Home » Faallo »

Mad-Habka Suudaan laga soo Masaafuriyay Muqdisho ma lagu Maamuli Karaa!!

Waxaa soo gabagaboobay bishii xil ka qaadista Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii shalay wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn ula yaabeen isla markaana ka muujiyay walaac hor leh magacaabista maamulada cusub ee degmooyinka G/Banaadir.

Su’aalaha ay shacabka Muqdisho isweydiinayaan ayaa waxaa ka mid ahayd “Mad-hab Suudaan laga soo masaafuriyay Muqdisho ma lagu maamuli karaa?” bacdamaa inta badan maamulada cusub ee Gobolka Banaadir la sheegay inay ka yimaadeen dalka Suudaan, iyadoo shuruudaha qofka noqonaya Guddoomiye, Guddoomiye K/Xigeen ama kan gobolka Banaadir ay ka mid tahay inuu saddex bilood soo dhigtay jaamacad ku taala dalka Suudaan.

somali96
Kooxdaan cusub ee la wareegay maamulka G/Banaadir ee dooneysa inay Muqdisho ku maamusho mad-hab ay ka keeneen jaamacadaha ku yaala dalka Suudaan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo fara badan, taasi oo muujineysa inay lumineyso rajadii magaalada Muqdisho lagu horumarinayay iyo horumarinta gobolka Banaadir bacdamaa koox gaar ah loo dhiibay maamulka kaasi oo ay adag tahay sidii uu ula qabsan lahaa marxalada ay mareyso magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada Suudaan ka timid ee Soomaalida ah inkasta oo ay xaq u leeyihiin inay wax ku yeeshaan dowladnimada iyo maamulka gobolka Banaadir, hadana waxaa shaki weyn gelinaya isla markaana meesha ka saaraya inay shacabka Muqdisho gacan wada shaqeyneed ka helaan iyagoo hal dal wax ku soo bartay.

Aaway dhallinyarada Soomaaliyeed ee faraha badan oo iyaguna wax ku barta jaamacadaha ku yaala adduunyada cirif ka cirif, miyaanay xaq u laheen inay iyaguna wax ku yeeshaan maamulka gobolka Banaadir?.

Yaa ka dambeeyay in maamulka gobolka Banaadir gacanta loo geliyo dhallinyarada Mad-habka Suudaan Muqdisho keentay? iyo su’aalo kale oo fara badan ayaa durba ka dhashay maamulka curdanka ee gobolka Banaadir, waxayna tani caddeyneysaa in kooxda Dam-jadiid ay isku ballaarineyso awooda Dowladda Federaalka.

Aqoonyahanada, siyaasiyiinta, waxgaradka, culumaa’udiinka, haweenka, dhallinyarada iyo waayo-joogga Soomaaliyeed ee jecel horumarka dalka ayaa iyagu walaac weyn ka muujiyay sida dhallinyarada la sheegay inay Suudaan ka timid sidii ula qabsan lahaayeen marxaladda maanta uu dalku marayo oo ka sokow mad-habka ay Suudaan ka keeneen u baahan inay aqoon iyo waayo aragnimo buuxda u yeeshaan qaababka ay u maamulayaan jagooyinka cusub ee loo magacaabay.

“Waa nasiib darro in shacabka Soomaaliyeed 22-sano kaddib aanay helin dowlad dalkaan ka saarta dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri aqoonyahan Soomaaliyeed oo qariyay magaciisa sababo ammaan dartood, wuxuuna caddeeyay in nidaamka is kooxeysiga aan meelna lagu gaareynin oo ay ka wanaagsan tahay in dalku uu maamul si cadaalad ah lagu soo magacaabay oo aan laheen qabiil iyo koox balse la helo muwaadiniin saafi ah.

Halkaan waxaan uga mahad celinayaa Guddoomiyeyaashii hore ee maamulka Gobolka Banaadir oo dalka u soo shaqeeyay xilli aad u adag oo aan ognahay qaarkood inay u geeriyoodeen xilalka ay hayeen.

“Aniga markii la ii magacaabay Guddoomiye degmo ku taala Gobolka Banaadir hooyadey waa iska oysay, waayo degmada la ii magacaabay waxaa ku geeriyooday saddex guddoomiye” ayuu yiri mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir oo aan magaciisa la sheegeynin.

Waxa uu sheegay Guddoomiyahaas in sababta hooyadii u oysay ay ahayd inaan iska diido jagadaas, hase yeeshee hooyadii ergo ayuu u diray si ay uga ogolaato inuu qabto jagadaas, wuxuuna ii sheegay inuu aqbalay kaddib markii hooyadii ogolaatay.

Ma aha wax halkaan lagu soo koobi karo tacadiga loo geystay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo naftooda u huray in maamulkii dowliga ahaa ay ka fuliyaan gobolka Banaadir oo la ogyahay xaaladdihii uu soo maray, hadana waxaa loogu abaal guday in jagooyinkooda loo qeybiyo dhallinyaro mad-habka Suudaan dalka la yimid.

Runtii aniga ma dhaliilayo ama kama soo horjeedo in xilka qof laga qaado qof kalena loo dhiibo, hase yeeshee waxaa nasiib darro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed in meeshii ay cir ka filayeen ay ceeryaamo ka timid bacdamaa weli lagu taagan yahay wadadii dalkaan geliyay burburka, fowdada, qaska iyo jaha wareerka siyaasadeed, iyadoo mar kastaba xukunka dalka uu koox gacanta u gelayo.

Waxaa iska cad oo aan hubaa in dhallinyaradaan mad-habka ka keentay dalka Suudaan aanay wax badan dhaami doonin, isla markaana Taangiyada AMISOM iyo ciidamada afka duuban ay u taalo howl ka culus oo ah la dagaalanka argagixisada ay ugu weyn tahay.

Muwaadinka Soomaaliyeedow ha quusan, intii Alle ku simaba waxay arki doonaan dalkooda oo nabad ah, barwaaqo ah ay ka jirto dowlad caadil ah, iyadoo cimriga kooxdaan cusub uu sii baaba’ayo haddiiba uu ka badbaado laaluushka iyo lacagaha xaaraanta ku soo galay kooxdaan ee ay u qeybinayaan Baarlamaanka si aan loo ridin Madaxweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed iyo dowlad wanaagiisa waxay ku xiran tahay in Baarlamaanka uu rido Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo helo hoggaamiye 2da sano ee soo socota dalka ka samata bixiya qaaquulka siyaasadeed ee dalka hareeyay.

Baarlamaankow ogaada haddii aad sameysaan isbedel Madaxweyne waxaad galeysaan taariikhda dalka oo idiin aqoonsanaya inaad tihiin u hiiliyeyaashii badbaadinta dalka iyo dadka, waxayna tallaabadaasi digniin u noqoneysaa Madaxweyne Xasan kasta oo ka fogaanaya in sida Xasan Sheekh oo kale uu noqdo, taasi oo dan u ah in dadka iyo dalka ay helaan hoggaan wanaagsan.

Dalkaan uma baahna 22-sano kaddib in lagu maamulo wixii uu ka soo gudbay ee ahaa qabiil iyo is kooxeysi ee wuxuu u baahan yahay hoggaamiye Qaran oo u hiiliya nabadda, daryeelka agoonta iyo hooyada dhibaateysan, la dagaalanka musuqmaasuqa, la dagaalanka argagixisada, la dagaalanka qabiilka iyo eexda, talo wadaag loo dhan yahay iwm.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.