubno ka ah ilaa Shan Boqol oo Shirkadood, Qofka Xubin ka noqonaya si Xor ayuu uga qayb galayaa oo uu Rabitaankiisa uu ku imaanayo, runtiina Ganacstada Soomaaliyeed Masaaliix bay ku qabaan oo waxa dalka ka dhoofaya oo dhibaato ku qabeen Ganacstada, hadda waxaa la siinaya Warqad oo Cadeyneysa in Badeecadaan ay ka timid Soomaaliya, Waxaa kale oo jira marka Xukuumada iyo Ganacstada ay wada hadlayaan halkaas waxaa ka Fududdaanayaa in Ganasatada ay helaan Xaquuqdooda

Waxaa kaloo la weydiiyey Agaasimaha Rugta Ganacsiga Su’aal ahayd Saameyn intee la eg ayey Kooxaha Burcad Badeeda ku yeesheen Ganacsigii Soomaaliya waxaana uu ku jawaabey “ Runtii Saameyn weyn buu ku yeeshey Ganasigii Soomaaliya ee Kooxaha Burcad Badeeda, inkastoo Tiro sax ah aan ku siin Karin hadana Ganacsiga Soomaaliya waxaa uu isagu jiraa Mid dalka laga Dhoofiyo iyo mid Dibadda laga keeno, runtiina Ganacsigaas waxaa uu soo maraa Dhinaca Badda, Magaalooyinka waa weyn sida Barbera ,Boosaaso, Muqdisho Kismaayo iyo Deegaano kale Ganacsigii Imaan jirey ayey saameeyn balaaran ku yeeheen , gaar haan Badeecooyinkii kala duwan kuwaa oo Bulshada u keeney Sicir Barar sidaa darteed Maraakiibtii wax soo Daabuli jirtey Caymiskoodii baa Kor u kacay sidoo kale wax caqabad ku noqdeen Kooxaha Burcad Badeedka Xoolihi faraha badnaa ee laga dhoofin jirey Soomaaliya, tii soo degeysana Qaali bay ka dhigeen tii la dhoofinayey Qaali bay ka dhigtey”.

Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga waxaa kaloo la weydiiyey Saameynta iyana ay ku yeelatey falalka Bucad Badeeda Shirkadaha kaluumeysiga iyo Kaluumeysatada Soomaaliyeed waxaana uu Su’aasjaas uu kaga jawaabey “ Aad iyo aad bay u sameeysey, Xaqiiqdii Kooxaha Burcad Badeeda markoodii hore Xoogoodu waxay ahaayeen Kaluumeysato taasina waxay keentey in uu istaago Ganacsigii Kaluumeysiga oo Shirkadihii ka Ganacsan jirey Kaluumeysiga waxay ku Dhiiran waayeen in ay sii wadaan Ganacsigaas , waxaana maraa qaar dhacda in la kala garan waayo Doomahii Ganacstadu lahaayeen iyo Doomahii Burcad Badeeda oo qaarkood la Xabadeeyey”

Su’aasha kale ee la weydiiyey Cabdi Abshir waxay ahayd Rugta Ganacsiga maxay ka qabatey Kooxaha Burcad Badeeda? waxaa uu ku Jawaabey “ Rugta Ganacsiga oo Kaashaneysa Ganacstada Soomaaliyeed ayey waxay Xukuumada kala qayb galaan Gaar ahaan Wasaaradda Badda iyo Kaluumeysiga Barnaamjyo looga hadlayo saameynta Kooxaha Burcad Badeeda ku yeesheen Ganacsiga Soomaaliya waxaana Kulankii ugu Dambeeyey ee ka dhacay dalka Imaaraadka ay Rugta u gudbisey Xukuumada iyo Beesha Caalamka Talooyin ku aadan sida wax looga qaban karo Kooxaha Burcad Badeeda maadaama arrintaan ay Dhibaato ku tahay Ganacsiga Soomaaliya,waxaa bBesha Caalamka u gudbiney in Dadka Soomaaliyeed aysan raali ka hayn Kooxaha Burcad Badeeda.

Waxaa kaloo la weydiiyey Agaasimaha Rugta Ganacsiga Su’aal ahayd maadaama ay jiraan dadaalo la doonayo in lagula dagaalamo Kooxaha Burcad Badeeda gaar ahaan Beesha Caaalmka ma is leedahay Arrrintaas Natiijo Wanaagsan baa laga gaarey oo Burcad Badeedii hoos bay u dhacdey ? waxaana uu ku jawaabey “ Maraakiib ay soo direen Beesha Caalamka ay taagan yihii muddo Todobo Sanno ah Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan, Runtii Quwadaas marka la fiiriyo wax weyn baa qabsoomey , Labadii Sanno ee ugu dambeysey Falalkii Burcad Badeeda Lambar weyn baa hoos u dhacay oo Tiradii Maraakiibta ee Kooxaha Burcad Badeeda hoos bay u dhaceen , waxaana rajeynayaa in Aakhirkii laga adkaan doono Kooxahaas ,sidoo kale waxaa rajeyneynaa in dib loo soo nooleeyo Ciidamadii Badda Soomaaliya, isku geyn marka la fiiriyo Quwada iyo Dhaqaalaha Baxaya in Burcad Badeeda lala dagaalamo iyo Maxsuulka la gaarey Runtii aad bay u kala weyn yihiin , waxaa moodaa hadda in Kooxihii Burcad Badeeda ay sii yaraanayaan
somali97

Ugu Dambeyntii waxaa Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore la weydiiyey Su’aal ahayd Waxaa mararka qaar la isla dhexmaraa in Ganasato Soomaalyeed ay Xiriri la leeyihiin Kooxaha Burcad Badeeda arrintas maxaa ka jira? Waxaana uu ku Jawaabey “Walaal arrintaa waxa badan baa laga Qorey, arrintaasna Baaris baa ku socota oo Ganacsatada arrintaas saameysey waxay u baahan tahay Baaris Qoto dheer oo Caalamka iyo Rugta Ganacsiga iska kaashadaan si loo helo inta ay Burcad Badeeda jirtey iyo inta jeer ee ay qaateen Lacago, Wadanka Kenya oo ay joogaan Ganacsato Soomaaliyee ayaa mararaka qaar lagu eedeeyaa in ay lacagaha ka keeneen Kooxaha Burcad Badeeda taasina waa mid ku eg wax Jaraaid uu Qorey”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.