Home » Warar »

Siyaad Cali: Hormuud Ku Haboon Hogaanka Waxbarasho Ee Minneapolis

Siad Ali oo ah musharrax u taagan xilka golaha waxbarasho ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa taageeray gudoomiyaha degmada 6’aad Minneapolis ee Abdi Warsame, soona saaray qoraalkan:

Qalinkii Abdi Warsame 

Aqoon la’aani waa iftiin la’aane
Waa aqal iyo ileys la’aane
Ogaada ogaada dugsiyada ogaada!
Oo aada oo aada walaalayaal oo aada!
Abwaan Xasan Sheekh Muumin

Hogaanku waa xirfad lagu jiheeyo mujtamac si loo helo natiijo aan suuroobi lahayn. Waa kasbasho bulsha weyn, waa haybad loo hibeeyo hanaan wadaha wanaagsan ee umada horkaca. Ararta hadalkeyga hadaan hor u dhaafo, oo aan qormadaan dulucdeeda hoos ugu daadago, waxaan maqaalkeygaan aan ku bandhigayaa aragtidayda ku aadan hogaamiye murashaxa Golaha Waxbarashada ee Magaalada Minneapolis, Mudane Siad Ali.

Hadabada markay soo shaac baxday hamigiisi murashaxnimo, waxaa laga maarmaan noqotay in aan baaro oo aan bidhaamiyo taarikh nololeedkiisa iyo mowqifkiisi u jadwalaysan, iyo waliba aragtidiisi dheer ee ku aadan hanaanka waxbarasho ee magaalada Minneapolis.

Waa Kuma Siad Ali

Nimaadan aqoon taariikhdiisi iyo waliba shakhsiyadiisi way adagtahay inaad ogaatid tayadiisi hogaan. Siad Ali ayaa kamid ah dadweynaha ku dhaqan degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis, oo ah degmo oo an fursad u helay inaan gudoomiyo. Xiligii aan ololaha ku jiray dabayaaqadii sanadkii hore, waxaa nasiibku ii saamaxay in aan isbarano islamarkaana aan iswaydarsano aragtiyo quseeyo mawduucyo ay kamidyihiin waxbarashada, dhaqaalaha, amniga iyo midnimada bulshada Somaaliyeed ee magaalada Minneapolis. Siad Ali ayaa ah mas’uul qoys ah, ahna odayga Marwo Khadra oo ay labadooduba dhaleen 4 caruur.

Waxbarshadiisi iyo Waayo Aragnimadiisi Shaqo

Mudo dhan 6 sano, Siad Ali wuxuu u ahaa la taliye Marwo Amy Klobuchar oo kamid ah golaha sare sharci dejinta Dowlada Federaalka ee lagasoo doorto gobolka Minnesota. Mas’uulka ayaa u xilsaaran arimaha dadka soo galootiga ah (immigration) iyo waliba xiriirka bulshada ee xafiiska Marwo Amy Klobuchar. Dhanka waxbarashadiisi sare, sanadkii 2007 wuxuu ka qaatay shahaadada Masters Degree Jaamacada University of Minnesota, isagoo ku takhasusay tacliinta.

Siad ayaa sidoo kale ku noolaa wadanka India mudo 8 sano halkaasi u ka qaatay shahaadada Bachelors Degree Jaamacada Osmania University, isagoo ku takhasusay Dhaqaalaha iyo Computer (Commerce & Computer). Wuxuu sidoo kale isla wadankaasi ka qaatay labo shahaado ee Masters isagoo ku takhasusay maadooyinka dhaqaalaha iyo maaraynta ganacsiga.

Guushii Taarikhiga Ahayd Ee Xisbiga Dimuqraadiga

Waxaa nasiib u yeeshay Sabtidii hore in aan kamid noqdo tirada ergooyinka xisbiga Dimuqraadiga oo goobtaasi kalsoonida ku siiyey Murashax Siad Ali. Waxaa I farxad galisay dhaliyaro iyo waa’yeel jinsiyad walba leh, odayaal iyo hooyooyin ku xardhan Xijaabka astaanta u ah diinta Islaamka oo goobtaasi soo buux dhaafiyey islamarkaan saacada badan fadhiyey si ay ugu hiiliyaan walaalkood. Siad Ali ayaa helay 100% kalsoonida ergooyinka Xisbiga Dimuqraadiga, islamarkaana noqday shakhsigii sadexaad oo Somaali ah oo hela kalsoonida Xisbiga Dimuqraadiga.

Muhiimada Xilka Uu Isu Taagay

Siad Ali ayaa ah xubin u taagan golaha waxbarasho ee magaalada Minneapolis. Dugsiyada Magaalada Minneapolis ayaa waxaa dhigta ku dhawaad 36 kun oo arday oo isugu jira dugsiya hoose, dhexe iyo dugsiyada Sare. Gudigaan ayaa si toos ah u hoos yimaada maamulka Gobolka Minnesota , islamarkaana saa’meeya siyaasada lagu dhaqo dugsiyada, daraasaadka iyo waliba maamulka dugsiyada magaalada Minneapolis. Mar aan waydiiyey Murashaxa sababta uu xilkaan isugu taagay ayaa jawaabtiisu ahayd; “Waxaan ka damqaday tirada ardayda Somaaliyeed ee ka saaqida Dugsiyada Magaalada Minneapolis. Waxaan rabaa in aan afkaarteena geeyo gudigaasi si waxyaalaha aynu aaminsan’nahay, qodobada aynu danayno ay qayb uga noqdaan islamarkaana ay saa’meeyaan siyaasada lagu dhaqo dugsiyada Magaalada Minneapolis.”

Gunaanad

Anigoo tixraacaya taariikh nooleedka, aqoonta, xirfada iyo barnaamijka uu soo bandhigay ee qodobaysan, waxaan si kal iyo laab ah u laban laabayaa taageerideedi dhaqaale, abaabul iyo talo oo aan u haayo ololaha Murashax Siad Ali. Waxaan ugu baaqayaa dadwaynaha Somaaliyeed inay kusoo biiraan halgankaan kasoo ifey magaalada Minneapolis. Siad Ali waa shakhsi aynu ku midaysanahay dhaqanka Somaaliyeed iyo mabaadi’da Diinta Islaamka. Waa shakshi noolayn kara hamigii halyey Hussein Samatar Allaha u naxariistee.

siyaad0

Siad Ali; hormuud ku haboon hogaanka waxbarasho una muuqda musharaxa kowaad ee soo celin kara kalsoonida aynu ku qabno waxbarashada Magaalada Minneapolis.

Qalinkii: Abdi Warsame
Gudoomiyaha Degmada 6’aad
Magaalada Minneapolis

###

Waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey
Abdi Salah | abdisalah7@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.