Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta Booqasho ku tegay Magaalda Marka

Muqdisho, 07, May, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku tegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, Wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiisha Ciidamadda Dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada ee degmada Marka.

Soo-dhawaynta kaddib, ayaa Ra’iisul Wasaarahu kulan albaabadu u xiranyihiin la qaatay maamulka gobolka Shabellaha hoose iyo Saraakiisha Ciidamadda dawladda iyo AMISOM wuxuuna ka dhagaysatay warbixin ku saabsan xaalladda gobolka, iyadoo intii uu kulanku socday la isla soo qaaday la-dagaalanka kooxaha Al-shabaab iyo hawl-galada ay Ciidamaddu ka wadaan gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur “Siidii” oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku soo gaaray degmada Marka.

”Waan ku faraxsanahay mudane Ra’iisul Wasaare booqashada aad maanta noogu timid, waxaan filaynaa muddada aad nala joogto inaad wax badan ka ogaan doonto xaaladda gobolka Shabellaha Hoose oo runtii ay ka jiraan baahiyo dhinacyo badan leh” ayuu yiri Guddoomiye C/qaadir Siidii oo dhanka kalena sheegay in gobolka iyo magaalada Marka ay dhibaatooyin weli ku hayaan kooxaha nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Xildhibaan C/laahi Cumar “Abshiroow” oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheeagay in dagaaladii ka dhacay degmada iyo dhibaatooyinka kale ee Al-shabaab deegaanka ka wadeen ay saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha dadka.

“Mudane Ra’iisul Wasaare ku soo dhawoow magaalada Marka, farxad ayeyna noo tahay inaan kugu soo dhaweyno Marka Caddeey, shacabkii degmada ku noolaa dhammaantood waa ku sugayaan. Degmadan markii uu Shabaab ka baxay waxay ku reebeen dhibaatooyin badan, waxaan filaynaa in socdaalkaagu uu fur-furi doono magaalada Marka, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeed labadaba magaaladu aad bey u liidataa”ayuu yiri Xildhibaan Abshiroow.

Ugu danbayn waxaa Munaasabadda soo xiray Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo shacabka iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uga mahadceliyey soo-dhaweynta aan loo kala harin ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha gobolka.

“Waxaan u mahad-celinayaa wafdigii iga soo horeeyay sida guddoomiyaha gobolka, wasiiradda, xildhibaanada iyo madaxda kale ee isku hawshay inaan maanta halkaan safar ku imaado. Waa jirtay marar badan oo aan ku noolaa Marka iyo waqtiyo aan dalxiis u imaan jiray, balse maanta waa ka duwan tahay oo shaqo qaran oo runtii aad u adag ayaan u nimid ujeedkayaguna waa in dhibka haysta dadka reer Marka iyo guud ahaan Shabellaha Hoose aan la aragno kalana shaqayno sidii wax looga qaban lahaa, islamarkaana natiija looga gaari lahaa xaalada uu ku sugan yahay gobolkan Shabelle Hoose. Wuxuu gobolku hormuud u yahay horumarka iyo dhaqaalaha dalka, waxaana soo gaaray burbur aad u ballaaran sida gobollada kale ee dalka uu saamaynta ugu yeeshay burburku” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhanka kale sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay wax ka qabanayso dib-usoo-noolaynta ilaha dhaqaalaha iyo amniga ee gobolka.
somali93
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Marka halkaasi oo ay ku jiraan dad waxyeello ka soo gaartay dagaaladii deegaanka ka dhacay iyo falalka argagixisadu ka waddo gobolka, waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu mid mid u booqday dhammaan qaybaha uu ka koobanyahay Isbitalka Guud wuxuuna warbixin ka dhageystay hawl-wadeenada Isbitaalka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso inay daryeelka caafimaad helaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed isla markaana dadaal gooni ah u gali doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira Isbitaalka guud ee magaalada Marka

—DHAMMAAD—
Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Mogadisho, Somalia
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.