Home » Faallo »

Dowladda Soomaaliya Dhammaan teed way fashilan tahay waxaa la haboon in ay Shaqada ka wada tagaan

Dalkeena Soomaaliya wuxuu xornimada qaatey July 1, 1960 , hase yeeshe waxaa nasiib daro ah in Maanta oo la jooggo 2014 uu yahay dalkeena mid dayacan oo Shacabkiisa oo dhan ay yihiin Qaxooti iyo Masaakiin aan waxba heysan taas oo ay u dheer tahay dhibaatooyin silic iyo saxariir lugu hayo meel kaste ay aduunka ay ka jooggan.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweynaha uu ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay isku heystan Kursi Madaxnimo iyo Lacag dollar ah taaso ay u dheer tahay in Dalkii iyo Shacabkii Soomaaliyeed ay hilmamaan oo weliba Cadow gacantiisa ay geliyaan.

Maanta waxaa nasiib daro ah in mudo 8 Maalmood ay xabsi ku yaalo Airport Nairobi ay ku jiraan Hooyoyin ,Caruur iyo Dhalin yaro Soomaaliyeed oo weliba caruurtaas oo jiran Bilooyin bal ka dhageeyso BBC Soomaali Maanta oo Taariikhdu tahay May 10, 2014. waa ayaan daro Haddii aan aniga maant haddii ahan laha Madaxwene ama Ra’iisal Wasaare ama wasiir ama Xldhibaan ama aan xil kale ka heyn lahaa Dowladda Soomaaliya waan is casili laha WALAAHI, BILLAAHI maxaa yeeley waa Fadeexo xun in Shacabka aad xilka u heyso uu dhibkaas ku jiro. Illaah waxaan ka baryaaya in Wixii Soomaali ah iyo inta Dulman ee Dhibaateysan uu u gargaaro isaga Allah ah oo Wax u Gaar gaaro.

Markii aan Saaka Subaxii aan ka dhageeystey a BBC laanta afka Soomaaliga oo aheyd Cinwaan keeda :( Saraafadda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa ka dayrineysa xaaladda ay ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo ku xiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta) runtii waan Xanuun sadey maxaa yeeley in Shacab Qaxooti ah oo weliba u badan Caruur iyo haween ay Silic ay ku jiraan oo mudo 8 maalin ay xirnadaan oo weliba Caruurtii bilaha jirey ay waayaan Caano ay cabaan, bal Qiyaas adigaba sidee kula tahay? Aaway Dowladdii Soomaaliyeed ee Mas,uul ka ka aheyd Shacab keeda? waa ayaan daro xun oo weliba ceeb ah.

Dowladda Soomaaliya Dhammaan teed way fashilan tahay waxaa la haboon in ay Shaqada ka wada tagaan

Mahad Sanadiin,

Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.