Home » Faallo »

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.2aad) – W.Q. Aden Colujoog

Isku soo dhawaashaha adduunka (Globalization) ee ay sahleen adeegsiga farsamooyinka casriga ah, iyo isku xirnaashaha bulshada caalamka ee dhinacyada wax kala badalashada, aragtiyada, wax soo saarka, figradaha iyo dhaqanka; ayaa dunida maanta ka dhigay tuulo yar oo dadka ku wada nool aanay sina u kala maarmin.

Tan iyo markii uu Rabbi aadanaha ku beeray adduunka, waxaa jiray Is-riix-riix ku dhisan damac wax kororsi, maskab doon iyo dhul boob, taasoo soo martay marxalado iyo waqtiyo kala duwan.

Sida ku cad sooyaal taariikheedka, waxaa waqtiyo hore jiray, ilaa iyo iminkana jira, in uu aadanaha asaga oo aalado kala duwan adeegsanaaya ay bulshaba – bulshada ay ka itaal roon tahay ku duusho, taasoo kuwa laga taag roonaaday dhaxal siiso in la ceyn wareejiyo oo lagala wareego maal iyo maskab wixii gacantooda ku jiray.

Haddaba, is-riix-riixa, isu awood sheegashada, iyo is dhex galka bulshooyinka ee ku yimaada xoog isku qabsashada, deegaan wadaagga, ganacsiga iyo xiriirka, ayaa waxay keentaa in markii muddo la joogaba umaduhu is bara kiciyaan, dabadeedna ay marxaladaha kala gedisan ee noocaas ah awgood ka abuuranto is dhexgal bulsho “social integration”, taasoo keeni karta in ay dhimato luuqadda ay ku hadasho bulshada laga xoog batay ee aan laheyn aqoon, xadaarad iyo dhaqaale fiican.

Maxay kala yihiin luuqad dhimasho, luuqad baabi’id, iyo luuqad lumis?

Luuqad dhimasho (Death language):  Waa hab raac saameyn ku yeesha qaab ugu hadalka luuqadda umadaha kala gedisan, taasoo heerka ku hadalka luuqadda ay siyaabo kala gedisan hoos ugu dhacdo, dabadeedna keenta in la waayo qof luuqaddaasi u dhashay oo si fiican ugu hadli yaqaan. Luuqad dhimsashadu waxay asiibi kartaa luuqad kasta, sarbeebaha, iyo waliba kala gedisnaashaha yar ee luuqadaha (dialects), iyo dhamaan qeybaha luuqadda oo dhan.

Luuqad baabi’id (Extinct language):  Waa marka la waayo dad ku hadla luuqadda, ama ay luuqadi isticmaal beesho.

Luuqad lumis (Language loss):  Waa marxaladda kala guurka ee ay marto luuqadda loo isticmaalo ku hadalka kaliya (spoken language), iyo marka ay dhimato oo la waayo qof danbe oo ku hadla, taasoo booska ay ka baxday ay si toos ah u buuxiso luuqad kale.

Ifafaalaha lagu garto in ay luuqadi qatar ugu jirto in ay lunto 

Inta aanan guda galin ifafaalaha lagu tilmaami karo in ay luuqadi qatar ku jirto, ama ku dhowdahay dhismasho “moribund”, waxaa haboon in aan xuso in ay luuqaduhu u kala baxaan mid lagu hadlo oo kaliya (spoken language), iyo mid lagu hadlo lana qoro (spoken and written language.)

Inkasta oo luuqadda loo adeegsado ku hadalka oo kaliya ay aalaaba aad uga nugushahay tan lagu hadlo lana qoro marka laga eego dhinacyada qatarada soo wajaha, haddana, labaduba way dhiman karaan haddii bulshada luuqadaas leh ee ku hadasha (native speakers) aanay si adag u ilaalin, u hor marin, una dhowrin dhaqanka iyo luuqadda ay leeyihiin.

Luuqadda loo adeegsado ku hadal kaliya, iyo tan haba qornaatee aanan aheyn mid si rasmi ah looga isticmaalo xafiisyada dowladda, maxkamadaha, baarlamaanka, iskuulada iyo horumarinta suugaanta, inta aanay dhiman ka hor waxay martaa marxalad kala guur oo ah, ku hadal usii gudba baaba’ (from a spoken to an extinct.)

Warbixin sanadkii 2005 ay diyaarisay shabakadda Ethnologue oo si weyn isugu taxluujisa wax ka ogaashaha iyo la socodka isbedelada luuqadaha ku dhaca ayay ku sheegtay in tirada guud ee luuqadaha hadda nool (living languages) oo gaaraya  (5,000 ilaa iyo 10,000), 473 ka mid ah ay 6.8% qarka u saaran yihiin in ay dhintaan. Baaris mar kale isla shabakaddaas ay sameysay sanadkii 2013 ayaa lagu ogaaday in tiradii kore ay hoos u dhacday .7% (6.8% – 6.1%.)

Dhab ahaantii, kor u kaca dhimashada ku timaada luuqadaha oo hadda si xowli ah u socda ayaa lala xariiriyaa saameynta ay ku yeelato isku soo dhawaashaha bulshada caalamka (Globalization), adeegsiga mabaadi’da adoonsiga dadban (neo-colonialism), iyo ayada oo luuqadaha uu dhaqaalahooda xoogan yahay ay shiiqiyaan kuwa tabarta yar, halkaasna ay ku timaado in ay luuqadda weyn noqoto mid inta badan lagu hadlo, tan yar dadka ku hadlana ay sii yaraadaan, ilaa la waayo cid danbe oo ku hadasha luuqadaas dhaqmaad beeshay.

Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, cilmiga, iyo dhaqanka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan “UNESCO”, warbixin uu asna kal hore soo saaray ayaa lagu sheegay in ay jiraan 4 marxaladood oo ka mid ah qatarada soo wajaha luuqadaha waqtiga isbedelka bani’aadamka uu maraayo marxaladaha kala gedisan (human intergenerational transfer), kuwaasoo kala ah:

  • Marxaladda halis galista (vulnerable period) – oo ah marka aanay caruurta luuqaddooda ku hadli karin markay guriga ka baxaan (not spoken by children outside the home)
  • Qatar galid uusan shaki ku jirin (definitely endangered) – oo ah caruurta oo aan u baran luuqadda markii ay guriga joogaan sidii mid ay u dhasheen oo kale
  • Qatar galid ba’an (severely endangered) – oo ah marka ay luuqadda ku hadlaan awoowe-yaasha, ayeeyooyinka iyo dadka waaweyn oo kaliya, halka ay waalidiinta caruurta dhalay awoodin in ay caruurtooda kula hadlaan ama qudhoodaba ku wada hadlaan
  • Si aad ah qatar ugu jira (critically endangered) – oo ah marka dadka ugu da’da yar ee luuqadda ku hadla ay noqdaan awoowe-yaasha iyo ayeeyooyinka iyo wixii kasii weyn, kuwaasoo qudhooda uu ku adag yahay ku hadalka luuqadda.

UNESCO, waxaa kale oo ay warbixinteeda tusaale ugu soo qaadatay in luuqadaha hadda qarka u saaran in ay baaba’aan ay ka mid yihiin kuwo looga hadlo dalka Indoniisiya oo tirada dadka ku hadla ay gaarayaan labo milyan, kuwaasoo dhamaantood kusii socda GABOW, halka aanay jirin ama aad u yar yihiin da’ yar luuqadaas kuwada hadasha.

 

La soco Qeybta 3aad oo aan kusoo qaadan doono luuqado hadda looga hadlo qaaradda Afrika oo qarka u saaran in ay dhintaan.

Kala soco linkigan: https://somalitalk.com/tag/luqadda-soomaaliga/

colujoog9

Aden Colujoog

Qoraa iyo suxufi madax banaan

adencolujoog@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.