Home » Warar »

Soomaaliya oo Noqotey Dalka Labaad ee ee ugu Dhimashada Badan Haweenka Umul Raacda

Xaflad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada oo ka Dhacdey Magaaladda Muqdisho

Waxaa Vila Suldaan ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad ku aadan Maalinta Caalamiga ah Umulisada Adduunka (International Day of Midwife) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galay Masuuliyiin ka trisan Dowlada Fedraalka , Maamulka Gobolka Banaadir , Hayadaha Samafalka oo ay ugu horeysa Hayadda UNFPA, Ururka Umulisada Soomaaliyeed , Ardeyda wax ka barata Dugsiga Umulisada, Haweenka Qaranka iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka Hadley Xaawo Cismaan oo ah Xoghayaha Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed waxayna sheegtey in Dhiibaato Fara badan ay qabaan Haweenka Uurka leh gaar ahaan marka la gaaro Xiliga Dhalmada oo ay sheegtey in ay la kulmaan Umuliso Dhaqameed aan tababar lahayn oo Aqoon Fiican u lahayn Habka loola Tacaalo Haweenaka Uurka leh , waxayna Dowladda Federaalka ay ka codsatey in ay Xooga Saaraan Dugsiyada lagu tababaro Umulisooyinka si Gobolada dalka oo dhan u helaan Umuliso Tababaran.

Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mdi ahaa Naciimo oo ka socotey Wasaaradda Caafimaadka Qaybta Taranka ayaa si weyn ugu dheeraatey Dhibaatooyinka ay qabaan Haweenka Uurka leh laga bilaabo Xiliga Uurka Qaadaan ilaa ay ka dhalaan, waxayna sheegtey Dhibaatada ugu badan ay kala kulmaan Umuliso Dhaqameed aan Tababarneyn waxay sii raacisey “ Soomaaliya Waa dalka Labaad uu ugu Dhimashada badan Haweenka Umul Raacda Xiliga Dhalmada waxaana loo baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ugu Guntadaan sidii lo Badbaadin lahaa Haweenka Uurka leh Xiliga Dhalmadda

Waxaa Warbixin ku saabsan dhibaatada Hooyada iyo dhalaanka ka soo jeediyey Cabdi Faarax Maxamed oo ka socdey Wasaaradda Caafimaadka ,waxaana uu sheegey in Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn Badbaadinta Hooyada iyo Dhalaanka, waxaa uu sheegey in 100, 000 Kun oo Haweenka Uurka leh ay ka dhintaan 1014 Hoween sababo aqoondari caafimaad awgeed waxaa intaa ku darey “Shacabka Soomaaliyeed kuma Baraarugsana Dhibaatada intaa le’eg ay qabaan Hooyada iyo Dhalaanka oo waayey wax badbaadiya,,marka waxaan u soo jeedinayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka in ay ku DadaalaanBaxnaanida Hooyada uurka leh”

Haweeneyda u qaabilsan Dhinaca Haweenka ee Hayadda UNFPA Isatu Kajue oo halkaa ka akhrisey Qoraal uu soo saarey Agaasimaha Hayadda UNFPA ayaa waxaa lagu yiri “ Hayada UNFPA waxaa ka Go’an sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Daryeel Xiliga Dhalmada maadaama Haween fara badan ay Dhintaan Xiligaaas ,waxaana jira caqabado sidii Haweenka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Xarumo faraban oo lagu dayeelo Haweenka iyo Caruurta sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Faadumo Maxamed oo ka socotey Hayadda UNFPA oo sheegey in Hayada ay Xooga saari Doonto sdii loo badbaadin lahaa Hooyada iyo Dhalaanka

somali94

Ugu Dambeyn waxaa halkaa ka Hadley Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Khadiijo Maxamed Diiriyey oo sheegey in wax laga naxo tahay in Dalka Soomaaliya laga helo 70 Umuliso oo Tababaran, waxayna balan qaadey in Wasaaradda Haweenka oo Kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka ay Gacan ka geysan doonaan sidii Gobolada Soomaaliya looga furi lahaa Xarumo Caafimaad si Haweenka Soomaaliyeed u helaan Daryeel Caafimaad oo Dhameystiran.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.