Bashiir Cali Maxamed “Relief International waxay Fureysaa Xarun lagu Barto Cilmiga Saxaafadda ,waxayna ugu Horeyn Tababareysaa 140 Ardey
Munaasabad ku Aaadan Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3 May 2014 ayaa waxay ka dhacdey Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho waxaa Xafladaas soo qaban qaabiyey Hayadda Caalamiga ah ee Relief International waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Qaybaha kala duwan ee Warbaahint,a Masuuliyiinta iyo Ardeyda Jaamacadda Muqdisho iyo Marti Sharaf kale
Ugu Horeyn waxa halkaa warbixin ka so jeediyey Masuul ka socdey Hayadda Caalamiga ah ee Relief International oo lagu Magacaabo Bashiir Cali Maxamed oo sheegey in uu Hambalyo u dirayo Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Munaasabada maalinta Saxaafadda Aaduunka, waxaa kale uu sheegey in Hayadiisu waqti aan sidaa u dheereyn Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka bilaabi doonto Mashaaric kor loogu qaadayo Aqoonta Saxaafadda Soomaaliyeed waxaa uu sii raaciyey
“Waxaa Hayada u qorsheysan in ay Furto Xarun lagu Tababaro Saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaana ku bilaabi doonaa 140 ardey iyadoo Macalimiinta Ardeydaas wax bareysa marka hore lagu soo tababari doono Magaalada Nairobi “ ayuu yri Sarkaalkaas ka socdey Hayadda Caalamiga ah ee Relief International Bashiir Maxamed Cali oo sheegey in Puntland ay hore uga soo hirgeliyeen Xarun la mid ah Xarunta ay hayadu damacsan tahay in ay ka hirgeliso Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Cabdirashiid Cabdile Abiikar oo ka socdey Ururka Nusoj, Liibaan Cabdi Cali oo ka socdey Ururka Sima,Farxiya Maxamed Khayre oo ka socotey Ururka SWJ, Mustaf Shiikh Yaasiin oo ka socdey Shabakadda-13 iyo Canab Maxamed Cosoble oo ah Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxayna dhamaatood u Mahadceliyeen Hayadda Caalamiga ah ee Relief International oo soo qaban qaabisey Munaasabadaas waxayna ka dalbadeen in gacan siiyaan Saxaafadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si loo helo Saxafi meel walba ka dhisan oo ku shaqeeyey si Xilasnimo ah.
Xuseen Abuukar Shiikh oo ku hadlayey Magaca Jaamcadda Muqdisho ayaa Bahda Saxaafadda uga Hambalyeeyey Maalinta Saxaafadda Adduunka isagoo sheegey in Saxaafadu at tahay aqoon loona baahan yahay Qaybaha kala duwan ee Saxaafada in ay mar waliba ku dadaalaan Aqoonta Saxaafadda sidoo kale waxaa uu sheegey in Jaamacadda Muqdisho ay diyaar u tahay in Gacan siiso Saxaafadda si loo helo Saxaafada Aqoontooda Dhameystiran tahay
Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Idaacada Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow oo Hayada kaga Mahadceliyey Relief International oo uu sheegey in ay Balan qaad fiican u sameysey Saxaafadda Soomaaliyeed si loo tababaro Qaybaha kala duwan ee Wrbaahinta si Aqoontooda kor loogu qaado sidoo kale waxaa uu sheegey in Xeerka Saxaafadda u haatan marayo meel Gabagabo ah loona baahan yahay in qaybaha kala duwan ee Saxaafadda in ay gacan ka geystaan Dhaqan galkiisa
“Waxaa soo dhaweyneynaa Balan qaadka Hayadda Caalamiga ah ee Relief International Sare u qaadida Aqoonta Saxafiyiinta Soomaaliyeed “ ayuu yiri Wasiirka ku Xigeenka wasaaradda warfaafinta Mudane Cabdulaahi Colaad Rooble oo Bahda Saxaafada uga Hambalyeeyey Munaasabadda 3-da May,ee Maalinta Saxaafadda Adduunka.
Sidoo kale Munaasbado tan la mid ah ayaa lagu qabtey Hotelka Maka Al Mukarama oo lagu Xusayey Maalinta Saxaafadda Aduunka waxaan soo qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) Ururka Suxufiyiinta Finland (VIKES) , waxaa iyana Guriga Hooyooyinka lagu qabtey Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3-da may waxaana soo qabanqaabiyey Ururka Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.