Home » Warar »

Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen xoghayahii hore ee gobolka Banaadir CabdiKaafi Hilowe Cismaan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey shacabkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, May 03, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo galaaftay shacab Soomaaliyeed ee an waxba galabsan. Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay xoghayahii hore ee gobolka Banaadir Allaha u naxariistee CabdiKaafi Hilowe Cismaan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkaasi ku tilmaamay mid argagaxisanimo oo ay gaysteen nabad-diid aan asal ku lahayn dhaqanka Islaamka.

Isagoo qaraxa ka hadlaya waxa uu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:

“Waxaan ka tacsiyaynayaa dhammaan dadkii ku dhintay qaraxii maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay shacab Soomaaliyeed ee an waxba galabsan. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa qoysaskii ay ka tageen marxuum CabdiKaafi Hilowe Cismaan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii khaaska ahayd oo sidoo kale ku dhintay qaraxii maanta. Marxuumku wuxuu ahaa nin aan shakhsiyan u aqaan oo dadaal badan ku bixiyay u adeegidda shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

“Waxaan weynay dad qiimo ku leh bulshada oo ka qayb qaadanayey horumarka iyo dadaalka aan ugu jirno in waddanku ka baxo xaaladda adag ee uu ku jiro. Weerarrada noocan ah waxa ay xoojinayaan go’aanka aan mar kasta ku taagannahay ee ah ciribtirka nabad-diidka dhibaatada ku haya dadka iyo dalka Soomaaliyeed

“Daadinta dhiigga shacabka aan waxba galabsan waa arrin aan raad ku lahayn diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna Soomaaliyeed. Kuwa ka been sheegaya diinteenna suubban ee dadkeenna laynaya waan ka guuleysan doonnaa haddii Alle idmo.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlayey qarax lala damacsanaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada geesinimada leh ee muwaadin Soomaaliyeed uu ku fashiliyay yoolkii ay lahaayeen argagixisada. Muwaadinka Soomaaliyeed ee fashiliyey qaraxan ayaa ku wargeliyey xildhibaanka in gaarigiisa qarax loogu xiray , iyadoo tallaabadaasi ay badbaadisay xildhibaanka iyo labo xildhibaan oo kale oo la socday.

“Waxaan ammaanayaa tallaabada uu qofka muwaadinka ah ku wargeliyey xildhibaanka. Tani waxa ay inoo muujineysaa in dadkeennu ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan sugidda ammaanka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Dhammaad

Cabdirashiid Muuse Siciid
Press Officer for the OPM
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823
Email: media@opm.gov.so
Email: abrashidmuse@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.